Waad ku mahadsan tahay xiisaha aad u qabto inaad ganacsi la sameyso CareOregon. Waaxda wax soo iibsiga waxay maamushaa geeddi-socodka tartanka iyo sameynta qandaraasyada iyo iibabka, iyada oo hubinaysa inay bixiyaan wax soo iibsi wax ku ool ah kharash ahaan oo ay fududeeyaan xiriirka alaab-qeybiyeyaasha ee faa'iidada laba-geesoodka ah u leh CareOregon iyo iibiyeyaasha, iyaga oo diiradda saaraya xalalka wax soo iibsiga ee wax ku oolka ah.
Adeegyada taageerada bixiyaha waxaa laga heli karaa careoregon.org/providers/support.
Halkee laga helaa fursadaha CareOregon
CareOregon waxay ku daabacdaa codsiyadeeda (codsiga soo jeedinta, martiqaadka dalabka "invitation to bid", iwm) websaytka OregonBuys ee Gobolka Oregon. Soo jeediyayaasha mustaqbalka waxay u baahan doonaan inay iska diiwaangeliyaan oo ay galaan OregonBuys si ay u soo dejiyaan dukumiintiyada dalabka iyo lifaaq kasta ee la daabacay, su'aalaha faahfaahin dalabka iyo macluumaadka kale ee mashruuca.
Shuruudaha iyo xeerarka jaanta-go'an
CareOregon waxay leedahay shaxo qandaraas oo jaango'an oo loo adeegsado inta badan qandaraasyada CareOregon. In kasta oo shaxahan qandaraas ee jaanta-go'an loo adeegsado inay bar bilaw u noqdaan qandaraasyo badan, shuruudaha iyo xeerarku way kala duwanaan karaan iyada oo ku xiran nooca qandaraaska, isha maalgelinta iyo baahiyaha kale.
- Qandaraaska Adeegyada Xirfadeed
- Heshiiska Badeecadaha & Adeegyada
- Qandaraaska Gaaban
- Shuruudaha iyo Xeerarka PO ga CareOregon
- Gunnada Magdhawga Safarka Qandaraaslaha 2025
- Gunnada Magdhawga Safarka Qandaraaslaha 2024
- Gunnada Magdhawga Safarka Qandaraaslaha 2023
- Gunnada Magdhawga Safarka Qandaraaslaha 2022 (dib u eegista bartamaha sanadka)
- Gunnada Magdhawga Safarka Qandaraaslaha 2022
- Gunnada Magdhawga Safarka Qandaraaslaha 2021
- Heshiiska Iskaashiga Ganacsi
- Shuruudaha iyo Xeerarka Adeegyada Cloud ka
- Heshiiska Amniga Xogta ee CareOregon - Heerka 1 - Muunad
- Heshiiska Amniga Xogta ee CareOregon - Heerka 2 - Muunad
- Heshiiska Amniga Xogta ee CareOregon - Heerka 3 - Muunad
- Ladhka U Hoggaansanka Medicare ee CareOregon
- Shaxda Foomka Baaxadda Shaqada ee Heeganka
- Heshiiska Maaraynta Macluumaadka Qarsoodiga ah
- Heshiiska Shaacin-la'aanta Wadaagga ah - Muunad
Macluumaadka adeegga iibiyaha
- Adeegyada wax soo iibsiga: 503-488-7646, vendorservices@careoregon.org
- Xisaabaadka ay tahay in la bixiyo:
- Dhammaan qaansheegyada u dir: COVendorInvoices@careoregon.org
Ganacsiyada la faquuqi jiray taariikh ahaan
CareOregon waxaa ka go'an inay qaaddo tallaabooyin xaqiijin ah si loo hubiyo in ganacsiyada ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay, haweenku leeyihiin, ciidanka hore ee adeegga qaranka ku naafoobay iyo ganacsiyada yaryar ee soo ifbaxaya la isticmaalo markasta oo ay suurtagal tahay.
CareOregon waxay aqoonsan tahay in, si loo gaaro aragtida "Bulshooyinka caafimaadka qaba ee dhammaan shakhsiyaadka, iyada oo aan loo eegin dakhliga ama duruufaha bulsheed," waa inay si ula kac ah u kobciyaan kaqeybgalka xubnaha dhabta ah, iskaashiyada bulshada iyo shaqaaleysiinta, haynta iyo horumarinta shaqaale kala duwan sida bulshooyinka ay u adeegto. CareOregon waxay bilowday dadaal joogto ah si ay u fahmaan saameynada cadaadiska taariikhiga ah, hay'adeed iyo qaabdhismeed ay ku leeyihiin bulshooyinka kala duwan ee lagu matalo xubinnimadeeda iyo shaqaalaheeda. CareOregon waxay ku dadaaleysaa inay gude ahaan - oo kaashanaysana ururada kale ee la fikirka ah ee dhammaan qaybaha - inay wax ka qabato siyaasadaha, nidaamyada iyo arrimaha deegaanka ee la xiriira caafimaadka ee saameeya kala duwanaanshaha iyo sinnaan la'aanta daryeelka caafimaadka.
Sinnaanta, kala duwanaanshaha iyo ka mid noqoshada ayaa aasaas u ah himilada, aragtida iyo ujeeddooyinka istiraatiijiyadeed ee CareOregon. Mudnaanta CareOregon waa xoojinta bulshooyinkeenna iyadoo loo fudaydinayo daryeelka caafimaadka qof walba. Waxaan tan ku sameynaa annaga oo hubinayna helitaanka shabakad ballaaran oo kala duwan oo ah adeegyada caafimaadka jirka, ilkaha iyo habdhaqanka oo wax ka qabta baahiyaha shaqsiyeed iyo qiyamka dhaqanka ee xubnaheena, isla markaana yareeya caqabadaha helitaanka daryeelka loo baahan yahay.
CareOregon waxay damacsantahay, iyada oo loo marayo geeddi-socodkayaga wax soo iibsiga, inay la shaqeyso shirkadaha la fikirka ah ee wadaaga qiyamka isku midka ah oo qaadi doona tallaabooyin dhab ah si ay ugu soo bandhigaan qiyamkaas adeegyada la siiyo CareOregon iyo bixiyeyaasheeda, xubnaheeda iyo macaamiisheeda.