DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Waa maxay baahiyaha bulsheed?

Marka laga eego dhinaca daryeelka caafimaadka, baahiyaha bulsheed waxaa kamid ah waxyaabaha sida haysashada cunto kugu filan, gaadiidka, deegaan sugan oo lagu noolaado, waxbarasho, saxiibo ku taageera, iyo helitaanka biyo iyo karoonto. Markaadan wax kugu filan ka haysan waxyaabahan, waxay waxyeelayn kartaa jirkaaga iyo maskaxdaada labaduba. Tusaale ahaan, haddii aadan u tagi karin dhakhtarkaaga, haddii aadan heli karin cunto cusub, ama adeegyada gurigaaga ay kaa xiran yihiin, waxay ka dhigi kartaa nolosha mid aad u walaac badan waxayna dhaawici kartaa caafimaadkaaga.

Marka aad haysato waxa aad u baahan tahay, sida cunto iyo hooy sugan oo aad ku noolaato, waxay kaa caawin kartaa inaad caafimaad qab ahaato oo aad si guud wanaag u dareento. Fulinta baahiyahan bulsheed waxay dhabtii muhiim u yihiin caafimaadkaaga maskaxda iyo dareenka. Waxay kaa caawinaysaa inaad xidhiidho wanaagsan sameysato oo aad qayb ka noqoto bulshadaaada. Waxyaabahani waxay isbaddel wayn u keenaan sida aad u dareento farxada iyo ku xirnaanshaha bulshada.

Maxaad u baahan tahay?

Qayb ka xulo kuwan hoose si aad wax badan uga ogaato sida aad u codsan karto shey'yaasha ama adeegyada taageeri kara caafimaadkaaga guud.

Aaladaha cimilada

  • Mukeefyo
  • Qaybaha shaandhaynta hawada iyo/ama shaandhooyin
  • Tallaagado yaryar
  • Kuleyliyeyaasha
  • Agabka korontada ee fudud
Xulo

Taageerooyinka guryeynta

  • Taageerada kirada
  • Adeegyada guriga
  • Wax ka baddelka/dib u hagaajinta guriga
  • Joogista hudheelada
  • Khidmadaha keydinta
Xulo

Taageerooyinka kale

  • Kaalmada cuntada
  • Dharka
  • Xubinnimada jiimka
  • Qalabka dhallaanka
  • Dayactirrada gawaarida
  • Buugagga
  • iyo inkale oo badan
Xulo

Waa maxay farqiga u dhaxeeya HRSN and HRSF (Flex)?

Waxaa jira laba qaab oo aad ku muteysan karto inaad hesho taageerooyinka baahiyaha bulsheed ee kor lagu sharraxay. Markaad soo gudbiso codsigaaga. CareOregon ayaa go'aamin doonta haddii codsigaagu uu u qalmo HRSN ama HRSF iyadoo lagu saleynayo xogta aad bixiso.

Baahiyaha Bulsho ee La Xidhiidha Caafimaadka (HRSN)

  • HRSN waa dheefta Medicaid ee cusub ee loogu talagalay xubnaha ku jira Oregon Health Plan (Qorshaha Caymiska Caafimaadka ee Oregon) ee lagu daahfuri doono si taxane ah, ka bilaabato 2024 oo soconaya ilaa iyo 2025
  • Dheeftan waxay bixinaysaa xidhmo gaar ah oo alaabta/adeegyada cimilada, guriyeynta iyo nafaqada ah
  • U qalmitaanka waxaa lagu go'aamiyaa xaalada caafimaad ee muteysiga leh, kala-guur nolosha iyo/ama shuruudo ay dejiyeen Maamulka Caafimaadka ee Oregon (OHA).

Sanduuqa Adeegga La Xidhiidh Caafimaadka (HRSF), ama "Flex"

  • HRSF waa barnaamij Medicaid oo hory u jiray oo gacan ka gaysta inuu daboolo baahi aysan daboolin dheefaha caadiga ah.
  • Wuxuu bixiyaa adeegyo ama alaab kala duwan
  • U qalmitaanka waxaa lagu go'aamiyaa qaab shaqsi kasta u gaar ah oo ku saabsan cudur ogaanshaha iyo qorshaha daaweynta ee xubinta, iyo haddii adeegga ama sheyga la codsaday uu wax ka tari doono natiijooyinkooda caafimaad.