Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Warka qandaraas bixinta iyo xiriiridda ee loogu talagalay bixiyayaasha caafimaadka habdhaqanka.

Dooro luuqad

Wax dheeraad ah ogow: Hel tallaaladaada xoojinta ee hargabka iyo COVID ka hadda

Taageerooyin nafaqo 

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Nafaqada waxay muhiim u tahay caafimaadka guud sababtoo ah cuntada aan cunnaa waxay bixineysaa tamar iyo nafaqo uu jirkeenu u baahanyahay si uu u koro, xoog u ahaado, oo uu si hagaagsan ugu shaqeeyo. Cunista cunto isku dheellitiran oo leh miro, khudaar, firilayda isku dhan, borotiin, iyo dufan caafimaad leh waxay ka caawisaa jirkeena inuu caafimaad qabo oo uu la dagaalamo xanuunka. Marka aan cunno cuntooyinka saxda ah, caafimaad ayeynu dareenaa, si cad ayeynu u fakarnaa, waxaanan helnaa tamar dheeraad ah oo aan ku sameyn karno waxyaabaha aan ku raaxeysano.

Taageerooyin nafaqo oo noocee ah ayaa la heli karaa?

  • Cuntada caafimaad ahaan loo diyaariyey (waxaa ku jira qiimeyn shakhsiyeed)
  • Waxbarashada nafaqada

Miyaan u qalmaa taageerada nafaqada?

Si loo helo taageero nafaqo, dhammaan afarta ka mid ah kuwa soo socda waa inay run noqdaan:

  • Waxa waajib ah inaad noqoto qof hadda xubin ka ah,
  • Adigu adeegga kuma heli kartid dheefo kale ama habab kale,
  • Shayga ama adeeggu waxa waajib ah inuu kaa caawiyo baahidaada caafimaad ama xaaladda nololeed, iyo;
  • Waxa waajib ah inaad ku jirto xaalad cunto yari oo baaxad leh.

Dhammaan shayada ama adeegyada la codsado lama oggolaado/maalgaliyo. Kooxdayadu waxay u qiimeeyaan codsiga kiis kasta gaarkiisa waxayna qaataan go'aanka kama dambaysta ah. Fadlan dib u eego Tilmaamahayaga Gargaarka Baahiyaha Bulshada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xaaladaha caafimaad iyo xaaladaha nolosha ee u qalma iyo taageerooyinka inta badan la maalgeliyo ee mid kasta.

Tilmaamaha Kaalmada Baahiyaha Bulsho (PDF)

Sideen u codsanayaa taageerada nafaqada?

Haddii aad buuxisay shuruudaha qalmitaanka kor ku xusan oo aad rabto in aad codsato taageero nafaqo, si fudud guji badhanka hoose si aad u buuxiso foomka codsiga dhigitaalka ah ee amaan ah.

Foom codsiga Nafaqada ee Dhijitaalka ah

Waxaad sidoo kale soo dejisan kartaa oo aad buuxin kartaa foomka codsiga nafaqada (PDF) waxaadna ugu gudbin kartaa 211 adoo adeegsanaya iimeyl ama fakis.

Waxaad buuxin kartaa labada foom midkood adiga laftaadu, ama adigoo kaashanaya waalid, daryeele, ama masuul/taageero/saaxiib aad ku kalsoon tahay, ama xubin shaqaale oo ka socoto urur ama rug caafimaad.

Haddaad su'aalo qabto ama jeclaan lahayd caawimo buuxinta foomka codsiga, ka wac khadka tooska 211 lambarka 866-698-6155.