DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Guudmarka dheefaha

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

 

Soo dhawaada, xubnaha CareOregon/Health Share! Waanu ku faraxsanahay inaad ka tirsan tahay qoyska CareOregon iyo Health Share of Oregon. CareOregon way ku faanaan inay ka tirsan yihiin ururka isku-duwista daryeelka (cco) Oregon ee Health Share. CCO-yadu waa shirkado qandaraas ka qaata gobolka Oregon si ay u maareeyaan daryeelka caafimaadkaaga. CareOregon waa mid ka mid ah dhowrka shirkadood ee caymiska ku bixiya aagga saddexda degmo oo Health Share CCO ka caawiya bixinta adeegyada daryeelka.

Boggani wuxu tilmaamo kooban ka bixinayaa dheefahaaga Medicaid. Haddii aad heli kari waydo waxa aad raadinayso, fadlan Adeega Macmiilka ka soo wac lambarka hoos ku qoran, ama soo booqo bogageena loogu talagalay daryeelka caafimaadka jidhka, daryeelka caafimaadka ilkaha, iyo caaafimaadka maskaxda iyo daawaynta isticmaalka maandooriyaha.

Wax badan halkan kaga ogoow Qorshaha Caafimaadka Oregon.


La soo deg Hagaheena Sahlan

La soo deg Hagaha Sahlan ee CareOregonSi dhakhso ah u bilaabo dheefahaaga Health Share/CareOregon.

Kula soo deg hagaheena PDF ka ah luuqadaha soo socda: Ingiriisi | Isbaanish | Carabi | Jayniiskii Hore | Jayniiska La Fudaydiyey | Raashiyaan | Soomaali | Fiitnaamiis

Far Waaweyn:  Ingiriisi | Isbaanish | Carabi | Jayniiskii Hore | Jayniiska La Fudaydiyey | Raashiyaan |    Soomaali | Fiitnaamiis

Halkan ku dhufo si aad ula soo degto Buug-gacmeedka Xubinta Health Share. Haddii aad doorbidayso inaad hesho nuqul daabacan oo Hagaha Fudud ah, Adeega Macmiilka ka soo wac lambarka 800-224-4840 ama TTY 711. Wax khidmad ah lagaama rabo, oo waxaad ku heli doontaa nuqulkaaga muddo shan maalmo shaqeed gudahood ah. Waxaad sidoo kale heli kartaa nuqul ku qoran far waawayn ama luuqado aan ahayn luuqadda Ingiriisida.


Mawduucyada Dheefaha CareOregon OHP

Ku dhufo mawduuca hoose oo ballaari si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Kaarkaaga aqoonsiga xubinimadu waxa ku qoran macluumaad ku saabsan qorsheyaashaada caafimaad ee caymiskaagu bixiyo. Eeg sawirka hoose si kaadhkaaga laguugu hago.

Kaarka Aqoonsiga Xubinimada

La Xiriir Maamulka Caafimaadka Oregon

  • WIxii macluumaad ah ee ku saabsan diiwaangelinta, oo ay ku jiraan dibu cusbooneysiinaha, xaaladaada codsi, beddelista CCO-gaaga iyo magacaaga/cinwaankaaga.

Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) wuxu barnaamijka Medicaid u maamulaa guud ahaan gobolka Oregon, kaas oo loogu yeedho Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP).

Onlayn: one.oregon.gov

Taleefan: Wicis bilaash ah 800-699-9075 ama Taleefanka Dadka Dhegoolaha ah (TTY) 711, 8 subaxnimo illaa 5 galabnimo Isniin-Jimce

 

La Xiriir Health Share-ka Oregon

  • Si aad u beddesho Kaarka Aqoonsiga Xubinta oo lumay ama la xaday.
  • Si aad qorshe caafimaad ama qorshe caafimaad ilkeed uga dhex beddelato Health Share.

Health Share waa urur isku-duwis daryeeleed (CCO). Waa mid ka mid ah labada CCO ee ka hoos shaqeeya OHA si ay ugu adeegaan xubnaha Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP) ee aagga saddexda degmo.

Onlayn: healthshareoregon.org

Taleefan: 503-416-8090, taleefan wicitankiisu bilaash yahay 888-519-3845 ama Taleefanka Dadka Dhegoolaha ah (TTY) 711, 8 subaxnimo illaa 5 galabnimo Isniin-Jimce

Iimayl: info@healthshareoregon.org

 

La xiriir Oregon:

  • Si aad u beddesho PCP-gaaga ama aad u hesho adeeg bixiye.
  • Wixii su'aalo ah ee ku saabsan dheefahaaga iyo u qalmitaanka, sida:
    • Daboolida caymiskaygu ma shaqeynaysaa?
    • Waa maxay daawooyinka iyo adeegyada caymisku daboolayo?
    • Waa maxay xaaladda racfaankayga ama ansixintaydii hore ku jirto?
  • Si lagaaga caawiyo xallinta su'aal ama dhibaato, ama haddii aad rabto inaad cabasho soo gudbiso.

CareOregon waa mid ka mid ah dhowrka bixiyayaal ee caymiska ku bixiya aagga saddexda degmo oo Health Share ka caawiya inay adeega daryeelka gaarsiiso xubnaha Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP).

Taleefan: 503-416-4100, wicitaan bilaasha 800-224-4840, Taleefanka dhegoolayaasha (TTY) 711, 8 subaxnimo illaa 5 galabnimo Isniin-Jimce

Iimayl: customerservice@careoregon.org 

Farriin xafidan: careoregon.org/portal

Facebook | Twitter

Sida cabasho ama eed-sheegasho loo sameeyo

Haddii aadan ku faraxsanay CareOregon ama Health Share of Oregon, adeegyadaada daryeelka caafimaad ama bixiyahaaga, waad ka soo caban kartaa markasta, wax kasta oo kale oo aan ka ahayn in adeega laguu diiday. Bixiyahaaga ama wakiil oo ogolaansho haysta ayaa sidoo kale cabasho kuu soo xerayn karaa isagoo adiga ku metelaya oo idan qoraal ah kaa haysta.

Arrimaha waxaanu ka dhigi doonaa kuwo sidii hore ka fiican. Adeega Macmiilka ka wac lambarka 503-416-1460 ama taleefanka wicitaankiisu bilaashka yahay ee 888-519-3845, ama waraaq noogu soo dir cinwaanka ku yaalla bogga 73 buug gacmeedkaaga xubinimo, laga heli karo websaydka Health Share of Oregon.

Waxaad sidoo kale halkan ku buuxin kartaa foomka cabashada iyo jawaabcelinta:

CareOregon iyo Health Share of Oregon waxay ka shaqeyn doonaan inay cabashada ama eed-sheegashada u xalliyaan sida ugu dhakhsaha badan ee xaaladaada caafimaad u baahan tahay. Haddii aanu u baahano wax ka badan 5 maalmo ganacsiyeed, waxa aanu kuu soo diri doonaa sababta taas keentay. Waxaad jawaab kama dambaysa ah ku heli doonta 30 oo maalmood. Cabashadaada cidna uma sheegi doono adiga oo sidaas noo sheega maahane.

Waxaad sidoo kale cabashada u soo gudbin kartaa:
Maamulka Caafimaadka Oregon (OHA)
Fadlan soo wac lambarka wicitaanka bilaashka ah ee qaybta Adeeg Macmiilka (CSU) ee 800-273-0557 ama lambarka Dacwad-qabtaha OHA 503-947-2346 ama taleefanka wicitaanka bilaashka ah 877-642-0450. 

Racfaanada iyo garmaqallada

Haddii aanu kuu diidno, kaa joojino ama ka dhino adeeg caafimaad oo bixiyahaagu soo dalbaday, waxa aanu boostada kuugu soo diri doonaa waraaqda Ogeysiiska Go'aanka oo sharraxaysa sababta aanu go'aankaas u gaarnay. Waxaad xaq u leedahay inaad go'aanka beddesho adigoo u maraya racfaan ama dhegaysiga dacwadeed gobol oo cadaalad ah. Waa inaad racfaanka ku soo codsataa muddo aan ka badnayn 60 beri oo ka bilaabmaya taariikhda ku qoran warqadda Go'aanka. Waxaad codsan kartaa ogeysiis diidmo oo muujinaya in adeega aanu caymisku daboolayn haddii:

  • Aadan helin ogeysiis diidmo oo qoraal ah, ama;
  • Uu bixiyahaagu kuu sheego inaad u baahan doonto inaad iska bixiso adeeg aanu caymisku daboolayn.

Tilmaamo buuxa oo ku saabsan nidaamka racfaanada, fadlan fiiri bogga 71 ee buug gacmeedkaaga xubinta, laga helayo websaydka Health Share of Oregon.

Racfaanada Bixiyaha

Bixiyahaagu wuxu xaq u leeyahay inuu racfaan kuu qaado marka dalabyada dhakhtarkooda uu qorshe caymis soo diido. Tan waa inaad qoraal ahaan ku aqbasho. Tilmaamaha habraacan waxa laga heli karaa bogga 72 ee buug gacmeedkaaga xubinta, laga helayo websaydka Health Share of Oregon.

 

La soo deg mid ka mid ah foomamka hoose si aad u maarayso macluumaadkaaga shaqsiga ah.


CareOregon waxay maamulaan dhowr qorshe caymis oo ka jira guud ahaan gobolka. Isticmaal linkiyada soo socda si aad u hesho Khayraadka Xubinta ee loogu talagalay qorshaha laguu asteeyay:


Astaanta CareOregon Advantage, guji si dib loogu jiheeyo websaydkooda CareOregonDental-logo-186w
Astaanta Columbia Pacific CCO Astaanta Jackson Care Connect

S: Miyay CareOregon marna ii soo diri doonaan biil?

J: Maya. Marnaba kharash kaaga qaadi mayno adeeg caymiska Medicaid/OHP daboolayo.

 

S: Miyaa la iga rabaa lacag caymis wadaag ah markaan dhakhtar u tago?

J: Xubnahayaga laguma soo dallaco wax lacago caymis wadaag ah ama khidmado markay la kulmaan dhakhtar ama adeeg bixiye kale oo shabakadeena ku jira. Waxa jiri kara lacago caymis wadaag ah oo laga rabo markaad farmeesiyada qaarkood ka gadato daawooyinka dhakhtarka uu qoro caafimaadka maskaxda kuwaas oo uu caymiyo gobolku.

Haddii xafiis caafimaad kaa dalbado lacag caymis wadaag ah, ka dalbo shaqaalaha inay wacaan Adeega Macmiilka.

Marka aad qabsato ballan, xafiiska ku wargeli inaad ku jirto caymiska CareOregon.

 

S: Maxaan sameeyaa haddii xafiiska dhakhtarku boosto iigu soo diro qaansheegta biilka?

J: Sida badan wax kharasha lagaagama laha adeegyada caymisku daboolo haddii aad tahay xubin CareOregon. Isla markiiba soo wac Adeega Macmiilka CareOregon si aad u ogaatid.

 

S: Waxaan rabaa inaan arko dhakhtar, laakiin weli maan heli Kaarka Aqoonsiga Xubinta ee Health Share of Oregon. Maxaan sameeyaa?

J: Soo wac Adeega Macmiilka. Waanu ku faraxsanahay inaanu ku caawino.

 

S: Waxa iga lumay Kaarkaygii Aqoonsiga Xubinta. Sidee baan mid ku helaa?

J: Lambarka Wicitaanka bilaashka ah ee Adeega Macmiilka Health Share of Oregon 888-519-3845 ama taleefanka dhegoolayaasha (TTY) 711, 8 subaxnimo illaa 5 galabnimo Isniin-Jimce.

Dheefaha barnaamijka Isku-xirka OHP

Isku-xirka OHP waa dheefo Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) oo cusub oo caymiya dadka waawayn ee dakhliga badan. Dadka heli kara Isku-xirka OHP waxa waajib ah:

  • Inay yihiin 19 ilaa 65 sano jir;
  • Uu soo galo dakhli u dhexeeya boqolkiiba 139 iyo boqolkiiba 200 heerka saboolnimada fadaraalka (FPL);
  • Uu leeyahay muwaadinimo ama muhaajirnimo u qalanta si uu u mutaysto; iyo,
  • Inuusan heli karin caymisyada caafimaadka ee jaban ee kale.

Ballaari qaybta hoose si aad wax badan uga barato dheefaha Isku-xirka OHP. 

Isku-xirka OHP wuxuu ugu dhawaan la mid yahay OHP Plus.

Xirmooyinka labada dheefood ugu dhawaan waa isku mid. Waxa jira dhawr shay oo Isku-xirka OHP uusan daboolin. Si aad wax badan uga ogaato waxa Isku-xirka OHP uusan daboolin, fadlan eeg shaxanka hoose.

Isku-xirka OHP wuxuu daboolaaIsku-xirka OHP ma daboolo
  • Daryeelka caafimaadka, ilkaha, iyo caafimaadka habdhaqanka
    • Tani waa sida dheefaha OHP ee sare lagu faahfaahiyey
  • Gaadiidka lagu aado daryeelka
  • Adeegyada iyo taageerooyinka muddada dheer
  • Baahiyaha Bulsho ee Caafimaadka la Xiriira

Isku-xirka OHP wuxuu dabooli doonaa dadka waawayn ilaa da'da 65 kuwaasoo:

  • Dakhligoodu ka sarreeyo xadadka OHP Plus ee soo jireenka ah ilaa boqolkiiba 200 heerka saboolnimada fadaraalka (FPL), 
  • Aan heli karin caymiska caafimaadka jaban, oo
  • Leh muwaadinimo ama muhaajirnimo mutaystay si uu ugu qalmo 

Xadidaadaha dakhliga ee la muujiyey waxay khuseeyaan ilaa Febraayo 2025. FPL si sanadle ah ayaa loo cusboonaysiiyaa.

Xajmiga Qoyska
200% FPL 
1
$30,120 sanadkii
2
$40,880
3$51,640
4
$62,400

Isku-xirka OHP waa u bilaash xubnaha. Sida OHP Plus, Isku-xirka OHP waa u bilaash xubnaha. Tani waxay ka dhigan tahay inaysan jirin lacag joogto loo bixiyo, lacag-bixin la wadaago, ama lacag laga gooyo mushaharka.

Xubnaha OHP ee dakhligoodu isbeddelo waxa si otomaatig ah loogu wareejiyaa Isku-xirka OHP. Haddaad hadda leedahay OHP, uma baahnid inaad wax samayso si aad u hesho Isku-xirka OHP. Haddaad soo tabiso dakhli sare markaad cusboonaysiiso OHP, waxa laguu wareejin karraa Isku-xirka OHP.

Dadka aan hadda lahayn OHP ayaa codsan karaa Isku-xirka OHP.

Booqo One.Oregon.gov si aad u codsato. Sidoo kale waxaad isticmaali kartaa linkigaas si aad u hesho macluumaad ku saabsan sida si fool ka fool ah loogu dalbado, loo helo caawimada dalbashada, ama loo helo dalbashada waraaqda la adeegsanayo. Si aad uga dalbato taleefanka, ka wac ONE Customer Service Center 800-699-9075 (wicitaan bilaash ah, dhammaan wicitaanada gudbinta waa la aqbalayaa). 

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dheefaha Isku-xirka OHP, booqo Bogga webka ee Maamulka Caafimaadka Oregon ee Isku-xirka OHP