Guriyeynta kaliya ma ahan inaad hesho meel aad madaxa la gasho. Waxay u sameeysaa caafimaadkaaga siyaabo badan, tusaale sida aad dareento jir ahaan, maskax ahaan, iyo bulsho ahaan. In la helo meel badqab ah oo xassiloon oo lagu noolaado dhabtii waxay muhiim u tahay dadka iyo bulshooyinka inay caafimaad iyo fayo-qab helaan.
Ikhtiyaarada iyo caqabadaha taageerada guryeynta
Dhammaan shayada ama adeegyada la codsado lama oggolaado/maalgaliyo. Kooxdayadu waxay u qiimeeyaan codsiga kiis kasta gaarkiisa waxayna qaataan go'aanka kama dambaysta ah. Waxay qaadan kartaa dhowr bilood in dib loo eego, looga hawlgalo laguna bixiyo taageerada iyo dheefaha guriga. (Haddii aad u baahan tahay cawinaad degdeg ah, ka fiiri liiska khayraadka qaybta hoose ee boggan.)
Codsiyada qaarkood waxaa lagu bixin karaa ama lagu maalgelin karaa iyada oo loo marayo dheefaha taageerada guriga ee Baahiyaha Bulshada ee cusub ee Caafimaadka la Xiriira. U-qalmitaanka dheefaha HRSN waxaa go'aamiya xaalad caafimaad oo u qalanta, kala-guurka nolosha iyo/ama shuruudaha uu dejiyo Maamulka Caafimaadka Oregon (OHA).
Waxaad ka heli kartaa shuruudaha u-qalmitaanka ee Dheefaha Taageerada Guryaynta ee dokumentiga U Qalmitaanka OHA ee dheefaha guryeynta Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon .
U qalmitaanka dheefaha guryeynta ee OHP HRSNCodsiyada kale waxaa laga yaabaa inay bixiso ama maalgeliso Sanduuqa Adeegga Caafimaadka la Xiriira (HRSF), oo sidoo kale loogu yeero "Flex". HRSF/ Flex waa barnaamij ka caawiya daboolidda baahi aysan daboolin dheefaha OHP ee caadiga ah. U qalmitaanka Flex waxaa go'aan looga gaaraa qof kasta iyadoo lagu saleynayo qorshahooda caafimaadka iyo daaweynta. Waxay ku xiran tahay haddii adeegga ama shayga aad rabto uu caawin doono caafimaadkaaga iyo haddii uu ansixiyey barnaamijka HRSF.
Fadlan eeg Tilmaamaheena Kaalmada Baahiyaha Bulsho si aad u ogaato macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xaaladaha caafimaad iyo nololeed ee u qalma iyo taageerooyinka sida badan la maalgaliyo ee mid kasta.
Tilmaamaha Kaalmada Baahiyaha Bulsho (PDF)Hoos waxaad ka heli doontaa qaar ka mid ah xaddidaadaha taageerooyinka guryeynta ee CareOregon bixiso iyadoo loo marayo HRSN iyo HRSF/Flex. Ka eeg Tilmaamaha Kaalmada Baahiyaha Bulshada kor si aad u hesho dhammaan xaddidaadaha iyo ka tagidda.
Taageero | Xaddidaadaha |
Taageerada kirada | Saddex ilaa lix bilood (iyadoo ku xiran mutaysiga), ayaa la heli karaa saddexdii sanaba mar, oo ay ku jirto kirada muddo dhaaftay |
Adeegyada guriga | Wax aan ka badnayn lix bilood, oo ay ku jiraan wixii dayn daahday, waxa la heli kara saddexdii sanaba hal mar |
Wax ka baddelka guriga | Waxaa la heli karaa marki loo baahdaba si gacan looga gaysto xaaladaha caafimaad sida jaranjarta gaariga cagaha leh, biraha la qabsado, gacanka armaajooyinka |
Dib u hagaajinta guriga | Waxaa la heli karaa hal mar oo kaliya. Waxaa loogu talagalay hababka ama ficilada la qaado si wax looga qabto oo loo toosiyo arriimaha ama dhibaatooyinka ka jira guriga. |
Joogista hudheelada |
|
Khidmadaha keydinta | Ilaa lix bilood, saddexdii sannadoodba halmar |
Carbuunta guriyeynta | Waxaa la heli karaa hal mar oo kaliya |
Khidmadaha guurista | Waxaa la heli karaa hal mar oo kaliya |
Waxyaabaha ka reeban waxaa kamid ah lacagaha rahanka iyo lacagaha la xidhiidha dhisida dhismooyinka cusub.
Miyaan u qalmaa taageerada guriyeynta?
Si aad xaq ugu yeelato HRSN iyo/ama taageerada guryeynta HRSF:
- Waxa waajib ah inaad ka tahay xubin hadda.
- Ma woodid inaad shayga/adeegga ku hesho dheef ama hab kale, iyo;
- Shayga ama adeeggu waxa waajib ah inuu caawinayo baahi caafimaad ama xaalad nololeed oo u qalanta.
- Aad bixiso dhammaan dokumentiyada loogu baahan yahay codsigaaga.
Sideen u codsadaa taageerada guriyeynta?
Haddii aad buuxisay jaangoynaha u-qalmitaanka ee kor ku xusan oo aad dooneyso in aad codsato taageero guryeyn, si fudud guji badhanka hoose si aad u buuxiso foomka codsiyada guryeynta ee onlaynka ah. CareOregon waxay dib u eegis ku sameyn doontaa codsigaaga si loo go'aamiyo in codsigaaga uu buuxiyey shuruudaha u-qalmitaanka ee Baahiyaha Bulshada ee Caafimaadka la Xiriira (HRSN) ama Sanduuqa Adeegga Caafimaadka la Xiriira (HRSF) / "Flex" iyadoo laga duulayo macluumaadka aad bixiso. Gudbinta codsiga oo lagu guuleystay micnaheedu ma ahan in la ansixin doono.
Foomka codsiga Guryeynta Dhijitaalka ahWaxaad sidoo kale la soo degi kartaa oo aad buuxin kartaa Foomka codsiga guryeynta (PDF) uguna gudbin kartaa 211 iimeyl ama fakas.
- Nambarka Fakiska: 503-214-8909
- Iimeylka: hrsn@211info.org
Waxaad buuxin kartaa labada foom midkood adiga laftaadu, ama adigoo kaashanaya waalid, daryeele, ama masuul/taageero/saaxiib aad ku kalsoon tahay, ama xubin shaqaale oo ka socoto urur ama rug caafimaad.
Haddaad qabto su'aalo ama jeclaan lahayd inaanu kaa caawino buuxinta foomka codsiga, ka soo wac khadka tooska ah 211 lambarka 866-698-6155.
Macluumaad dheeraad ah
Halkan waxaa ku qoran qaar ka mid ah khayraadka bulshada oo loogu talogalay xubnaha u baahan caawimaad degdeg ah si looga hortago in guryaha laga saaro ama Hoy la'aan noqday:
- Si aad u hesho khayraadka guryeynta ee ugu dambeeyey ee agagaarkaaga...
- Booqo www.211info.org
- Wac 2-1-1 (ama 1-866-698-6155)
- Iimeyl u dir help@211info.org
- Ugu dir zip code-kaaga farriin ahaan 898211 (TXT211) Isniin - Jimce, laga bilaabo 9 g.h. ilaa 5 g.d.
- Community Alliance of Tenants wuxuu leeyahay bog khayraad dhammaystiran oo loogu talagalay kiraystayaasha Oregon.
- Wixii caawimo adeegga ah, xubnuhu waxay sidoo kale la xiriiri karaan Hay'adda Tallaabada Bulshada deegaankooda.