DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Caawi inaad hesho daryeelka aad u baahan tahay - Daryeelka la isku duway

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Adeegyada Isku duwayaasha Daryeelka

Waa maxay daryeelka la isku dubariday?

Waan ognahay sida ay u adag tahay iyo jahawareerka daryeelka caafimaadku uu noqon karo. Isku-duwayaasha daryeelka waxay la shaqeeyaan bixiyayaal waxayna kaa caawinayaan inaad sida oogu haboon aad ooga faa'iideysato qorshahaaga caafimaad Waxay kaa caawin karaan hubinta inaad haysato daryeelka dheeraadka ah ee aad u baahan tahay si aad ugu noolaato nolol caafimaad leh oo aad ku qanacsantahay. Fiiri fiidiyowga hoose si aad wax uga ogaato kooxda isku-duwayaasha daryeelka iyo sida loola xidhiidho.

Ku daawo muuqaalkan luuqado kale : Isbaanish | Shiine | Ruush |  Fiitnaamiis

Sidee ayay adeegyada isku duwayaasha daryeelku ii caawin doonaan?

Isku-duwayaasha daryeelkaaga ayaa kara:

  • Wax ka baro baahiyahaaga oo kaa caawiya sidii aad u heli lahayd xalka saxda ah.
  • Hubi in dhammaan adeeg bixiyayaashaadu ay wada hadlayaan.
  • Caawimo dheeraad ah, oo ay ku jiraan guriyeynta, cuntada (SNAP) iyo agabka gaadiidka.
  • Hel sahayda saxda ah, oo ay ku jiraan dawooyinka, sahayda macaanka, kuraasta curyaamiinta, taangiyada ogsijiinta iyo qaar kale.
  • Caawinta inaad hesho daryeelka, baaritaanada iyo daawaynta aad u baahan tahay.

Waa kee qaybta ugu muhiimsan ee kooxda Adeegyada Iskuduwaha Daryeelkaaga? Waxaad tahay!

Xitaa haddii ay tahay inaad aragto bixiyeyaal badan oo kala duwan ama aad kaalmo ka heshid adeegyo badan oo kala duwan, had iyo jeer diiradda ayaa adiga ku saaran. Kooxda isku-duwiayaasha daryeelkaaga ayaa hubin doona inaad ku xidhan tahay dhammaan gargaarka aad u baahan tahay.

hso-1967690-sawir-la jaray

Sideen isku diiwaangalin karaa adeegyada Isku-duwista Daryeelka

Waxa jira dhawr qaab oo aad u heli karto adeegyada Isku-duwista Daryeelka. Dooro ikhtiyaarka aad rabto ee kuu fiican.

Maxaan samayn karaa haddaan su'aalo ka qabo Isku-duwista Daryeelka?

Haddaad su'aalo ka qabto Isku-duwista Daryeekla, ama dheefaha qorshahaaga caafimaadka, ka wac Adeegga Macmiilka 503-416-4100, bilaash ku wac 800-224-4840 ama TTY 711. Ka qaybqaadashadaada adeegyada Isku-duwista Daryeelku gabi ahaanba adiga ayey kuu taalaa. Haddii aad go'aansato inaadan rabin ama u baahnayn adeegyadan, waad diidi kartaa ama joojin kartaa wakhti kasta. Joojintu ma carqaladayn doonto daryeelka aad qaadanayso.

Sidoo kale waxaad ku arki kartaa kuna soo dejisan kartaa macluumaadka Isku-duwista Daryeelka oo PDF ah. Hoos ka dooro luuqadda aad doorbidayso: