Wax dheeri ah ka baro: Isbeddelada muhiimka ah ee bixiyeyaasha caafimaadka habdhaqanka ee aan heshiiska lala galin.
Dooro luuqad
Ra'yi-celinta websaytka
Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena
Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!
Haddii aad u aragto dhakhtarrada caafimaadka habdhaqanka, waxaa laga yaabaa in daryeelkaagu isbeddelo. Laga bilaabo Oktoobar 1, 2025, Hay'adda CareOregon waxay bixin doontaa kharashka keliya daryeel bixiyayaasha caafimaadka habdhaqanka kuwaas oo heshiis nagula jira. Haddii aad u baahan tahay inaad beddesho bixiyeyaasha, waxaan kaa caawin karnaa inaad heshid mid cusub.
Caafimaadku ma aha oo kaliya daawada. Waxa kale oo uu yahay jirkaaga iyo maskaxdaada oo dhan. Waxaan kaa caawin karnaa waxyaabaha ay ka midka yihiin cunto cusub, gaadiidka daryeelka kuu qaadaya, korontada guriga, kululeeyayaasha iyo xiriirka bulshada. Soo ogow sida aad u codsan karto alaab ama adeegyo si ay kaaga caawiyaan caafimaadkaaga guud.
CareOregon waxay ku bixisay in ka badan $85 milyan tan iyo 2020 si ay gacan uga gaysato kordhinta helitaanka cunnada, guryaynta, waxbarashada iyo dheeraad. Helitaan iyo fursad intii hore ka badan oo la siiyo dad intii hore ka badan waxa ay inaga dhigtaa dhammaanteen kuwo intii hore ka awood badan. Waxa aad gashaa qaybteena Shuraakooyinka Bulsho si aad wax dheeraad ah uga ogaato isla markaana u codsato deeqaheena Barnaamijka Deeqda Bulsho.
CareOregon waxa ku dhacday xog-jabsi oo saameyn ku yeelatay xubnaha qaar. Xubnaha ay saamaysay waxaa loo diray warqad Maajo 30, 2025.
Shabakadeena daryeel bixiyayaasha daryeelka koowaad, dhakhaatiirta ilkaha, daryeel bixiyayaasha iyo khubarada caafimaad ee habdhaqanka ayaa waxa ay noo sahlaan inaanu ku caawino dad reer Oregon ah oo dheeraad ah inay helaan daryeel dhamaystiran, isku dubaridan, oo qiimo jaban. Gal qaybteena Bixiyayaasha si aad u hesho foomam, u gasho Bogga Bixiyayaasha, u eegto liiskeena dawooyinka, wax uga ogaato heshiisyada, iyo waxyoobo kale.
Waxa aanu u adeegnaa xubno Qorshaha Caafimaadka Oregon ah oo ka badan inta ay u adeegaan qorshayaasha caymiska caafimaad ee kale - wax ka badan 500,000 oo dad ah. Waxa aanu kala shaqaynaa sharcidejinta hubinta in dadka reer Oregon ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh. Waxaan siinnay in ka badan $85 milyan tan iyo 2020 ururada maxalliga ah. Kaasi waa CareOregon Effect oo shaqaynaya. Qaybteena Waxa Nagu Saabsan, wax badan ka ogow oo ka hel warkii u dambeeyey ee CareOregon.