DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Sonkorow

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Laba wiil oo la jooga hooyadood

Sonkorowgu waa xanuun halis ah kaasi oo saameeyay in ka badan 30 milyan oo qof Mareykanka. 84 milyan oo qof oo kale ayaa leh sonkorowga bilawga ah. Caadi ahaan, jidhkeenu waxa uu u kala jabiyaa cuntada sonkonta dhiiga (guluukoos) waxa uuna raaciyaa qulqulka dhiiga. Ganacaagu waxa uu sameeyaa dheecaan la yidhaa insuliin. Insuliin waxay ka caawisaa in sonkorta dhiiga ee qulqulka dhiiga la socotaa gaadho unugyada jidhka si loogu isticmaalo tamar ahaan. Sonkorowgu waa koox cuduro ah kuwaasi oo wadaaga calaamad guud oo ah sonkorta dhiiga oo sareysa. Saddexda nooc ee sonkorowgu waxa uu dhacaa marka jidhku aanu si wanaagsan usoo saari karin ama u isticmaali karin insuliinta. Waxa jira habab aad ku ogaan karto haddii aad leedahay sonkorow. CareOregon waxa ay bixisaa baadhitaanadan iyo daawooyinka badankooda si loo maareeyo sonkorowga.

Noocyada sonkowga

  • Nooca 1 ee sonkorowga. Nooca 1 ee sonkorowga hore waxa loogu yaqaanay sonkorowga da'yarta sababtoo ah badanaa waxa laga heli jiray carruurta iyo dhalinyarta. Jidhku masoo saaro insuliinta nooca 1 ee sonkorowga.
  • Nooca 2 ee sonkorowga. Nooca 2 waa nooca ugu caansan ee xaaladan caafimaad. Nooca 2 ee sonkorowga, jidhku masoo saaro insuliin ku filan, ama unugyadu uma isticmaali karaan insuliinta si wanaagsan. Haddii aan la helin xaddiga saxda ee insuliinta, sonkorta dhiigaagu way kacaysaa. Nooca 2 ee sonkorowga waxa uu badanaa la xidhiidhaa cayilnaanta. Waxa uu inta badan yimaadaa marka cayilnaantu sii korodho.
  • Sonkorowga xiliga xaamilada. Tani waxay timaadaa marka heerka sonkorta dhiigu ay sareyso inta lagu jiro xaamilada. Sida nooca 2 ee sonkorowga, jidhku ma awoodo inuu sameeyo ama isticmaalo dhammaan insuliinta uu u baahan yahay. Si kastaba ha ahaatee, noocan sonkorowga ahi waxa yimaadaa inta lagu jiro wakhtiga xaamilada, waxa uuna sameeyaa qiyaastii 4% dhammaan dumarka xaamilada ah.

Sonkorowgu waxa uu noqon karaa cudur dilaa ah. Haddii aan loo maareyn si wanaagsan, dhibaatooyin ay ka mid yihiin kalyaha oo shaqada joojiya, wadne xanuun, ilko beel, indho la'aan iyo xubno jarid ayaa dhici kara. Si kastaba ha ahaatee, sonkorowga waa la maareyn karaa dhibaatooyinkana waa laga hortagi karaa. Mararka qaar, hilibka oo la iska ridaa waxa uu sababi karaa in sonkorowgu meesha ka baxo.

Kooxda Isku-duwista Daryeelka ee CareOregon waxay kaa caawin karaan inaad barato sida loo maamulo sonkorowgaaga. Wac 503-416-4100, wicitaanka bilaashka ah 800-224-4840 ama TTY 711. Waydiiso inaad la hadasho xubin kamid ah kooxda Isku-duwista Daryeelka.

Xanuunada jiitama waxa ay dhibaato ku noqon karaan habka aad u nooshahay. Ha u oggolaan inay noqdaan!  Wax badan ku baro siminaarada ku saabsan Sida Fiican ula Noolaanshaha Xanuunada Jiitama.

Arag dhakhtarka ilkaha haddii aad leedahay sonkorow

Macluumaadka

 

Aanu ku caawino

Noogu soo dir farriin sugan Xiriirka Xubinta ee careoregon.org/portal ama naga soo wac 503-416-4100, wicitaanka bilaashka ah 800-224-4840 ama TTY 711. Waxa aan kaa caawin karnaa inaad bilawdo adeegyada sonkorowga.