Wax dheeri ah ka baro: Isbeddelada muhiimka ah ee bixiyeyaasha caafimaadka habdhaqanka ee aan heshiiska lala galin.

Dooro luuqad

Baraarujin: Heerkulku sare ayuu u kacayaa. Khayraadkayaga Kulaylka Xad-dhaafka ah ayaa ku caawin kara.

Wararka iyo Sheekooyinka

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Cudurada kulaylka la xariira - goormaa la raadsadaa daryeelka

Jul 30, 2022, 15:00 GD

Goorta aad caawinaad u raadsaneysid jirrada kulaylka la xiriirta

Maalmaha kulul iyo heerkulka sare waxay noqon karaan khatar. In aad aad u kululaato waxay kaa dhigi kartaa mid xanuusan, haddii aanu jirkaagu ku qaboojin karin. Sida ay sheegeen Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC), heerkulka aadka u sarreeya ayaa sanad kasta dila boqolaal dad ah.

Si kastaba ha ahaatee, jirrooyinka iyo dhimashada kulka la xiriira waa wax laga hortagi karo. Baro astaamaha si aad u ogaato waxaad sameeyn laheed haddii adiga ama xubin qoyskada ka mid ah ay ku soo baxaan astaamaaha.

Kulayl-dhaafka Jirka
Kulayl-dhaafka Jirka waa xaalad caafimaad oo gurmad ah. Haddii adiga ama qof aad ehelka ah ay ka muuqdaan calaamadahaan, waxaa muhiim ah inaad si dhaqso ah tallaabo u qaaddo.

Calaamadaha lagu garan karo waxaa ka mid ah

Waxa la sameeyo

  • heerkulka jirka oo ah 103 ama ka sarreeya
  • Bilaa dhidid
  • Garaaca wadnaha oo dhakhso iyo xoog badan
  • Madax xanuun
  • Dawakhaad ama lalabo
  • Wareer ama kacsanaan
  • Miyirbeel kooban
  • Wac 911 isla markiiba
  • Inta aad caawimada sugayso, qofka qabooji adigoo u qaadaya hoos/hadh ama meel qabow. Waxaad sidoo kale isticmaali kartaa maro qabow ama qubeys si aad iskugu daydo inaad hoos u dhigto heerkulkiisa.

 

Fuuqbaxa Kulka
Fuuqbaxa Kulka wuxuu u gudbi karaa kul-dhaafka jirka haddii uu qofku awoodi kari waayay inuu is-qaboojiyo. Waa muhiim in dhakhso loo daaweeyo. Hel caawimo caafimaad haddii ay calaamaduhu ka sii daraan.

Calaamadaha lagu garan karo waxaa ka mid ah

Waxa la sameeyo

  • Dhidid badan
  • Maqaar qabow oo dhegdheg leh
  • Garaaca wadnaha oo dhkahso iyo daciif ah
  • Matag ama lalabo
  • Daal ama daciifnimo
  • Dawakhaad
  • Miyirbeel kooban
  • U dhaqaaq meel qabow
  • Dharka giigsan dabci.
  • Isticmaal maro qabow, qoyan, ama qubeys qabow qaado.
  • Biyo kabkabbo

Wac dhakhtarkaaga ama isla markiiba hel caawimaad caafimaad haddii:

  • Aad matagayso
  • Calaamadahaaga ay ka sii daraan ama ay sii socdaan wax ka badan 1 saac

 

Muruq-roorka Kulka (Heat Cramps)
Kuwani waa muruq-roor ku dhici kara dadka jimicsanaya cimilada kulul.

Calaamadaha lagu garan karo waxaa ka mid ah

Waxa la sameeyo

  • Dhidid badan inta lagu jiro jimicsiga
  • Muruq xanuun ama muruq-roor
  • Jooji jimicsiga oo sug inta rooridda muruqu ay joogsanayaan ka hor intaadan samaynin wax jimicsi kale ah
  • U dhaqaaq meel qabow
  • Biyo cab

Wac dhakhtarkaaga ama isla markiiba hel caawimaad caafimaad haddii:

  • Rooridda muruqu ay socoto wax ka badan 1 saac
  • Aad qabto xaalad wadne xanuun
  • Aad cunto cunto cusbadu ku yar tahay

 

 

Xigasho:

Calaamadaha iyo Astaamaha Digniinta Jirrada Kulka La Xiriirta (CDC)

Astaamaha, Calaamadaha, Gargaarka Degdegga ah iyo Ka Soo Kabashada Kul-dhaafka Jirka

Qeexitaanka iyo xaqiiqooyinka fuuqbaxa kulka

Xaqiiqooyinka rooridda muruqa ee kulka