DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Daawooyinka

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Daawooyinka Dhakhtar Qoro

CareOregon waxay bixisaa lacagta daawooyin badan oo dhakhtar qoray. Kuwa aanu kharashkooda daboolno waxay ku qoran yihiin liis loo yaqaan "daawooyinka caymiska." Marka bixiyahaagu kuu qoro daawo, waydii inay ku jirto liiska daawooyinka caymiska CareOregon. Liiska daawooyinka caymisku wuxu sharraxayaa haddii ay jiraan shuruuc khaas ah oo ku saabsan daawada. Ku dhufo linkiga hoose si aad u furto liis daawo.

Liis daawo

Liiska Daawooyinka Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP) ee CareOregon (la cusbooneysiiyay 9/1/24)

Soo dejiso qaab kombuyuutarradu akhrin karaan (JSON) oo ah Buug-yaraha

Shuruudda Ansixinta Isticmaalka Hore ee Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP) (la cusbooneysiiyay 8/2024)

Foomamka xubnaha

Sharraxaha xubinta Farmasi-MED-HSO

Wax ka baro daboolida caymiska daawooyinka

Xubnaheenu waxay ku tiirsan yihiin daawooyin si ay u helaan caafimaad una sii caafimaad qabaan. Taasina waa sababta aanu u bixino lacagaha daawooyin dhakhtar qoro oo badan. Ku dhufo linkiga hoose si aad u aragto dukumeentiga muujinaya daawooyinka caynsan, dib u camirista daawooyinka, xaddidaadaha iyo waxyaabo kale oo badan.

Haddii aad si degdeg ah ugu baahan tahay daawo aan ku jirin liiskeena daawooyinka caymiska, soo wac Adeega Macmiilka. Adiga, dhakhtarkaaga ama farmasiilahaaga ayaa soo codsan kara xaddi daawo degdeg ah oo 72-saacadood (ugu badnaan) ah. Si aad u soo camirato daawo dhakhtar qoray, tag farmasiga aad rabto ee shabakaddeena ku jira. Waxaad heli doontaa ikhtiyaaro badan. Shabakadeena waxa ku jira shirkada farmasiyada waawayn intooda badan iyo farmasiyo kale oo madax bannaan.

Fadlan xasuusnoow in daawooyinka caafimaadka maskaxda badankooda uu gobolku toos u bixiyo kharashkooda oo aanu CareOregon bixin, lagana yaabo inaad waxyar oo lacagta daawada ah aad jeebkaaga ka bixiso.

Haddii aad rabto in nuqul waraaq ku daabacan oo liiska daawooyinka caymisku daboolo ah laguu soo diro, Adeega Macmiilka ka soo wac lambarka 800-224-4840 ama TTY 711. Adeegan wax lacag ah lagaama rabo oo waxaad dukumiintigaaga ku heli doontaa muddo shan maalmo shaqeed ah.

 

Farmasiyada boosto wax lagaga soo dalbado

Daawooyinkaaga waxa iridda gurigaaga kuugu keeni kara mid ka mid ah farmasiyadeena hoose ee dalabka ku qabta boosto ahaan. Guji badhanka farmasiga si aad u furto foomka lagaa rabo inaad buuxiso oo soo dirto.

 

Astaanta Jaantuska MEDSJaantuska MEDS

Waxay noqon kartaa mid dhib badan inaad daawooyin dhakhtar qoray oo tiro badan dhammaantood ka warhayso isku mar. Dad aad iyo aad u tiro badan ayaa toban, dersin, 20 ama wax ka badan oo daawo ah qaata. Aad bay u adkaan kartaa inaad dhammaantood si fiican uga warqabto, oo waxaa ka sii adag sidii aad dhakhtarkaaga ugu sheegi lahayd waxyaabaha ku saabsan daawooyinkaaga ee aadan jeclayn. Nidaamkayga Daawooyinka ee Fudud (MEDS) ee CareOregon waa qaab la tijaabiyay oo aad ku hubinayso in daawooyinkagu qayb waxtar leh kaga jiraan qorshahaaga daryeelka caafimaadka.

Jaantuska MEDS wuxu kaa caawinayaa inaad xasuusato sababta aad daawada u qaadanayso, iyo inaad dadka kale ku wargeliso siday wax kuugu tarayso oo kuugu socoto:

Jaantuska MEDS oo ay ku qoran yihiin magaca daawada, sababta aad u qaadanayso, sida aad ku dareemayso, iyo wixii faallooyin dheeraad ah ee aad ka hayso daawada.

 

Maanta soo dalbo Jaantuskaaga MEDS!

Xubin kasta oo CareOregon way codsan kartaa Jaantuska MEDS oo muujinaya dhammaan daawooyinkaaga. Jaantuska MEDS wuxu kaa caawin karaa inaad dhakhaatiirtaada ama daryeel bixiyayaashaada u sharraxdo haddii aad dhibaato kala kulmayso daawo ama aad ka walwalsan tahay daawo aan waxba kuu tarayn ama sidii la rabay kuugu shaqaynayn. Inaad dhakhtarkaaga, farmasiilaha ama daryeel bixiyaha ku wargeliso sida aad ku dareemayso daawooyinkaaga waxay ka caawin kartaa inay kuu raadiyaan daawooyin beddel ah oo kuwan kaaga roon oo laga yaabo inay horumariyaan caafimaadkaaga.

Si aad u codsato Jaantuska MEDS oo shaqsiyan laguugu qaabeeyay, soo gal Bogga Xubinta oo xarunta farriimaha nooga soo dhex dir farriin xafidan. Marka aad qorayso farriin cusub, "Codsiga Jaantuska Med" u dooro ciddaad farriinta u dirayso oo qaybta qoraalka farriinta ku qor farriintaada. 

Waxaad sidoo kale gujin kartaa halkan hoose si aad u furto Jaantuska MEDS oo dukumeenti PDF oo la buuxin karo ah.

Jaantuska MEDS halkan kala deg

Jaantuska MEDS - Ingiriisi

Tilmaamaha Jaantuska MEDS - Ingiriisi

Ikhtiyaarada luuqadaha kale:

Raashiyaan 
Tilmaamo af Raashiyaan ah
Isbaanish
Tilmaamo af Isbaanish ah
Shiineys
Tilmaamo af Shiineys ah
Fiitnaamiis 
Tilmaamo af Fiitnaamiis ah

Waxaan qabaa su'aalo, sidee baan caawimo ku heli karaa?
Waanu ku faraxsanahay inaanu kaa caawino su'aalahaaga. Farriin xafidan nooga soo dhex dir Bogga Xubinta. Si dhakhso ah ayaanu kuugu soo jawaabi doonaa.