DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad



Miyaan Mutaystay Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP)?

CareOregon waxay bixinaysaa caafimaadka jidh ka, kan ilkaha iyo daryeelka caafimaadka maskaxda iyo daawaynta isticmaalka maandooriyaha iyada oo loo marayo Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) iyada oo waliba qayb ka ah Health Share ee Oregon, mid ka mid ah labada hay'adood ee daryeelka la isku duwo (CCOs) ee ka howl gala agagaarka sadaxda degmo.

Gudaha OHP, waxa jira laba qorshe oo dadka reer Oregon ay ugu qalmi karaan: OHP Plus iyo OHP Bridge. Faraqa u dhexeeya qorshayaashani waa yar yahay wuxuuna mutaysiga labadoodu ku salaysan yahay sida badan heerarka dakhliga. Laakiin sidoo kale waxa jiri kara arrimo kale oo go'aamiya mutaysiga qorshayaasha mid kasta.

Ka eeg shaxda hoose macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nooca heerar dakhliyada ee go'aamin doona haddaad u qalanto OHP Plus ama OHP Bridge. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qorshayaashan OHP-na, booqo boggeena webka Guudmarka Faa'idada.

Ma u qalmaa?

Shaxda hoose waxay muujinaysa heerarka dakhliga ugu sarreeya ee aad haysan karto si aad u ogaato haddii aad u qalanto Qorshaha Caafimaadka Oregon. Laakiin xasuusnaw, kan oo kaliya ma go'aamiyo haddii aad u qalanto iyo haddii kale. Kuwani waa arrimo kale oo aan halkan lagu qorin. Sida ugu fiican ee aad ogaanayso haddii aad u qalanto waa inaad dalbato. Waxa dhici karta inaad awooddo inaad hesho daboolida caymiska, xataa haddaad hore u diiday. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, eego websaytka Qorshaha Caafimaadka Oregon

Dakhliga Bishii ee ugu Badan iyadoo la eegayo Nooca Dalbadaha iyo Xajmiga Qoyska

Tirada qoyska

Dadka Waaweyn (19-64)

Ciyaalka (0-18)

Shaqsiyaadka Uurka Leh

Waalid ama qofka masuulka ka ah

OHP Plus

OHP Bridge

1

$1,732

$2,510

$3,828

$2,385

$399

2

$2,351

$3,407

$5,196

$3,237

$515

3

$2,970

$4,304

$6,563

$4,089

$611

4

$3,588

$5,200

$7,930

$4,940

$747

5

$4,207

$6,097

$9,298

$5,792

$872

6

$4,826

$6,994

$10,665

$6,644

$998

 


Hababka lagu codsodo

Habab badan oo kala duwan oo lagu codsan karo Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) ayaa jiraan.

Wac -oha

Wac OHA:
Ka wac Adeega Macmiilka ee Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) 800-699-9075 ama TTY 711.

Onlayn ka:
One.Oregon.gov

Warqad ku qoran

Warqad ku qoran

La soo dag codsiga

Lambarka fakiska ee Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP): 503-378-5628

Kudir codsiga boostada: OHP Customer Service, P.O. Box 14015, Salem, OR 97309-5032

Qof kula joogo uu ku caawinaayo:

Habka diiwaangelinta waxaa ku hagi karaa “Caawiye” ka socda dhanka Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP).

Munaasabadooyiinka Qorshaha Caafimaadka Oregon



Waa maxay macluumaadka iyo dokumentiyada aan u baahanahay markaan dalbanayo? 

Gobolka waxuu ku weeydin karaa inaad keento warqada dheeri ah, xitaa marka aad daqli ahaan u qalanto Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP).

Markaad onleynka ka codsaneeyso waa inaad haysataa kuwaan, ama la imoow xiliga munaasabada fool-ka-foolka ah.

  • Taariikhda dhalashada (shahaadada dhalashada, haddii la heli karo)
  • Lambarka Sooshiyaal Sikiyuuriti (kuwa leh mid)
  • Macluumaadka dakhliga iyo dhimista (tusaale ahaan, waraaqaha mushahar bixinta)
  • Dukumeentiga socdaalka (haddii ay khuseyso)
  • Macluumaadka ku saabsan caymiska caafimaad ee aad ka heli karto loo-shaqeeyaha (haddii ay jirto)

Waa kee habka dalabka OHP ee iigu habboon aniga? 

Habka codsiga Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) ee aad isticmaashid wuxuu ku xidhan yahay inta wakhti ee aad haysato, inta ay le'eg tahay asturnaanta aad ku heli karto goobtaada iyo marka aad u baahan tahay daboolida caymiska si aad u bilowdo. Guud ahaan, la shaqaynta caawiye waxay u muuqataa inay qaadato wakhtiga ugu yar ee codsiga ilaa diiwaangelinta waxayna ku siinaysaa caawimo qof-qof ah su'aalo kasta oo aad qabtid.

Fiiri shaxda hoose si aad u aragto waxa macno kuu leh:

 

Hel caawimo

Adiga samee

 

Wac OHA

La shaqee Caawiye

Ka codso onlayn

Ku codso warqad

Waqtiga loo baahan yahay

  • Sugitaanka Waqtiga dheer ee taleefanka waa suurtagal inta lagu jiro muddada wicitaanadu badan yihiin
  • Waqtiga lala leeyahay wakiil: qiyaastii. 30 daqiiqo
  • 20-40 daqiiqo fadhiga celcelis ahaan
 *Waqtiyadu way kala duwanaan karaan
  • 30 daqiiqo ilaa 1 saac celcelis ahaan si loo dhamaystiro codsiga
  • 30 daqiiqo ilaa 1 saac celcelis ahaan si loo dhamaystiro codsiga
  • Haddii boostada lagu soo diro ama la keeno xafiiska DHS, sug maalmo dheeraad ah oo lagu soo diro boostada iyo kala soocidda

Waxaad u baahan doontid (marka lagu daro dukumentiyada)

  • Meel deggan (si aad uwadaagto macluumaadka gaarka ah)
  • Turjubaan
    (haddii loo baahdo)
  • Dib u wac lambarka
  • Meel deggan (si aad uwadaagto macluumaadka gaarka ah)
  • Turjubaan
    (haddii loo baahdo)
  • Dib u wac lambarka
  • Isku xirka internetka
  • Laptop/desktop ayaa loo baahan yahay
  • Koontada iimaylka
  • Haddii boostada aad ku dirayso: baqshad shaabadaysan, ciwaanka soo celinta, ciwaanka xarunta habaynta Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP)
  • Haddii fakis aad ku dirayso: mishiinka fakiska, lambarka fakiska xarunta habaynta Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP): 503-378-5628

Goorma ayuu Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) daboolida caymiska bilaami doona?

  • Adiga waxaa laga yaabaa in lagu siiyo xaq-u-yeelasho degdeg ah
  • Isdiiwaan gelinta45 maalmood gudahooda (waxaa laga yaabaa inay ka dhakhso badan tahay iyadoo ku xidhan kakanaanta codsiga)
  • Is-diiwaangelinta 3 toddobaad (waxa laga yaabaa inay ka dhakhso badan tahay iyadoo ku xidhan kakanaanta codsiga)
  • Diiwaangelinta gudaha 45 maalmood
  • Isdiiwaan gelinta 45 maalmood gudahooda laga bilaabo maalinta uu codsiga yimi xarunta habaynta QorshahaCaafimaadka Oregon (OHP)

Waxa si fiican u shaqeeya

  • Heerka xaq u yeelashada degdega ah haddii loo qalmo
  • Xiriirka shakhsi ahaaneed ee wakiilka Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP)
  • Helitaanka macluumaadka ugu saxsan oo cusub ee kiiskaaga
  • Dakhliga way fududahay in lagu xaqiijiyo foom onlayn ah, gaar ahaan kuwa iskii u shaqeysta
  • U doodaha gaarka ah si uu ugala xiriiro wixii ah su'aalaha daba-galka ah iyo welwelka
  • Degdeg ah oo ku habboon
  • Dabacsanaanta qabashada ballanta
  • Khayraadka shabakada badbaadada dheeraadka ah iyo gudbinaha ayaa diyaar ah
  • Dakhliga way fududahay in lagu xaqiijiyo foom onlayn ah, gaar ahaan kuwa iskii u shaqeysta
  • Codsiga onlaynka ah ayaa lagu heli karaa luqado badan
  • Codsiga waa la keydin karaa waana la sii wadi karaa
  • Waxa la samayn karaa wakhti kasta
  • Codsiga waxaa lagu heli karaa luqado badan
  • Waxa la samayn karaa wakhti kasta

 





Guji ikhtiyaarka hoose si aad wax badan uga barato oo aad u aragto waxa macno kuu leh:

Waqtiga loo baahan yahay

  • Sugitaanka Waqtiga dheer ee taleefanka waa suurtagal inta lagu jiro muddada wicitaanadu badan yihiin
  • Waqtiga lala leeyahay wakiil: qiyaastii. 30 daqiiqo

Waxaad u baahan doontid (marka lagu daro dukumentiyada)

  • Meel deggan (si aad uwadaagto macluumaadka gaarka ah)
  • Turjubaan
    (haddii loo baahdo)
  • Dib u wac lambarka

Goorma ayuu Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) daboolida caymiska bilaami doona?

  • Adiga waxaa laga yaabaa in lagu siiyo xaq-u-yeelasho degdeg ah
  • Isdiiwaan gelinta45 maalmood gudahooda (waxaa laga yaabaa inay ka dhakhso badan tahay iyadoo ku xidhan kakanaanta codsiga)

Waxa si fiican u shaqeeya

  • Heerka xaq u yeelashada degdega ah haddii loo qalmo
  • Xiriir shaqsiyeed ee lala yeesho khabiir
  • Helitaanka macluumaadka ugu saxsan oo cusub ee kiiskaaga
  • Dakhliga way fududahay in lagu xaqiijiyo foom onlayn ah -gaar ahaan kuwa iskood u shaqeysta

Waqtiga loo baahan yahay

  • 20 daqiiqo fadhiga celcelis ahaan

Waxaad u baahan doontid (marka lagu daro dukumentiyada)

  • Meel deggan (si aad uwadaagto macluumaadka gaarka ah)
  • Turjubaan
    (haddii loo baahdo)
  • Dib u wac lambarka

Goorma ayuu Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) daboolida caymiska bilaami doona?

  • Is-diiwaangelinta 3 toddobaad (waxa laga yaabaa inay ka dhakhso badan tahay iyadoo ku xidhan kakanaanta codsiga)

Waxa si fiican u shaqeeya

  • U doodaha gaarka ah si uu ugala xiriiro wixii ah su'aalaha daba-galka ah iyo welwelka
  • Degdeg ah oo ku habboon
  • Dabacsanaanta qabashada ballanta
  • Khayraadka shabakada badbaadada dheeraadka ah iyo gudbinaha ayaa diyaar ah
  • Dakhliga way fududahay in lagu xaqiijiyo foom onlayn ah, gaar ahaan kuwa iskii u shaqeysta

Waqtiga loo baahan yahay

  • 30 daqiiqo ilaa 1 saac celcelis ahaan si loo dhamaystiro codsiga

Waxaad u baahan doontid (marka lagu daro dukumentiyada)

  • Isku xirka internetka
  • Laptop/desktop ayaa loo baahan yahay
  • Koontada iimaylka

Goorma ayuu Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) daboolida caymiska bilaami doona?

  • Diiwaangelinta gudaha 45 maalmood

Waxa si fiican u shaqeeya

  • Codsiga onlaynka ah ayaa lagu heli karaa luqado badan
  • Codsiga waa la keydin karaa waana la sii wadi karaa
  • Waxa la samayn karaa wakhti kasta

Waqtiga loo baahan yahay

  • 30 daqiiqo ilaa 1 saac celcelis ahaan si loo dhamaystiro codsiga
  • Haddii boostada lagu soo diro ama la keeno xafiiska DHS, sug maalmo dheeraad ah oo lagu soo diro boostada iyo kala soocidda

Waxaad u baahan doontid (marka lagu daro dukumentiyada)

  • Haddii boostada aad ku dirayso: baqshad shaabadaysan, ciwaanka soo celinta, ciwaanka xarunta habaynta Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP)
  • Haddii fakis lagu dirayo: mashiinka fakiska, lambarka fakiska xarunta habaynta Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP)

Goorma ayuu Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) daboolida caymiska bilaami doona?

  • Isdiiwaan gelinta 45 maalmood gudahooda laga bilaabo maalinta uu codsiga yimi xarunta habaynta QorshahaCaafimaadka Oregon (OHP)

Waxa si fiican u shaqeeya

  • Codsiga waxaa lagu heli karaa luqado badan
  • Waxa la samayn karaa wakhti kasta

Fiiri qoraaladeena "Miyaan u qalmaa?"

Ka hel macluumaadkan qoraal kooban oo hal bog ah. Guji luqad hoose si aad u soo dejiso:

 

 

Ma u baahan tahay Caawin?

Haddii aad xiisaynayso codsashada oo aad u baahan tahay xoogaa caawimaad ah codsiga wac khadka adeega macmiilka 503-416-4100 ama 800-224-4840 waxayna kugu xidhi doonaan caawiye codsiga Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) ah oo shahaadad leh.
aniga-ma u-qalmaa-calanka

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!