Wax dheeri ah ka baro: Isbeddelada muhiimka ah ee bixiyeyaasha caafimaadka habdhaqanka ee aan heshiiska lala galin.

Dooro luuqad

Baraarujin: Heerkulku sare ayuu u kacayaa. Khayraadkayaga Kulaylka Xad-dhaafka ah ayaa ku caawin kara.

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Ogsoonow: Waxaanu hadda helaynaa codsiyo iyo wicitaano aad u tiro badan arrintaasi oo dib u dhigi karta wakhtiga jawaabidda. Fadlan ogow waxay qaadan kartaa illaa dhawr bilood in la eego, laga hawlgalo loona bixiyo codsiyada taageerada guriga.

Adeegyada la xiriira caafimaadku waxay caawin karaan maalgelinta kaalmooyin badan oo kale oo ah baahiyo bulsho oo loogu talogalay xubnaha u qalma. Haddii aad u baahan tahay taageerada baahiyaha bulshada oo kaa caawiya xaaladaada caafimaad oo aanan lagu bixinin dheef kale, waxaad ka codsan kartaa halkaan.

Tusaalooyinka taageerooyinka kale ee la dabaro

Waa kuwa qaar kamid ah taageerada guud ee baahiyaha bulshada. Liiskani ma koobayo wax kasta oo aan kugu caawin karno. Haddii ay jiraan waxaan halkan ku qornayn oo aad baahi caafimaad u qabto, kaliya na weydii waynu tixgelin doonaa codsigaaga.

  • Shayada/qalabka taageerada dareenka (bustayaal culus, qalabka hurdada caawiya, foojarro loogu talagalay fasalada yoga, iwm.)
  • Qalabka jimicsiga iyo xubinnimada jiimka
  • Agabyada elektarooniga sida labtop-yada iyo aaladaha wadaxidhiidhka
  • Alaabta carruurta iyo badbaadada
  • Qalabka iyo/ama fasalada waxbarashada ee gaarka ah
  • Diiwaangelinta xerada

Si aad u hesho tusaalayaal kale ee waxa la heli karo, eeg Tilmaamaha Kaalmada Baahiyaha Bulsho.

Waxyaabaha ka reeban

Taageerooyinkan iyo adeegyadan soo socda LAMA DABARO wakhti xaadirkaan:

  • Codsiyada lacag-celinta
  • Alaabaha iyo adeegyada lagu heli karo dheefaha qorshahaaga caymiska caafimaadka. Waxaa kamid ah balse aan ku koobnayn:
    • lacagaha go'an ee caymiska
    • lacagaha adeeg bixiyaha shabakada ka baxsan ama gaarka ah
    • lacag bixinta qayb ahaanta ah ee adeegyada caafimaadka
    • qalabka caafimaad ee raaga (DME) (Haddii aad heshay biil adeegyada caafimaadka, fadlan kala xidhiidh Adeegga Macmiilka 503-416-4100, lacag la'aan 800-224-4840 ama TTY 711)
  • Biilasha ama amaahyada kiridhit kaarka
  • Lacag bixinta rahanka
  • Khidmadaha (khidmadaha rabaayadaha, khidmaha sharciga, uruurinta, kafaalada, iwm)
  • Lacag bixinta daryeelayaasha ama taageerooyinka kale ee la ijaarto muddo dheer
  • Kaarasha lagu raaco gaadiidka dadweynaha ama kaarasha gaaska
  • Lacag bixinta dadka aan ku jirin xubnaha
    • Sida kharashbixinta adeegyada guriga ee saaxiib ama qof qoyska ka tirsan ama bixinta aalada cimilada sida hawo qaboojiyaha marka uusan xubinta ku noolayn girigaaga
  • Lacag bixinta la xiriirta dhismaha dhismooyinka cusub
  • Kaabayaasha nafaqada ee guud

Miyaan u qalmaa taageerada baahiyaha bulshada?

Si aad u noqoto mid u qalma taageerada baahiyaha bulshada:

  • Waxa waajib ah inaad ka tahay xubin hadda.
  • Ma woodid inaad shayga/adeegga ku hesho dheef ama hab kale, iyo;
  • Shayga ama adeeggu waxa waajib ah inuu kaa caawinayo baahidaada caafimaad ama xaaladda noloshaada.

Dhammaan shayada ama adeegyada la codsado lama oggolaado/maalgaliyo. Kooxdayadu waxay u qiimeeyaan codsiga kiis kasta gaarkiisa waxayna qaataan go'aanka kama dambaysta ah. Fadlan eeg Tilmaamaha Kaalmada Baahiyaha Bulsho si aad u ogaato macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xaaladaha caafimaad iyo nololeed ee u qalma iyo taageerooyinka sida badan la maalgaliyo ee mid kasta.

Tilmaamaha Kaalmada Baahiyaha Bulsho (PDF)

Wixii luqado ah ee aan ahayn Ingiriisi, ka xulo luqada aad door bidayso liiska falaadha foorarta ee hoose.

Sideen u codsadaa taageerada baahiyaha bulshada?

Haddaad buuxisay jaangoynaha mutaysiga ee sare ku xusan oo aad rabto inaad codsato taageero guryeyn, waxaad gujisaa badhanka hoose si aad u buuxiso foom codsi baahiyaha bulsho oo Dhijitaal ah oo ammaan ah.

Foomka codsiga baahiyaha bulsho oo dhijitaal ah

Waxaad sidoo kale soo dejisan kartaa oo aad buuxin kartaa Foomka codsiga baahiyaha bulshada (PDF) waxaadna u gudbin kartaa Adeegga Macmiilka iimeyl ahaan: hrsncx@careoregon.org

Sidoo kale waxaa habboon in horay loo soo geliyo dokumentiyada la xiriira codsigaada. Dokumentiyada waxaa iimeyl loogu diri karaa hrsncx@careoregon.org ama la soo galin karaa boortaalka xubnaha. Haddii aad horay u lahayd akoon tag halkan si aad u gasho ama waxaad ka heli kartaa macluumaadka diiwaangelinta halkan si aad u sameysato akoon. Marka aad gasho, gali dokumentiyadaada adoo samaynaya waxa soo socda:

  1. Tag xarunta fariinta oo guji "fariin cusub"
  2. Riix "ku dar helayaal" oo dooro "Codsiyada Adeegyada La Xiriira Caafimaadka"
  3. Ku dar HRSN khadka cinwaanka oo ku lifaaq faylka (s) fariinta adigoo isticmaalaya fiijarka lifaaq fayl
  4. Ku dar wixii macne guud kale ah oo guji "dir"

Waxaad buuxin kartaa labada foom midkood adiga laftaadu, ama adigoo kaashanaya waalid, daryeele, ama masuul/taageero/saaxiib aad ku kalsoon tahay, ama xubin shaqaale oo ka socoto urur ama rug caafimaad.

Haddii aad qabto su'aalo ama aad jeceshahay inaad caawiso buuxinta foomka codsiga (s), wac Adeegga Macmiilka 503-416-4100, lacag la'aanta ah 800-224-4840 ama TTY 711). Cadaadi ikhtiyaarka 1 marka la eego xubinta, ka dibna dooro ikhtiyaarka 6 marka la eego baahida bulshada.

Kheyraadka dheeraadka ah ee kaalmada baahiyaha bulsheed

Marki laga soo tago Adeegyada Caafimaadka La Xidhiidha ee CareOregon, waxaa jira kheyraadyo kale oo deegaan oo bixiya kaalmada baahiyaha bulsheed ee bulshadeena. Haddii aad ogaato inaad u qalmin barnaamijkeena, waxaad awoodi kartaa inaad ka hesho waxa aad u baahan tahay mid kamid ah gujo-raacyada soo socda.