DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Isku-duwista Daryeelka Caafimaadka Qabiilka

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Barnaamijka Isku-duwista Daryeelka Caafimaadka Qabiilka ee CareOregon waxaa loogu talagalay dhammaan Hindida Ameerikaanka ah ee is-aqoonsaday iyo Dhaladka Alaska ee ku jira kharashka adeegga (kaarka furan) Qorshaha Caafimaadka Oregon. Xubnaha waxaa laga yaabaa in aan si rasmi ah loogu qorin qabiiladooda ama qabiiladooda aan loo aqoonsanin federaal ahaan, iyo/ama qabiiladooda laga yaabo inaysan ka soo jeedin gobolka Oregon. Barnaamijkan waxa kale oo ku jira xubnaha sagaalka dhul qabiileed ee madaxa bannaan kuwaas oo federaalku aqoonsan yahay (fiiri liiska hoose ee buuxa) iyo NARA (Ururka Dhaqancelinta Dhaladka Maraykanka). Waxaan la shaqeeynaa madaxda Qabilada, barnaamijyada caafimaadka iyo xarumaha Maamul Qabiileedka, iyo NARA si aanu u bixino daryeelka caafimaadka dheeraadka ah ee loo baahan yahay.

Adeegan waa qarash la'aan, waqtigaad doontana waad iskaga bixi kartaa. Halkaan guji si aad oola soo dagto buuga yar ee aqbaarta.

Maxuu leeyahay barnaamijka?

Shaqaalaheena tababaran ee CareOregon waxaay awood u leeyihiin inaay kugu xiraan barnaamijkeena kuwaaso kaa caawinaayo inaad cafimaad qabtid. Waxaan kaa caawin karnaa inaan kugu xirno daqaatiir, bixiyayaal kale, wakaaladaha taageerada deegaanka iyo ururada adeegga bulshada. Takhasuskeena ayaa ah inaan la shaqeyno kooxdaada daryeelka si aan kaaga caawino ka jawaabida su'aalaha aad qabto iyo inay kaa caawiyaan inaad ka gudubto caqabadaha caafimaad kaaga.

Sidookale barnaamishka waxuu kaa caawin karaa:

  • Inaad hesho adeegbixiye ee baahiyahaada daryeelka caafimaad, oo aay kamid tahay caafimaadka maskaxda iyo daawaynta isticmaalka maandooriyaha.
  • Ka inaad ka hesho balamo bixiyayaal daryeelka aasaasiga ah, dhakhaatiirta takhasuska leh iyo bixiyayaal kuwa daqtarka ilkaha.
  • Inaad hesho gaadiidka aad ku aadi laheed balamahaada.
  • Inaad hesho qalabka caafimaad, sahayda iyo adeegyada aad u baahantahay.

Maamulka daryeelka

Haddii aad qabto xaalad caafimaad oo halis ah ama faafa ah ama cudur, waxaan leenahay koox xirfadlayaal ah oo diyaar u ah inay ku caawiyaan.

Xaaladaha caafimaad waxaa kamid ah:

  • Sonkorow
  • Wadna is taaga
  • Neef
  • Qulubka
  • Isticmaalka maandooriyaha (sida daroogada, qamriga ama tubaagada)
  • Iyo kuwa kaloo badan

Kooxdeena waxaay ka koobantahay kalkaaliso, takhasusle caafimaadka maskaxda iyo iskuduwaha daryeelka caafimaad. Wadajir ahaan, waxaan kaa caawin karnaa inaad fahanto qorshooyinka daawaynta ee uu kuu dajiyay daryeel bixiye aasaasiya (PCP) ah. Waxaan sidoo kale kaa caawin doonaa inaad sida ugu fiican uga faa'iideysato booqashooyinka adeeg bixiyaha waxaanan kugu xiririn doonnaa caawinaad dheeraad ah oo bulshada dhexdeeda ah.

Maamulka kooxda daryeelka waxaay kaala hadlayaan sidaad ugu noolaan lahayd fayoqab oo aad si fiican ula noolaan lahayd xaaladda caafimaad ee aad qabto. Waxaan rabnaa inaan kaa caawino inaad nolosha dhanka wanaagsan ka dareento.

Maamulka daryeelka culus

Haddii aad leedahay dhoowr kamid ah xanuunada jiitama, baahiyo daryeelka caafimaad oo gaar ah ama haddii aad naafo tahay, waxaa laga yaabaa inaad qeeyb ka noqoto adeegyada maamulka daryeelka degdega ah. Daryeel-bixiyahaaga aasaasiga ah ayaa (PCP) ay u badan tahay inuu tan go'aamin doono, laakiin sidoo kale waad nala soo xiriir kartaa haddii aad u malaynayso inaad u baahan tahay adeegyadaan.

Aqbaarta xiriirka

Hadaad su'aalo qabto, fadlan naga soowac mid kamid lambarada hoos ku xusan. Xafiisyadeen waay furanyihiin 8 GH. ilaa 5 GD. Isniinta ilaa iyo Jimcaha. Shaqaalaheena waxaay kaa caawin karaan inaad hesho daryeelka aad rabto.

  • Cawitaanka bilaashka ah: 844-847-9320
  • Degaanka: 503-488-2815
  • TTY: 711

 

Khadka Latalinta ee Kalkaalisada

Waxaan leenahay khadka latalinta ee kalkaalisada kaaso aad wici karto xiligaa rabto inaad la hadasho kalkaalisada. (24 saacadood maalinta dhan, 7 maalmood isbuucan dhan). Lambarka wicitaanka bilaashka ah 866-209-0905.

 

Sagaalka Qabiil ee Oregon ee la aqoonsan yahay federaal ahaan: