DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Sirnimada iyo Ablikayshanada Cid Saddexaad

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Hubi in macluumaadkaaga shakhsiyeed ay ku ilaashayn yihiin ablikayshanada cid saddexaad

Su'aalo iyo jawaabo ku saabsan sirnimada

Sirnimadaadu muhiim baa ay noo tahay anaga. CareOregon waxa ay doonaysaa inay hubiso in xogtaada caafimaad ay ammaan tahay. Fadlan akhri macluumaadkan muhiimka ah ee ku saabsan inaad ka dhigto macluumaadkaaga caafimaad ee ilaashan (PHI) mid ammaan ah. Waxa aad sidoo kale kula soo degi kartaa macluumaadkan qaab PDF ah.

S: Xogtaydu ammaan ma ku tahay CareOregon?
J: Haa. Nidaamyada aanu u adeegsano inaanu ku keydino isla markaana ka galno Macluumaadkaaga Caafimaad ee Ilaashan waa ammaan, qarsoodi badanaana waa kuwo la cusboonaysiiyo. Waxa aanu raacnaa shuruucda Sharciga Qarsoodinimada ee Xeerka Isla-xisaabtanka iyo Wareejinta Caymiska Caafimaadka (HIPAA). Xeerka Isla-xisaabtanka iyo Wareejinta Caymiska Caafimaadka waxa uu nagu waajibiyaa inaanu qaadno tallaabooyin xaddidan oo aanu ku ilaalinayno xogtaada caafimaadka. Nidaamyadayadu waa kuwo u hoggaansan Xeerka Isla-xisaabtanka iyo Wareejinta Caymiska Caafimaadka, shaqaalahayaguna waa kuwo lagu tababaray inay ilaaliyaan ammaanka Macluumaadkaaga Caafimaad ee Ilaashan. Xogtaada caafimaad ammaan baa ay ku tahay agtayada.

S: Sidee baa uu Xeerka Isla-xisaabtanka iyo Wareejinta Caymiska Caafimaad u ilaaliyaa xogtayda caafimaad iyo sirnimadayda?
J: Xeerka Isla-xisaabtanka iyo Wareejinta Caymiska Caafimaad waxa uu ku waajibiyaa shirkadaha daryeelka caafimaad sida CareOregon inay raacaan nidaamyada ugu wanaagsan ee si ammaan ah xogtaada loogu keydiyo nidaamyadayada kombuyuutareed. Sidoo kale waxa uu xaddidaa sida xogtan loo adeegsan karo ama loo wadaagi karo. Tusaale ahaan, Xeerka Isla-xisaabtanka iyo Wareejinta Caymiska Caafimaad uma ogolaado CareOregon - ama shirkad daryeel caafimaad - inay iibiso xogtaada ama ay u adeegsato xayeysiis ahaan. Xeerka Isla-xisaabtanka iyo Wareejinta Caymiska Caafimaadka waxa uu sidoo kale nagu waajibiyaa inaanu si dhakhso ah kuu soo ogaysiino haddii xogtaada caafimaadka la jabsaday, waxana uu ku soo rogaa ganaaxyo shirkadaha daryeelka caafimaadka ee aan ilaalin xogtaada.

S: Waa noocma ablikayshanada cid saddexaad ee laga geli karo Macluumaadkayga Caafimaad ee Ilaashan?
J: Waxa jira ablikayshino badan oo loogu talagalay taleefankaaga casriga ah, taabletkaaga ama taleefankaaga gacanta oo kaa caawin kara maareynta caafimaadkaaga, oo ay kamid yihiin:

  • Tiriyeyaasha kaloriga.
  • La socdeyaasha jimicsiga iyo jidh-dhiska.
  • Kormeereyaasha hurdada.
  • Iyo kuwo kale oo dheeraad ah.

Qaar kamid ah ablikayshanadani waxa ay bixin karaan adeegyo sida dejinta xusuusino ah daawooyinka, shaybaadhada iyo ballamaha, ama waxa ay noqon karaan meel macluumaadkaaga caafimaad lagu keydin karo hal meel. Ablikayshanadaasi waxa ay kaa dalban karaan inaad gasho macluumaadkaaga caafimaad ee u kaydsan CareOregon ama daryeel bixiyeyaashaada si aad uga arki karto isla markaana uga maareyn karto macluumaadkan abka. Waxa aad xaq u leedahay inaad ka dalbato caymiskaaga ama daryeel bixiyahaaga in uu la wadaago macluumaadkaaga abka aad doorato. Inkasta oo ablikayshanadani noqon karaan agab faa'iido leh, haddana waxa ay Macluumaadkaaga Caafimaad ee Ilaashan gelin karaan khatar.

S: Macluumaadkaygu ammaan ma ku yihiin ablikayshanada caafimaad ee cid saddexaad?
J: Marka aad u ogolaato abka in uu macluumaadkaaga caafimaad naga helo, haddeed awood uma lihin in aanu kuu ilaalino macluumaadkaas. Tan waxa kamid ah ablikayshanada aad hadda adeegsato ama aad ka fekerayso inaad adeegsato. In macluumaadkaagu ammaan ku yihiin abka cid saddexaad waxa ay ku xidhan tahay siyaasadaha iyo nimaadyada abka aad doorato. Waxa muhiim ah inaad akhrido siyaasadda sirnimada abka si aad u hubiso in abka ula tacaalayo xogtaada si ammaan ah oo aanu iibinayn ama wadaagayn macluumaadkaaga ogolaanshahaaga la'aantii. Qaabab dheeraad ah oo aad ku ilaalin karto ammaanka macluumaadkaaga kahor iyo kadib marka aad soo dejisato abka waxa laga heli karaa halkan.

S: Haddii aan ablikayshin cid saddexaad ah galaangal u siiyo macluumaadkayga caafimaad, miyaa ay ku qasbanaanayaan inay raacaan Xeerka Isla-xisaabtanka iyo Wareejinta Caymiska Caafimaadka (HIPAA)?
J: Maya. Inta ugu badan ablikayshanada cid saddexaad kuma qasbana inay raacaan dhawritaanada Xeerka Isla-xisaabtanka iyo Wareejinta Caymiska Caafimaad (HIPAA). Xogta aad la wadaagto abka cid saddexaad waxa dhici karta in aanu ilaalin Xeerka Isla-xisaabtanka iyo Wareejinta Caymiska Caafimaad (HIPAA)? Marka lagu keydiyo abka cid saddexaad, xogtaada caafimaad waxa ay hoos tagtaa kormeerka Xafiiska Xuquuqda Madaniga ah iyo Guddiga Ganacsiga Federaalka (FTC). Si gaar ah, FTC waxa ay ilaalo ka tahay nidaamyada khiyaanada iyo caddaalad darrada ah, oo ay kamid yihiin:

  • Kuwa la xidhiidha sirnimada iyo ammaanka xogta.
  • Kuwa ay ku jiraan sheegashooyinka beenta ah ee ku saabsan ammaanka ablikayshanada.

Tusaale ahaan, FTC waxa ay ilaalo ka tahay khiyaanada, sida abka in uu wadaago xogtaada shakhsiyeed iyada oo ay jirto in siyaasaddooda sirnimadu sheegayso inaanay wadaageyn. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan FTC iyo ablikayshanada cid saddexaad, waxa aad booqataa consumer.ftc.gov/articles/how-protect-your-privacy-apps

S: Waa maxay tallaabooyinka qaar ee aan qaadi karo si aan u ilaaliyo sirnimada iyo ammaanka macluumaadkayga caafimaad marka aan adeegsanayo ablikayshanka dhinac saddexaad?
J: Hubi inaad raacdo nidaamyada ugu wanaagsan ee aasaasiga ah ee lagu ilaaliyo ammaanka xogta, sida adeegsiga baasweedho xooggan iyo inaanad macluumaadka gelitaanka la wadaagin dadka kale. Waxa aad sidoo kale hubin kartaa taleefankaaga casriga ahi in uu leeyahay koodh quful ama uu adeegsado aqoonsi weji ama faro si loo furo.

S: Miyey tahay inaan la wadaago xogtayda caafimaadka ablikayshinada cid saddexaad?
J: Waa go'aan adiga kuu yaalla, balse waxa aanu doonaynaa inaad hesho macluumaadka ugu badan ee suuragalka ah kahor inta aanad go'aansan. Hoos waxa ah su'aalaha qaar oo ay tahay inaad ka fekerto kahor inta aanad ablikayshinka cid saddexaad aanad galaangal u siinin xogtaada caafimaadka. Haddii aanad ku qanacsaneyn jawaabaha ablikayshanka ee su'aalaha, waxa aanu kugu la talinaynaa inaanad abka galaangal u siinin xogtaada caafimaadka.

  • Miyuu abka leeyahay siyaasad sirnimo oo waadax ah, oo fudud? Sidee baan ku garanayaa marka siyaasaddu isbeddesho?
  • Sidee buu abka u adeegsan doonaa xogtayda? Miyuu u qalmaa halista?
  • Waa maxay xogta caafimaad ee abka ururin doonaa? Miyaa abka ururin doonaa macluumaad kale, sida goobtayda?
  • Miyaa xogtayda lagu ilaalinayaa sumadeyn ama in laga dhigo mid aan haybtayda lagu aqoonsan?
  • Halkee ayaa xogtayda lagu keydin doonaa? Miyaa ay noqon doontaa gudaha Maraykanka mise wadan ajnabi ah?
  • Ayaa iska leh abka halkee ayaana ay ku taallaa xaruntoodu? Miyey yihiin kuwo hoos taga sharciyada Maraykanka?
  • Miyaa abka la wadaagi doonaa ama ka iibin doonaa xogtayda ablikayshanada ama shirkadaha kale?
  • Miyaa xogtayda loo adeegsan doonaa xayeysiisyo bartilmaameedsan?
  • Miyaa ku wadaagista xogtayda ee abka uu saameyn doonaa cidkale, sida qoyskayga?
  • Miyaa abka ii ogolaanayaa inaan beddelo go'aankayga ah wadaagista xogtayda ama inaan si fudud u gudbiyo cabashooyin?
  • Haddii aan joojiyo adeegsiga abka, miyaan soo afjari karaa ama ka xannibi karaa gelitaankooda xogtayda?
  • Haddii aan joojiyo adeegsiga abka, miyey si kama dambeys ah u tirtiri doonaan xogtayda?
  • Haddii aan joojiyo adeegsiga abka, miyey ii ogolaan doonaan inaan soo dejisto xogtayda?
  • Haddii aan dhinto, miyaa qoyskayga ama dhaxleyaashaydu codsan karaan in xogtayda si kama dambeys ah loo tirtiro?

S: Sidee baan cabasho uga gudbin karaa ablikayshanada cid saddexaad?
J: Waxa jira dhawr qaab oo kala duwan:

S: Ka waran haddii aan qabo su'aalo dheeraad ah?
J: Xor u noqo inaad Adeega Macmiilka ee CareOregon kala soo xidhiidho 503-416-4100, lambarka bilaashka ah ee 800-224-4840, TTY 711, ama aad farriin ilaashan noogu soo dirito barta careoregon.org/portal