Wax badan ka baro: Waxaa nagu dhacay in oggolaansho la'aan xog la helay taasoo saamayn ku yeelatay xubnaha qaar.

Dooro luuqad

Ma raadinaysaa macluumaadka Medicare? Booqo websaytkeena CareOregon Advantage.

Aaladaha cimilada

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Ogsoonow: Waxaanu hadda helaynaa codsiyo iyo wicitaano aad u tiro badan arrintaasi oo dib u dhigi karta wakhtiga jawaabidda. Fadlan ogow waxay qaadan kartaa illaa dhawr bilood in la eego, laga hawlgalo loona bixiyo codsiyada taageerada guriga.

Aaladaha cimiladu waxay muhiim u yihiin dadka la tacaalaya cimilada aadka u kulul ama u qabow, ama korontada googo'a badan. Waxay gacan ka gaystaan inaad ku sugnaado jawi caafimaad, badbaado, nafis, iyo ammaan. Xubnaha CareOregon waxay wax ka baran karaan cidda heli karta, aaladaha noocooga, iyo sida loo codsado aaladaha hoos.

Waa maxay noocyada aaladaha cimilada ee la heli karo? 

  • Mukeefyo
  • Qaybaha shaandhaynta hawada iyo/ama shaandhooyin
  • Tallaagado yaryar
  • Kuleyliyeyaasha
  • Agabka korontada ee fudud 

Waxa dhici karta inaad mutaysato hal ka mid ah aalad kasta saddexdii sanaba mar. Waxa laguu oggol yahay hal aalad in laguu beddelo muddadaas hadii aaladdaasi shaqayn waydo. 

Hannaanka iyo jadwal-wakhtiyeedka

Sawirkan u dejiso PDF ahaan.

Miyaan u qalmaa aalad cimilo? 

Si aad ugu qalanto aalad cimilo, dhammaan saddexda soo socdaa waxa waajib ah inay run yihiin:

  • Waxa waajib ah inaad ka tahay xubin hadda.
  • Ma woodid inaad shayga/adeegga ku hesho dheef ama hab kale, iyo;
  • Shayga ama adeeggu waxa waajib ah inuu kaa caawinayo baahidaada caafimaad ama xaaladda noloshaada.

Dhammaan shayada ama adeegyada la codsado lama oggolaado/maalgaliyo. Kooxdayadu waxay u qiimeeyaan codsiga kiis kasta gaarkiisa waxayna qaataan go'aanka kama dambaysta ah. Fadlan eeg Tilmaamaha Kaalmada Baahiyaha Bulsho si aad u ogaato macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xaaladaha caafimaad iyo nololeed ee u qalma iyo taageerooyinka sida badan la maalgaliyo ee mid kasta.

Tilmaamaha Kaalmada Baahiyaha Bulsho (PDF)

Sideen u codsan karaa aalad cimilo?

Haddaad buuxisay jaangoynaha mutaysiga ee sare ku qoran oo aad rabto inaad codsato aalad cimilo, waxaad gujisaa badhanka hoose si aad u buuxiso foomka codsiga Aaladda Cimilada Dhijitaalka ee ammaanka ah.

Foomka codsiga Aaladda Cimilada Dhijitaalka

Waxaad sidoo kale soo dejisan kartaa oo buuxin kartaa oomka codsiga Aaladda Cimilada (PDF) waxaadna ugu diri kartaa adeegga macmiilka xubinta CareOregon iimeyl ahaan: hrsncx@careoregon.org

Waxaad buuxin kartaa labada foom midkood adiga laftaadu, ama adigoo kaashanaya waalid, daryeele, ama masuul/taageero/saaxiib aad ku kalsoon tahay, ama xubin shaqaale oo ka socoto urur ama rug caafimaad.

Haddii aad qabto su'aalo ama aad jeclaan lahayd caawimaad buuxinta foomka codsiga, ka wac adeega macmiilka xubinta CareOregon ah 503-416-4100. Cadaadi ikhtiyaarka 1 marka la eego xubinta, ka dibna dooro ikhtiyaarka 6 marka la eego baahida bulshada.