DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Si Fiican ula Noolaanshaha Xanuunada Jiitama

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Xaaladaha dhaba-dheerada waa cudurro socda muddo dheer oo aan inta badan si buuxda u bixin. Si Wanaagsan ula Noolaanshaha Xaaladaha Daba-dheeraada waa aqoon-is-weydaarsi lix toddobaad ah oo lagu barayo xirfado wax ku ool ah si aad u maareyso xaalad dabadheeraata. Ka-qaybgalayaashu waxay wadaagaan guulahooda waxayna is bartaan ka-qaybgalayaasha kale Qof kastaa qofka kale ayuu taageeraa. Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu dhisaa kalsooni xagga maaraynta caafimaadkaaga, firfircoonida iyo ku raaxaysiga nolosha. Inta badan aqoon-is-weydaarsiyada waxaa lagu bixiyaa bilaash. Waxaa kuu soo celin kara CareOregon kharash kasta oo aqoon isweydaarsi ku baxay. Hoos wax badan ka baro.

Maxaan ka baran doonaa aqoon-is-weydaarsiga?

Mawduucyada laga hadlay:

  • Maareynta calaamadaha
  • Daawooyinka "sida-loo"
  • La shaqaynta kooxdaada daryeelka caafimaadka
  • Dejinta yoolalka toddobaadlaha ah
  • Xallinta dhibaatada oo waxtar leh
  • Isgaarsiin wanaagsan
  • Sida loo nasto
  • Xakamaynta shucuurka adag
  • Talooyin ku saabsan si fiican wax u cunista
  • Jimicsi nabdoon, oo fudud

Sharaxaada aqoon-is-weydaarsiga

Dhererka:Aqoon-is-weydaarsi lix toddobaad ah oo la kulmo 2½ saacadood toddobaad kasta.

Yaa ka qayb gali karo: Qof kasta oo la nool xaaladaha caafimaadka oo daba-dheeraaday, oo ay ku jiraan sonkorowga, arthritis-ka, neefta iyo cudurrada wadnaha. Xubnaha qoyska iyo asxaabta waa la soo dhaweynayaa.

Sidee buu aqoon-is-weydaarsigu ii caawin doonaa? Waxaad baran doontaa xirfado aad ku maareyso xaaladdaada dabada dheer, taasoo ku siinaysa inaad si wayn u xakameysid noloshaada.

Yaa hogaaminaya aqoon-is-weydaarsiga? Laba hoggaamiye oo tababaran. Mid ama labada hoggaamiye ayaa qabo xalaad daba-dheeraatay.

Goobaha: Aaggaaga ka hel aqoon-is-weydaarsi. (Raac linkigan, guji Raadi Aqoon-is-weydaarsi, oo ka dooro "Barnaamijka Maareynta Cudurkaaga Daba-dheeraada" ee liiska hoos-u-dhaca ee barnaamijka.)

Qiimaha: Inta badan aqoon-is-weydaarsiyada waa bilaash. Goobaha aqoon-is-weydaarsiga qaarkood ayaa laga yaabaa inay qaadaan lacag yar. CareOregon waxay soo celin doontaa kharashka aqoon-is-weydaarsiga markaad ka qaybgasho ugu yaraan afar ka mid ah lixda kulan ee aqoon-is-weydaarsiga. Si kharashka kaa baxa laguugu celiyo:

Aqoon-is-weydaarsiyo kale oo Noolasha Wanaagsan ah ayaa laga bixiyaa degmooyinka Oregon qaarkood

  • Tomando Control de su Salud: Nooc af Isbaanish ah ee Noolasha Wanaagsan
  • Barnaamijka Maaraynta Wanaagsan ee Naftaada ee HIV: barnaamij todoba isbuuc ah oo loogu talagalay dadka la nool HIV/AIDS 
  • Ka hel aqoon-is-weydaarsi kuu dhow

Aanu ku caawino

Noogu soo dir farriin sugan Xiriirka Xubinta ee careoregon.org/portal ama naga soo wac 503-416-4100, wicitaanka bilaashka ah 800-224-4840 ama TTY 711. Waxaan kugu caawin karnaa inaad bilaabato aqoon-is-weydaarsi.