DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Adeegyada caafimaadka masaafada

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

 

Ballamaha caafimaadka masaafada ayaa la heli karaa

La xiriir bixiyahaaga si aad u ogaato haddii ballan taleefan ama maqal iyo muuqaal ay kugu habboon tahay

Ballan caafimaadka masaafada ah waa mid ku qabsoonta taleefan ama maqal iyo muuqaal, markaa adigu guriga kama tagaysid. Ballamaha caafimaadka masaafada waxa lagu heli karaa ballamaha caafimaadka jireed, kuwa maskaxeed iyo xataa qaar ka mid ah ballamaha ilkaha.

Si aad u hesho caawimo asaaska teknoolojiyadda oo kaa caawiya ballamaha taleefanka iyo maqal iyo muuqaalka, soo dejiso hagaheena gaaban: English | Spanish | Chinese | Russian | Vietnamese

Waa kuwan qaar ka mid ah sababaha ay dhici karta inaad u rabto ballan caafimaadka masaafada ah:

  • Waxaad u qabtaa baahiyo ama su'aalo kooban bixiyahaaga oo aan kaaga baahnayn booqasho fool-ka-foolka ah.
  • Waxaad qaadataa daawo dhakhtar qoray oo u baahan inaad soo gadato, laakiin kaaga baahan inaad aragto bixiyahaaga.
  • Nafis kuma dareemaysid inaad guriga ka baxdo koronafayraska (COVID-19) dartii ama arrin caafimaad oo kale darteed.

Caafimaadka masaafadu waa ammaan waana fudayd, sababtoo ah waxaad kula kulmi kartaa bixiyaha meel kasta oo aad adigu rabto. Ballamaha maqal iyo muuqaalka, waxaad u baahan tahay:

  • Taleefan casri ah, kombiyuutar ama taablet kameera iyo makrafoon wata.
  • Internet xooggan - Wi-Fi ama xarig ku xiriirsan.
  • Sameecadaha dhagaha haddaad u baahan tahay inaan cid kale maqal waxa laguu sheegayo.

Haddaad u baahan tahay turjubaan luuqadeed, oo uu ku jiro ka luuqadda dadka maqalka beelay, hubi in bixiyahaagu ogyahay markaa waa laguugu talogali doonaa. Haddii aad hayso su'aalo ama aad rabto inaad wax badan ka ogaato booqashooyinka caafimaadka, wac Adeegga Macmiilka 800-224-4840 ama TTY 711.

Halkan waxa ah qaabab kaa caawinaya in ballantaada taleefanka ama maqal iyo muuqaalka ah si wacan kuugu dhacdo:

  • Tag meel deggan, oo asturan si aad si xor ah ugu hadli karto. Isticmaal sameecadda dhagaha haddaad karayso.
  • Hadday suurtogal tahay, hubi in taleefankaaga ama kombiyuutakaagu leeyahay kameera.
  • Sii diyaarso taleefanka, taabletka ama kombiyuutarka dhawr daqiiqo kahor. Waxaad soo dejisan kartaa abka (app) si aad ula xiriirto bixiyhaaga.
  • Xasuusnaw in maqal iyo muuqaalku uu isticmaalo lacagta internetka taleefanka gacanta oo badan haddii aadan ku xirnayn Wi-Fi.