DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Uurka, CareBaby iyo caawinta qoyska

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Haddii aad tahay waalid markii ugu horaysay ama aad xubin dheeraad ah kusoo kordhinayso qoyskaaga, CareOregon halkan ayaa ay kuu joogtaa adiga

Uurku waa safar cajiib ah! CareOregon waxa ay diyaar u tahay inay garabkaaga ahaato, maanta iyo kadib marka ilmahaagu dhasho.

Sidii caadada ahayd, waxa aanu daboolnaa daryeelka caafimaadka jidhka, ilkaha iyo caafimaadka maskaxda, iyo daaweynta adeegsiga maandooriyaha. Balse uurka iyo barbaarinta dhallaanku waa kuwo gaar ah, sidaas darteed anaga iyo bulshadu waxa aanu ku siinaynaa khayraad dheeraad ah imika.

Uurka iyo taageerada qoyska

CareOregon waxa ay leedahay qaabab badan oo ay kugu caawin karto adiga - iyo qoyskaaga oo dhan -- inta aad ku gudo jirto sagaalkan bilood iyo wixii ka dambeeya.

Soo dejiso buug-yarahayaga uurka ee bilaashka ah: "CareBaby: Hagahaaga faa'iidada leh ee uur caafimaad iyo farxad leh "

  • Buug-yarahan waxa loogu talagalay keliya xubnaha CareOregon.
  • Waxa sidoo kale lagaga heli karaa Isbaanish halkan.
  • Waxa aanu boosta kuugu soo diri doonaa nuqul daabacan kadib marka Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) uu noo soo sheego inaad uur leedahay. (Waxa aanu sidoo kale kaa xaqiijin doonaa adiga ama daryeel bixiyahaaga) 
hso-carebaby-booklet-image

Soo dejiso buug-yarahayaga dhallaanka ee bilaashka ah: "CareBaby: Hagahaaga faa'iidada leh ee dhallaan caafimaad qaba oo faraxsan iyo soo kabasho dhalmada kadib ah"

Sawir ah buug-yaraha dhallaanka ee CareBaby oo ay ku qoran tahay

Ma tahay qof uur leh balse aan helin nuqul ah buug-yareyaasha uurka ama dhallaanka? Diiwaanada OHP waxa dhici karta inay u baahan yihiin in lagu sameeyo cusboonaysiino ku saabsan uurkaaga. Adeega Macmiilka CareOregon waxa ay ku faraxsan yihiin inay kaa caawiyaan arrintan. Fadlan nala soo xiriir.

La xiriir CareOregon
Waxa aad wacdaa: 503-416-4100Lambarka bilaashka ah: 800-224-4840TTY: 711
Ku ilaali fariin dirista bogga xubinta careoregon.org/portal

Qaabab kale oo lagu taageeri karo uurkaaga

Guji mawduuca hoose si aad wax dheeraad ah u ogaato.

Waa arrin si labanlaab ah u wanaagsan inaad daryeesho naftaada inta aad uurka leedahay - waayo taasi waa qaabka ugu wanaagsan ee aad u daryeeli karto ilmahaaga koraya, sidoo kale. Waxa aanu halkan u joognaa inaanu kaa caawino taas.

Dheefaha. CareOregon iyo Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP) ayaa bixiya kharashka adeegyada la xidhiidha uurka ee caymiska ku jira. Waa kuu bilaash daryeelka caafimaadka jidhka, ilkaha iyo caafimaadka maskaxda, daawooyinka la qoro, iyo waxyaabaha qaar oo taageera uur caafimaad qaba sida fiitamiinada dhalmada kahor iyo baadhitaanada indhaha. sumadda-carebaby4

Waxa aanu kaa taageeri karnaa yareynta ama joojinta adeegsiga tubaakada, khamriga ama maandooriyeyaasha kale. Daryeel bixiyahaaga aasaasiga ah (PCP), daryeel bixiyahaaga dhalmada kahor iyo Adeega Macmiilka CareOregon waxa ay ku faraxsan yihiin inay kaala hadlaan khayraadkan.

sumadda-carebaby9Kaalmada gaadiidka Waxa aad u qalmi kartaa in lagaa caawiyo gaadiidka aad ku tagayso adeegyada daryeelka jidhka, ilkaha ama caafimaadka maskaxda ee ay daboosho Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP). Iyada oo ku xidhan baahiyahaaga, tani waxa ay macneheedu noqon kartaa in lagaa caawiyo kharshka shidaalka, bas-raaca ama in gaadhi lagugu soo qaado. Waxa aad wacdaa Gaadiidka Daryeelka Loo Raacayo inta lagu gudo jiro saacadaha shaqada ee caadiga ah, 8 g.h. illaa 5 g.d Isniinta illaa Jimcaha, si aad u weydiiso inaad u qalanto. Guji halkan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan helitaanka iyo xeerarka Gaadiidka Daryeelka Loo Raacayo.

Gaadiidka Daryeelka Loo Raacayo: 503-416-3955 | Lambarka bilaashka ah: 855-321-4899 | TTY: 711

Adeegyada turjubaadda luuqadeed. Miyaad u baahan tahay turjubaan booqashooyinka xafiisyada ama wicitaanada aad la yeelanayso daryeel bixiyayaasha? Waxa aad sharci ahaan xaq u leedahay tan, iyada oo bilaash kuu ah. Xidhiidh wanaagsan oo aad la yeelato daryeel bixiyayaashu badanaa waa muhiim, waana ay kasii muhiimsan tahay inta aad ku gudo jirto uurka.

sumadda-carebaby12Sida loo codsado adeegyada turjubaadda. Marka aad qabsanayso ballamaha, u sheeg daryeel bixiyahaaga inaad doonayso turjubaan. Xarunta caafimaad ayaa muddeyn doontaa adeegga turjubaadda. Fadlan soo wac ugu yaraan 48 saacadood kahor markasta oo ay suuragal tahay.

 

 

Xubanaha uurka leh ee ku jira saddex biloodkoodii u dambeeey ayaa u qalma Barnaamijka Deeqda CareBaby. Xubnaha ku jira saddex biloodkoodii u dambeeyey waxa loo diraa boos, ka kooban Buug-yaaha Dhallaanka ee CareBaby (eeg kor), waraaq deeq, foom jawaabeed iyo gal waraaqeed muujinaya in soo diruhu kharashkeeda bixiyey.

Dhammaan xubnaha ka jawaaba boosta deeqda ee Barnaamijka Deeqda CareBaby waxa ay helaan Xidhmada Bilawga Dhallaanka ee CareBaby, oo ka kooban cadayn dhallaan, heerkul beeg dijitaal ah, kiish hurdeed carruureed, dhar hurdo oo isku dheggan iyo buug hurdada ammaanka ah ka hadlaya oo loo yaqaan Sleep Baby, Safe and Snug. Xubnuhu sidoo kale waxa ay heli doonaan hal Deeq Dhallaan cusub oo CareBaby ah oo weyn oo dookhooda ah:

  • Xidhmada Deeqda Xafaayadaha (agab hal-bil ah oo ah xafaayadaha ah xajmiga 1 - laba bogis oo waaweyn - iyo hal bogis oo weyn oo softiga masaxaadda ah),
  • Xidhmada Deeqda Kursiga Gaadhiga (ah kursi gaadhi dhallaan oo leh fadhi laga saari karo ama kursi gaadhi la wareejin karo) ama  
  • Xidhmada Deeqda Hurdada Ammaanka ah (aag ciyaareed oo la qaadi karo oo wata sariir yar).  

Si qaab otomaatig ah laguu qoro Barnaamijka Deeqda CareBaby, waa inaad hubto inaad cusbooneysiisay xaaladda uurkaaga ee Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP). Waxa jira saddex qaab oo tan loo sameyn karo:

  1. Waxa aad ka wacdaa Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP) lambarka 800-699-9075. Waxa aad doorataa Sheeg isbeddel ku yimid macluumaadkaaga "Report a change in your information" ama Codso Dheefaha Qorshaha Caafimaadka Oregon "Apply for Oregon Health Plan Benefits." (Ogsoonow: Ikhtiyaaradan taleefanku waa ay isbeddeli karaan.)  
  2. Waxa aad Akownkaaga (ONE) ee U qalmitaanka Oregon ka gashaa barta one.oregon.gov  
  3. Waxa aad wacaasha soo korodha iyo su'aalaha ku soo hagaajisaa barta oregon.benefits@dhsoha.state.or.us Marka aad soo dirto iimaylkaaga, halkan waxa ah waxoogaa talooyin ah:
    • Waxa aad ku qortaa Isbeddel ku yimid xaaladda uurka "Pregnancy status change" laynka mawduuca.  
    • Waxa aad tafaasiisha aasaasiga ah ku dartaa iimaylka laftiisa, oo ay kamid yihiin: magacaaga oo dhamaystiran, lambarkaaga aqoonsiga ee xubinimo, cinwaankaaga boosta, iyo lambarkaaga taleefanka. 

Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP) waxa ay bixisaa kharashaadka xubnaha uurka leh ee dhammaan muddada uurkooda (iyo ugu yaraan muddo hal sano ah kadib dhalashada ilmaha), badanaana waxa ay bixisaa dheefo dheeraad ah. Adeega Macmiilka CareOregon waxa ay ku faraxsan yihiin inay gacan ka geystaan hubinta diiwaanadaada Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP) inay ku cusbooneysiisan yihiin waxa kasoo kordhay uurkaaga, si qaab otomaatig ah laguu qoro Barnaamijka Deeqda CareBaby marka aad gasho saddex biloodkaaga saddexaad. Fadlan nala soo xiriir.

Su'aalo iyo jawaabo ku saabsan Barnaamijka Deeqda CareBaby

S: Miyaan u qalmaa barnaamijka deeqda?   
J: Dhammaan xubnaha Health Share/CareOregon ee ay u aqoonsatay inay uur leeyihiin OHA isla markaana ku jira saddex biloodkoodii u dambeeyey ayaa u qalma Barnaamijka Deeqda CareBaby. Ka eeg kor wixii tafaasiil ah ee ku saabsan u sheegista OHA inaad uur leedahay.

S: Sidee baan ku heli karaa deeqahayga bilaashka ah? 
J: Waxa aad buuxisaa Foomka Codsiga Deeqda CareBaby hal mar, adiga oo ku buuxinaya waraaq ahaan, taleefankaaga ama onlayn ahaan. Boosta kusoo dir, kusoo gudbi taleefankaaga ama kusoo gudbi kombuyuutar. Intaas weeyi dhammaan waxa aad u baahan tahay inaad sameyso. Anaga ayaa halkaas kasii amba qaadi doona. 

S: Goorma ayaa aan heli doonaa deeqdayda?  
J: Deequhu waxa ay ku iman doonaan laba shixnadood oo kala duwan. Waxa aanu kusoo hagaajin doonaa cinwaanka keenista ee aad ku qortay foomka. Cinwaanku waxa uu noqon karaa mid ka duwan halka aad ku nooshahay. TALO: Adeegso cinwaan amaan u ah keenitaanada. 

  • Xidhmada Bilawga Dhallaanka ee CareBaby caadi ahaan waxa laga soo diraa CareOregon 14 maalmood gudahood kadib marka aanu helno dalabkaaga. 
  • Hadiyadda Ilmaha Cusub ee CareBaby waxa si toos ah looga soo diraa iibiyaha. Gaadhsiintu waxa ay qaadan kartaa illaa 21 maalin shaqeed oo ka bilaabanaysa marka ay hesho CareOregon. Wakhtiga gaadhsiintu waxa uu ku xidhan yahay helitaanka.  

Haddii aanad ku helin deeqda aad codsatay wakhtiga ku qoran kor, fadlan naga la soo xidhiidh iimaylka carebaby@careoregon.org ama waxa aad wacdaa Adeega Macmiilka.  

S: Sidee baan uga baxaa barnaamijka? 
J: Waxa aad wacdaa Adeega Macmiilka waxana aad codsataa inaad "Ka baxdo Barnaamijka CareBaby." Tani waxa ay xaqiijin doontaa inaanad haddeed boostooyin ka helin CareBaby inta aad ku gudo jirto uurkaaga hadda. Waxa dhici karta in si otomaatig ah laguu qoro barnaamijka haddii laguu aqoonsado inaad uur leedahay mustaqbalka.  

Waa maxay doula da dhalmadu?

Doula da dhalmadu waa wehel dhalmo oo tababaran, shahaadana haysata oo: 

  • Ku siisa taageero shakhsiyeed, oo aan mid caafimaad ahayn adiga iyo qoyskaaga.
  • Ku caawisa inta aad ku gudo jirto uurka, dhalmada ilmaha iyo kadib marka ilmahaagu dhasho.
  • Ah dheef caymisku daboolo oo loogu talagalay xubnaha CareOregon.

Doula da ka diiwaangashan Oregon waxa ay dhamaystirteen tababar shahaado leh iyo hubin taariikheed.

Kadib marka ilmahaagu dhasho, waxa aad u baahan doontaa inaad qorto dhallaankaaga Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP). Isqoristu  maaha otomaatig.

Isbitaalku waxa uu gacan ka geysan karaa u diritaanka Foomka Wargelinta Dhallaan Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP). Waxa aad kala soo degi kartaa foomka halkan. Kadib, usoo qaad foomka isbitaalka ama ballanta ilmahaaga si daryeel bixiyahaagu u buuxin karo.

Marka aad sigaar cabbayso, ilmahaaguna sigaar ayaa uu cabbayaa. Waxa aanu idin ka caawin karnaa labadiinaba inaad ka madhnaataan tubaakada. La hadlitaanka daryeel bixiyahaaga dhalmada kahor ama daryeel bixiyahaaga aasaasiga ah ayaa ah tallaabo koowaad oo wanaagsan. CareOregon waxa ay bixisaa qaabab badan oo ay kaaga caawin karto joojinta sigaar cabbista.

  • Waxa ku jira caymiskayaga tababare joojineed.
  • Waxa caymiskayaga ku jira la talin fool ka fool ah ama taleefan ah.
  • Kala hadal daryeel bixiyayaashaada daawooyin kaa caawiya la dagaalanka xaraaradda.
  • Ama waxa aad la xidhiidhaa Quit For Life®. Waxa aad wacdaa lambarka bilaashka ah ee 800-784-8669 ama waxa aad booqataa quitnow.net/Oregon
  • Uur ka madhan sigaar cabbis ayaa kuu caafimaad badan adiga iyo ilmahaaga, imika iyo mustaqbalkaba.
  • Joojinta inta aad uurka leedahay ayaa ah deeqaha ugu wanaagsan ee aad siin karto ilmahaaga.

Waxa dhici karta inaad qabto su'aalo badan inta aad ku gudo jirto bilaha soo socda. Waa ayo cidda ay tahay in la weydiiyaa?

Marka aad su'aalo ama walaacyo ka qabto uurkaaga: Waxa aad wacdaa xaruntaada caafimaad.
Marka aad su'aalo ka kaqbto dheefaha iyo adeegyada :Waxa aad wacdaa Adeega Macmiilka CareOregon.

La xiriir CareOregon

Aag magaaleedka Portland: 503-416-4100Lambarka bilaashka ah ee : 800-224-4840TTY: 711

Waxa aad la xidhiidhaa Qorshaha Caafimaadka Oregon

Waxa aad wacdaa Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP): Lambarka bilaashka ah ee 800-699-9075
Gal ama sameyso akown ONE ah si aad u cusboonaysiiso macluumaadkaaga: one.oregon.gov
Cusboonaysiinada iyo su'aalaha waxa aad iimayl ugu soo dirtaaOregon.Benefits@dhsoha.state.or.us

  • Waxa aad ka dhigtaa "Isbeddelka xaaladda uurka" laynka mawduuca iimaylka.
  • Waxa aad tafaasiil aasaasi ah ku dartaa ubucda iimaylka: magacaaga oo dhamaystiran, lambarka Aqoonsiga Xubinta, cinwaankaaga boosta iyo lambarkaaga taleefanka.

Waxa caymiskayaga ku jira dhawr ikhtiyaar oo aan adeegsan daawooyinka la qoro

  • Ku daaweynta irbadaha: Waxa aanu u baahanaa ansixin (OK na laga helo anaga) kahor inta aan lagu daaweyn. Daryeel bixiyayaasha waa loo magdhabaa adeegyada aanu caymino.
  • Chiropractic:  Ansixin looma baahna si qiimeyn loo sameeyo. Waxa aanu u baahanaa ansixin kahor daaweynta 
  • Daaweyn jidheed, daaweyn shaqayneed, daaweyn hadal iyo daaweynta toosinta murqaha iyo lafaha: Ansixin looma baahna si qiimeyn loo sameeyo. Ansixin looma baahna si loo sameeyo baadhitaanada ku jira  Liiska Adeegyada Caafimaadka Ku Jira ee Mudnaanta Leh ee gobolka. Waxa aanu u baahanaa ansixin ah baadhitaanada aan ku jirin Liiska Mudnaanta Leh.

Daryeel bixiyayaashan ka raadi shakadeena.

U gudbinta bixiyaha, barnaamijka hore iyo baadhitaan xilliyeedka, ogaanshaha iyo daawaynta (EPSDT) waxa uu bixiyaa baadhitaano fiican oo ubadka ah iyo ogaanshaha iyo daaweynta dhammaan carruurta da'doodu tahay 0-20. Wax dheeraad ah ka ogow adeegyadan loogu talagalay carruurta.

Waxa dhici karta inaad u qalanto Dheefta Baahiyaha Bulshada ee Caafimaadka la Xiriira maadaama ood tahay xubin uur leh. Haddaad uur leedahay, aad qabto baahi bulsho (cunto, guryeyn, cimilo) oo aad ka tirsan tahay mid kamid ah kooxaha kala-guur ee soo socda, waxaad u qalmi kartaa:

  • Aad tahay dhallinyar ku jira nidaamka caydha ilmaha, oo uu kamid yahay dhallinyarta ka baxaysa daryeelka korinta
  • Aad wajahayso hoy la'aan ama aad halis ugu jirto hoy la'aan
  • Lagaa sii daayey hayn ama goob caafimaad habdhaqan guriyeed
  • Aad ka wareegayso daboolida caymiska Medicaid-keliya oo aad u wareegayso daboolida caymiska Medicaid iyo Medicare labadaba
  • Aad tahay da'da u dhaxaysa 19-26 oo leh baahiyo daryeel caafimaad oo gaar ah (laga bilaabo 1/1/25)

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah iyo si aad u dalbato dheeftan, fadlan booqo  Bogga Baahiyaha Bulshada ee Caafimaadka la Xiriira (HRSN).

Macluumaadka iyo khayraadka uurka

sumadda-carebaby15Inta aad ku gudo jirto uur oo aad nolol la bilaabanayso ilmahaaga, waxa aad xusuusnaataa in CareOregon iyo kuwo badan oo kale oo kamid ah bulshadu ay daneynayaan caafimaadkaaga iyo badqabkaaga. Fadlan nala soo xidhiidh marka aad u baahato taageero.

Caawimo ka hel joojinta ama yareynta tubaakada

Marka aad sigaar cabbayso inta aad uurka leedahay, ilmahaaguna waxa uu cabbayaa sigaar. Labadiinuba waxa aad noqon kartaan kuwo ka madhan tubaakada. Waxa aad kala hadashaa daryeel bixiyahaaga aasaasiga ah ama daryeel bixiyahaaga dhalmada kahor adeegyada CareOregon bixiso si ay kaaga caawiso yareynta ama joojinta sigaar cabbista.
sumadda-carebaby14

Ama waxa aad la xidhiidhaa Quit For Life®.

Waxa aad wacdaa: Lambarka bilaashka ah ee 800-784-8669 (800-QUITNOW)

Waxa aad booqataa: quitnow.net/Oregon

Cunto caafimaad qabta oo laguugu talagalay adiga iyo qoyskaaga

Barnaamijka Haweenka Sabiyada iyo Carruurta (WIC) ee Oregon waxa uu ka caawiyaa qoysaska inay helaan cunto caafimaad qabta, waxbarasho nafaqo iyo waxyaabo kale oo dheeraad ah. Barnaamijku waxa uu taageeraa dumarka ku jira marxaladda uurka, umusha ama naasnuujinta iyo carruurta ka yar da'da 5 sano jirka. Aabbayaasha, awoowyada/ayeeyooyinka, waalidiinta korsashada ama masuullada kale waxa ay carruurtooda u codsan karaan
Barnaamijka Haweenka, Sabiyada iyo Carruurta (WIC).

Loogu talagalay bulshada Maraykanka Afrikaanka ah

Hindisaha Dhalmada Caafimaadka Qabta ee Degmada Multnomah waxa ay wax ka qabataa baahiyaha dumarka Maraykanka Afrikaanka ah iyo qoysaskooda, inta ay ku gudo jiraan uurka iyo kadib marka ilmuhu dhasho. Si aad u codsato,
waxa aad wacdaa 503-988-3387.

Adeegyadu waa kuwo ahmiyadda siiya Afrikaanka waxana heli kara dadka degan Degmada Multnomah. Nashaadaadka hindisaha ee "Ka Qaybqaadashada Aabbaha/Labka" waa kuwo diiradda saara xoojinta bulshada
aabayaasha Maraykanka Afrikaanka ah.

Kala soo deg buug-yaraha hindisayaasha Dhalmada Caafimaadka Qabta. 
sumadda-carebaby5

Jaraa'idka "Hey Baby"

"Hey Baby", waa jaraa'id onlayn ah oo midabo badan, oo soo bandhigta sheekooyin camali ah oo ku saabsan cunitaanka caafimaadka qaba, nashaadaadka jidheed, maareynta culayska nafsiyeed, miisaan kordhinta caafimaadka qabta iyo arrimo kale oo gaar u ah uurka.

Sidoo kale Isbaanish ahaan: Hola Bebé: Vida Sana para tener un Bebé Sano

Two Bright Smiles

Aragtida dhakhtarka ilkaha caafimaadka ilkaha iyo cirridka awgood waa ammaan inta lagu gudo jiro uurka. Sidoo kale waxa ay muhiim u tahay caafimaadka ilmaha. CareOregon waxa ay caymisaa daryeelka ilkaha, sidoo kalana waxa aanu sidoo kale kaa caawin karnaa raadinta dhakhtar ilkood.

Buug-yarahayaga Two Bright Smiles ayaa sharxaya sida loo yeesho ilko iyo cirrid caafimaad qaba inta lagu gudo jiro uurka: Ingiriisi | Isbaanish | Carabi | Jayniiska La Fudaydiyey | Jayniiskii Hore | Raashiyaan | Soomaali | Fiitnaamiis

Xidhiidho caafimaad qaba

Wax walaacyo ah ma ka qabtaa ammaanka jidheed ama shucuureed ee xidhiidhkaaga? Xidhiidh ixtiraam leh, oo taageero leh oo aad la yeelato lammaanahaagu waxa uu kuu keenaa caafimaad wanaagsan iyo nolol dheer adiga, nolol wanaagsanna waxa uu u keenaa ilmahaaga. Waxa aad la hadashaa daryeel bixiyahaaga dhalmada kahor. Ama la xidhiidh khayraadkan bilaashka ah, wakhti kasta:

sumadda-carebaby6
  • Call to Safety. Waxa aad wacdaa lambarka bilaashka ah ee 888-235-5333, maalin walba, 24 saacadood. Dadka ka jawaabaya taleefanku waa dad naxariis leh oo si gaar ah loo tababaray. Uma sheegaan, cidna, waxkasta oo aad tidhaahdo.
  • Loveisrespect.org. Waxa aad qoraal u dirtaa u doodeyaasha tababaran oo ku saabsan wixii maskaxdaada ku jira ee ku saabsan xidhiidhada. Loveisrespect, oo ah samafal, ayaa sidoo kale siisa macluumaad iyo taageero saaxiibada, qoyska iyo dadka kale ee daneynaya. Qoraal "loveis" ah u dir 22522. Fur maalinwalba, 24 saacadood.
  • abka myPlan. Ku soo dejiso abkan ku ilaashan baaswoodhka taleefan casri ah, ama ka adeegso agabka websaytka. Waxa uu caawimo ka geystaa go'aanada ammaanka, haddii adiga, ama qof aad daneyso, uu xadgudub ka wajahayo xidhiidh jaceyl.

sumadda-carebaby13
Adeegsiga suumanka kuraasta iyo kiish-haweedyada shilalka ee gawaadhida

Haa, joogtee xidhashada suunka kuraasta! Hel talooyin ku saabsan qaabka munaasabka ah ee ay tahay inaad u xidhato suunka inta aad ku gudo jirto uurka.


Kuraasta ammaanka ee ilmaha

Oregon Impact waxa ay bixisaa khayraad loogu talagalay hubinta kursiga gaadhiga ee ilmahaaga in loo rakibay
si sax ah.

Eeg macluumaadka ay bixiyeen Maamulka Ammaanka Gawaadhida Waddooyinka ee Qaran "National Highway Traffic Safety Administration" ee ku saabsan kuraasta gawaadhida ee dhallaanka iyo carruurta.

Text4Baby
Text4baby waa adeeg bilaash ah. Waxa uu ku siiyaa macluumaad caafimaad iyo ammaan oo wakhtiga munaasab ku ah inta aad ku gudo jirto uurka iyo sanadka koowaad ee nolosha ilmahaaga. (Xubnaha qoyska iyo saaxiibadu sidoo kale waa ay isdiiwaangelin karaan haddii ay doonayaan.) Text4baby waxa uu kuu soo diri doonaa ku dhawaad saddex talo oo faa'iido leh toddobaad walba, iyada oo bilaash ah. Talooyinka waxa lagu muddeeyaa illaa taariikhda sidkaagu go'ayo.

Isku diiwaangeli midkasta oo kamid ah qaababkan soo socda:

  • Qoraal ah "BABY" (Ama "BEBE" oo Isbaanish ah) u dir 511411.
  • Waxa aad tagtaa4baby.org. Waxa aad gujisaa badhanka "SIGN UP".
  • Soo dejiso abka text4baby ee bilaashka ah, oo laga heli karo iPhone ka iyo Android ka.

sumadda-carebaby2

39 Toddobaad ayaa ah Ta Ugu Munaasabsan Ilmahaaga
Dhalashooyinka qaar ayaa loo muddeeyaa waxyar kahor sababo aan ahayn kuwo caafimaad. Haddii uurkaagu yahay mid caafimaad qaba, sug fooshu inta ay iskeed u bilaabanayso. Waxa jira dheefo caafimaad oo ilmahaaga ugu jira marka uurkaagu jiro ugu yaraan 39 toddobaad.

sumadda-carebaby11Qorsheeynta qooyska

Waxa muhiim ah in muddooyin loo dhaxaysiiyo uur qaadista, caafimaadka iyo caafimaadka carruurtaada mustaqbalka awgood. Waxa muhiim ah in la sameysto hab kala korin kahor inta inta aan ilmahaagu dhalan. Bedsider waxa uu ku dhex mushaaxiyaa helitaanka hab kugu munaasab ah adiga iyo xaaladdaada.

sumadda-carebaby1

Taageerada naasnuujinta
Naasnuujintu waxa ay u leedahay dhaafo caafimaad adiga iyo ilmahaagaba. Hoormoonadu waxa ay kaa caawiyaan inaad dareento deganaanshiyo iyo inaad u dhawdahay ilmahaaga. Caanaha naaskuna waxa ay u gudbiyaan difaac jidheed ilmahaaga kuwaas oo ka caawiya in uu la dagaalamo xanuunada.

La Leche League ee Oregon - Portland waxa ay siisaa taageero dhammaan hooyooyinka naasnuujinaya.

Golaha Hooyooyinka Naasnuujinaya ee Oregon "Nursing Mothers Counsel of Oregon" waxa ay bixiyaan hagitaan naasnuujin oo bilaash ah, oo laga soo xigtay waalidiin khibrad leh, oo ku sugan aag magaaleedka Portland. Adeegyada kale waxa kamid ah iibabka iyo kiraynta qalabka bamgareynta naasaha, iyo caawimo ka geysashada qorshaynta ku noqoshadaada shaqada.

sumadda-carebaby16

Wax u akhrinta carruurta iyo socod-baradka

Cod sare ugu akhrinta carruurta isla marka ay dhashaan, waxa ay taageertaa maskaxdooda, horumarka luuqaddooda iyo xidhiidhka qoyskooda. Zero to three waxa uu bixiyaa hagitaano aasaasi ah oo ku saabsan waxa ay tahay inaad ka fisho ilmahaaga, iyo talooyin ku saabsan buugaagta ku habboon saddexda sano ee ugu horreeya ee ilmahaaga.

Jadwalka tallaalada ilmahaaga: Dhalashada illaa 6 sano
Tallaaladu waxa ay ka ilaalin karaan ilmahaaga tobaneeyo cudur. Jadwalkan tallaalada lagu taliyo waxa uu muujiyaa tallaalada ku habboon ilmahaaga hadba da'da uu marayo.

Vacunas recomendadas para niños

Help Me Grow Oregon
Taageero bilaash ah oo loogu talagalay qoysaska uurka leh ama leh carruur ah illaa 6 sano jir, aag magaaleedka saddex-degmoodka ah. Guji halkan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.
503-833-4769

 

Ka hel guudmar kooban oo ah khayraadka uurka buug-yarahayaga fudud, ee halka-bog ah. Guji luqad hoose si aad u soo dejiso:

Marka aad uur leedahay waxa dhici karta inaad la kulanto erayo caafimaadka la xidhiidha oo cusub. Waxa aanu qeexnay qaar ah kuwa caamka ah.

Doula da dhalmada: Wehel dhalmo oo tababaran oo siiya taageero (shucuureed, jidheed ama waxbarasheed) kuwa uurka leh: inta ay ku gudo jiraan uurka, dhalmada ama wixii ka dambeeya. Doula du waxa ay sidoo kale taageeri karaan xubnaha qoyska ee kale.

Daryeel bixiyaha dhalmada kahor: Khabiir caafimaad oo diiradda saara uurka iyo dhalashada ilmaha. Tani waxa ay noqon kartaa umuliso, umuliso kalkaaliso caafimaad ah oo shahaado haysata (CNM), dhakhtar caafimaad qoys oo leh tababar ah ilmo-dhalinta, ama dhakhtar ilmo-dhalin/ama dhakhtar dumareed (OB/gyn).

Saddex-biloodka koowaad: Bilaha bilawga ee uurkaaga. Waxa ay kasoo bilaabmaan uurqaadista waxana ay socdaan illaa 12 toddobaad (0 illaa 3 bilood).

Saddex biloodka labaad: Marxaladda dhexe ee uurka. Waxa ay ka bilaabantaa toddobaadka 13 waxana ay socotaa illaa 27
(4 illaa 6 bilood).

Saddex biloodka saddexaad: Marxaladda ugu dambeysa ee uurka. Waxa ay baaxaddeedu tahay laga bilaabo toddobaadka 28 illaa 40 (7 illaa 9 bilood).

Dhalmada kahor: Waxkasta oo la xidhiidha uurka. Tusaale ahaan, fiitamiinada dhalmada kahor waa fiitamiino gaar ah oo ay tahay in la qaato muddada uurka. 

Muddada umusha: Toddobaaddada ka dambeeya dhalashada ilmaha - caadi ahaan 12 toddobaad ee ugu horreeya, balse mararka qaar waa ay ka dheeraan kartaa.

WIC: Barnaamijka Haweenka, Dhallaanka iyo Carruurta. Waa barnaamij caafimaad dadweyne oo siiya cunto caafimaad qabta iyo khayraad kale kuwa uurka leh, umusha ah, naasnuujinaya ama masuulka ka ah ilme ka yar da'da 5 sano jir. Xubanaha Qorshaha Caafimaadka Oregon/CareOregon ayaa u qalma dheefaha barnaamijka haweenka, dhallaanka iyo carruurta "WIC". Guji halkan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.