Siyaasadda asturnaanta internetka
CareOregon respects the privacy of our members, providers and other visitors to our website, careoregon.org. Uma baahnid inaad na siiso macluumaad shaqsi ah si aad macluumaad uga hesho websaydkan.
Macluumaad si otomaatig ah loo uruuriyay oo loo kaydiyay
Marka aad soo gasho websayd, macluumaad kugu saabsan ayaa la uruurin doonaa. Waxaanu si otomaatig ah u uruurinaa oo si ku meelgaar ah u kaydinaa macluumaadkan soo socda ee ku saabsan booqashadaada:
- Magaca cinwaanka websaydka aad ku soo gashay Internetka (tusaale ahaan, gmail.com ama OHSU.org)
- Taariikhda iyo waqtiga booqashadaada
- Boggaga aad booqatay
- Cinwaanka websaydka aad ka imaatay markaad ugu horayntii furtay bogga ku jira careoregon.org
CareOregon waxay qoraan oo falanqeeyaan isticmaalayaasha websaydkooda soo galaya si aanu u cabbiri karno xiisaha dadku u hayaan websaydkeena. Waxaanu macluumaadkan u isticmaalna ujeedooyin tirokoob waxayna naga caawiyaan inaanu bogeena ka dhigno mid waxtar badan u leh booqdayaasha.
Macluumaad Shaqsiyan Lagugu Aqoonsanayo
Waxaanu macluumaadka qof lagu aqoonsan karo (magac, cinwaan iimayl, cinwaan goobeed ama aqoonsiyo kale oo cid u gaar ah) keliya u isticmaalaa wax la xiriira careoregon.org ama ujeedooyinka aanu ku cayino marka aanu uruurinayno. Macluumaad qof lagu aqoonsan karo waxa aanu kaa qaadi doonaa keliya haddii adiga oo ka warqaba aad bixiso. Haddii aad doorato inaad macluumaad kugu saabsan ku bixiso iimayl ahan, qaab onlayna ama ra'yi uruurin ku bixiso, iwm., waxa aanu macluumaadka hayn doonaa illaa inta aanu u baahanahay si aanu kaga jawaabno su'aal ama intaanu ku qabanayno hawhsha farriinta lagu dhex sheegay.
Baahinta
CareOregon way ilaalisaa macluumaadka shaqsiga ah ee aad nala wadaagto. Lama wadaagno, bixino, iibino, kirayno ama kama ganacsan karno liisaska iimaylada ama macluumaadka shaqsiyeed shirkadaha kale annagoo xayaysiin uga dan lehl
Waxa laga yaabaa inaanu muujino macluumaadka la isku aqoonsan karo ee aad nagula wadaagtay websaydkan haddii aanu aaminsanahay inay waajib tahay inaanu sidaas sameyso si aanu u hogaansano dacwad maxkamadeed, amar maxkamadeed, ama nidaam sharci oo lagu soo rogay websaydkeena.
Hybrid Entity Designation
The Health Insurance Portability and Accountability Act ("HIPAA”) and its implementing regulations apply to “Covered Entities” as defined by 45 C.F.R. § 160.103, including health plans such as CareOregon.
Covered Entities whose business activities include both covered functions and non-covered functions, such as CareOregon, may designate themselves as "Hybrid Entities" under 45 C.F.R. § 164.103 and 45 C.F.R. § 164.105. Designation as a "Hybrid Entity" means that only the organization's health care components performing covered functions will be subject to the oversight, compliance, and enforcement obligations of HIPAA. Components that are not health care components and do not perform covered functions remain outside HIPAA obligations.
CareOregon hereby makes this hybrid entity designation, under which the non-healthcare components of the CareOregon are not subject to HIPAA or any related company policies.
Read more about CareOregon's hybrid entity designation here.
Iimayl
Xasuusnow in nidaamyada fariimaha lagu diro ee elegtarooniga aanu ahayn mid xafidan Haddii farriintaadu aad u xasaasi tahay, fadlan noogu soo dir boosto ama isticmaal boggan xubinta ee xafidan si aad farriinta nooga soo dhex dirto.
Linkiga websaydyada kale
Websaydkan waxa ku jira linkiyo ku geynaya websaydyo kale. Fadlan ogsoonow inay CareOregon aanay ka masuul ahayn dhaqamada xogdhowriseed ee websaydyada kale.
Siyaasaddan waxay ku dabbaqmaysaa keliya la uruuriyay ee ku jirta careoregon.org. Haddii aad qabto su'aalo ama walaacyo ku saabsan bayaankeena Asturnaanta ama xogdhowrista Internetka, fadlan kala xidhiidh sarkaalkeena hogaansamida taleefanka 503-416-4760 ama taleefanka bilaashka ah ee 800-224-4840711.