DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Khayraadka kulaylka aadka u daran

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Khayraadka hawada kulul

Oregon waxay waajahaysaa heerkul ka sareeya kii caadiga ahaa, waxaanu ognahay taasi inaay keeneyso walaac. Xulashoyinka degdega ah hadaa rabto kuwa hoose akhri, iyo sidoo kale agabka mustaqbalka. Hoos ka fiiri xogta ku saabsan:

  • Sameynta qorsho diyaargaraw
  • Meesha laga helo karo xarumaha wax qaboojiya iyo gaadiidka
  • Sida aad ooga dhigan laheed gurigaaga qaboob
  • Goorta la raadsadaa daryeelka cudurrada kulaylka la xiriira

Sameynta qorsho diyaargaraw

Intuu ku qaban kuleelka xiga, sida ogu fiican aad iskaga celin karto waa inaa isku diyaarisaa.

  • Go'aanso inaa u bahantahay marawaxad ama agabka qaboojiyaha
  • Hadaad haaysato agabka qaboojiyaha, iska xaqiiji inaay shaqeeyneeso
  • La hadal saxibadaada, qooyska iyo dariskaga kuwaas oo kaligeeda goob ku nool. Soo ogoow sida ay u qorshaynayaan inay isku qaboojiyaan iyo taageerada ay u baahan yihiin marka xigta ee ay kululaato

Fiiri qormadeena oo ka hadleeso samaynta Qorshaha Kulaylka Aadka u Daran wixii xog dheeraad ah oo ku saabsan waxa aad samayn karto marka heerkulku kor u kaco.

Qaboojinta guriyaha kumeel gaarka ah

Waa kuwan qaar ka mid ah qaboojinta guriyaha ee agagaarkaga. Guji degmo si aad u aragto meesha meesha ay ku yaalaan:

    Ka baar liiska xarumaha maalintii shaqeeyan ee Shabakadda Degmada Clackamas

    Degmada Multnomah waxuu leeyahay khariidad is dhex gashanoo ka kooban laamaha maktabadda, xarumaha bulsho, saldhigyada qallafsan, barkada suufka ee baashalka iyo meelaha kale ee aad aadi karto si aad isu qaboojiso. Khariiraddan tooska ah waxay kaa caawin doontaa inaad hesho khayraad qaboojin oo u dhaw meesha aad ku nooshahay. 

    Degmada Washington waxuu leeyahay khariidad is dhex gashanoo ka kooban laamaha maktabadda, xarumaha bulsho, jardiinooyinka iyo meelaha kale ee aad aadi karto si aad isu qaboojiso. Khariiraddan tooska ah waxay kaa caawin doontaa inaad hesho khayraad qaboojin oo u dhaw meesha aad ku nooshahay.

    Xulashooyinka gaadiidka

    Haddii aanad heli karin gaadiidka, waxa laga yaabaa inuu kaa caawiyo saaxiibkeena gaadiidka aadista hoyga qaboojinta. Fadlan ayaka toos u wac:

    Sidoo kale haddii heerkulkku kormaro wax ka badan 100 derejo, TriMet waxay ku siin doontaa gaadid bilaash ah ayadoo ku geeyneeso xarumaha qaboojinta.

    Sida aad ku qaboobi laheed

    Waa kuwan qaar ka mid ah talooyin ku saabsan sidad ku qaboowi laheed inta lagu jiro kulaylka:

    • Xidh dhammaan daahyada-daaqadaha.
    • Saar wejigaaga, gacmahaaga hoostooda iyo waliba qoorta qeeybta danbe maryo qoyan oo qabow.
    • Biyo qawoow ku qabeeyso. Hadii aay aad u kulul yihin biyaaha, waxaad doorbidaa inaad aado xarunta qaboow.

    Hadaad rabto xog qoota dheer oo ku saabsan sida la isku qaboojiyo, fiiri qormadeena, Siyaabaha aad naftaada iyo gurigaagaba ku qaboojin karto

    Xanuunada la xiriira kulaylka iyo sidaad u raadsanayso daryeelka

    Xanuunada iyo dhimashada la xiriira kuleelka waa laga hortagi karaa. Baro astaamaha si aad u ogaato waxaad sameeyn laheed haddii adiga ama xubin qoyskada ka mid ah ay ku soo baxaan astaamaaha.

    • Ku hafashada kuleelka - xaalad degdeg ah oo caafimaad
    • Heerkulka Jirka oo saaid noqda - astaamo isku dheehan oo keeni kara istaroog sababa kuleeyka haddii jirkaagu uu qaboobi waayo
    • Kuleelka sababa muruq xanuunka - murqo xanuun ku dhici kara dadka shaqo culus haya ee ka shaqeeya cimilo kulul

    Ka war haay mid kasta oo astaamahaa ka mid ah saddexdan xaaladood adigo akhrinaya qoraalkeena qotada dheer, cudurada kulaylka la xariira - goormaa la raadsadaa daryeelka