Shuruudaha Isticmaalka Websaydka CareOregon
Aqbalaadda Shuruudaha ka Dib Markaad isticmaasho
Haddaad adeegsato CareOregon.org ("websaydka" ama "barta"), waxaad oggolaatay inaad ku qabtaan dhammaan shuruudaha, sxaaladaha iyo ogeysiisyada ku jira bartan, oo ay ku jiraan Siyaasadda Asturnaanta. Shuruudaha Isticmaalka waxa aanu beddeli karnaa markasta annagoo kuwa la naqtiimay aanu soo dhigayno websaydkan, oo sii isticmaalkaaga boggan wuxu ka dhigan yahay inaad aqbashay shuruudaha la naqtiimay. Si taas la mid ah, waxa aanu kugu dhiirigelinaynaa inaad Shuruudaha Isticmaalka muddadiiba mar dib u fiiriso, oo haddii aadan ku raacsanayn shuruudaha ama bayaankasta oo la naqtiimay, islamarkiiba iskaga bax bogga.
Gelitaanka Baaswoodh lagu Ilaashay
Qaabab gaar ah oo aad u isticmaalayso boggan ayaa u baahan kara inaanu ku siino fure isticmaale iyo baaswoodh. Waxaad oggolaatay inaad ula dhaqanto baasweerka sida macluumaad gaar ah oo qarsoodi ah waxaanad mas'uul ka tahay dhammaan adeegsiga adeegyada CareOregon ee lagu helo baasweerkaaga. Baaswoodh iyo isticmaale gaar ah waa in la siiyaa qof kasta oo isticmaalaya websaydka; dhowr qof oo isku hay'ad ah ma wadaagi karaan magacyada isticmaalaha iyo baaswoodhada. Waxaad aqbashay inaad adeegyada baaswoodhka lagu ilaaliyay u isticmaasho keliya ujeedada(ujeedooyinka) lagugula heshiiyay markaad heshay baaswoodhka. Waxaad oggolaatay inaad difaacdo, magdhow bixiso, oo aadan u qabsan CareOregon wixii ah ama dhammaan sheegashooyinka, wax-u-sheegashada ama kharashyada ka dhasha isticmaalka aan la oggolayn ee websaydka lagu helo baasweerkaaga.
Hantida Maskaxeed
Waxaad qirtay in dhammaan hantida websaydkan lagu ilaaliyey xuquuqda daabacaadda, calaamadaha ganacsiga, calaamadaha adeegga, xuquuqda ikhtiraaca, sirta ganacsiga, aqoonta iyo/ama habab kale oo ay leeyihiin CareOregon, Inc. ("CareOregon") ama shati-bixiyayaasha. Waxaad hantida maskaxeed ee ku jirta boggan u isticmaali kartaa keliya qaabka sida cad loogu sheegay Shuruudahan Isticmaalka oo wax ujeedo kale ah lama ogola. Marka laga reebo halka si kale loo xusay, CareOregon waxay ku siineysaa liisan xaddidan ujeedada daawashada, soo dejinta iyo daabacaadda bogagga, foomamka ama dukumiintiyada kala duwan ee barta ee isticmaalkaaga shaqsiyeed, aan ganacsiga oo aan ahayn iib, liisan, kiro, qaybinta, daabacaadda labaad, fara badin, gudbin, soo bandhigida dadweynaha ama waxqabadka, diyaarinta shaqooyinka dheegashada ama ka faa'iideysiga kale ee waxyaabaha ku jira barta, gebi ahaanba ama qayb ahaan. Waxaad aqbashay in aadan ogeysiisyada ama xusitaanka cidda leh dukumiintiyada ama waxyaabaha kale ka saaray xog kasta oo boggan leeyahay. CareOregon waxay la laaban kartaa liisanka wakhti kasta.
Afeef Dammaanadeed
WAXAAD SI CAD U OGOLAATAY IN DHAMMAAN DUKUMIINTIYADA AMA WAXYAABAHA KALE, MACLUUMAADKA, BADEECOOYINKA IYO ADEEGYADA KU JIRA AMA LAGA HELAYO BOGGAN ("XOG") LAGU BIXIYAY "SIDA AY YIHIIN" IYO "SIDA LAGU SOO BANDHIGAY" MARKAAD ISTICMAALAYSO. XOGTA WAXA LA BIXIYAY IYADOO AANAY JIRIN WAX DAMMAANAD AH NOOCAY TAHAYBA, HA NOQDO MID SI WAADAXA LOO SHEEGAY AMA MID LA CARRABAABAY, OO AY KA MID YIHIIN, IN KASTOO AANAY KU XADDIDNAY, DAMAANADAHA MAGACA, DAMAANAD XADGUDUB LA'AAN AMA MID LA MALDAHAY OO MUUJINAYA INAY U QALANTO WAXA LOO SOO GATAY AMA LOO ISTICMAALAYO AMA DAMAANAD KALE, MARKA LAGA YIMAADO DAMAANADAHA AAN LA DHAAFI KARAYN, XADDIDAADAHA, AMA ISBEDDELADA KALE EE UU WAAAJIBIYO SHARCI U QALMA. CAREOREGON AMA LAAMAHEEGA AMA SHATI-BIXIYAYAASHEEDA, MA SAMEEYAAN WAX DAMAANAD AH IN WAXYAABAHA KU JIRA AY SAX YIHIIN, LA ISKU HALLEYN KARO AMA SAX YIHIIN; IN BARTAN LA HELI KARO WAKHTI KASTA AMA GOOB GAAR AH; IN CILLAD KASTA AMA KHALADAAD KASTA LA SAXI DOONO; IN WAXYAABAHA KU JIRA AY KA XOR YIHIIN FAYRASYADA AMA QAYBAHA KALE EE WAXYEELLADA LEH; AMA INAAD KU GAARI DOONTO NATIIJOOYIN GUUL LEH MARKAAD RAACDO WIXII TILMAAMO AMA TALOOYIN KU YAAL WEBSAYDKAN.
Xaddidista Qaamaha
XAALAD KASTA OO JIRTA CAREOREGON, LAAMAHAYAGA AMA SHATI-BIXIYAYAASHAYADA WAA INAYSAN MASUUL KA NOQON WAXYEELLO TOOS AH, DADBAN, CIQAABEED, DHACDEED, GAAR AH AMA CAWAAQIBEED OO KA DHALATA ISTICMAALKA, AMA AWOOD LA'AANTA IN LA ISTICMAALO, WEBSAYDKAN AMA MACLUUMAADKA LAGU BIXIYO WEBSAYDKAN. XADIDAADANI WAY DABAQMAYSAA HADDII QAANTU KU SALAYSAN TAHAY QANDARAAS, KALA DHINAANSHO, DAYACAAD, QAAN XAYIRAADEED AMA WAX KASTA OO KALE OO WAX LAGU SALEEYO, XITAA HADII NALAGU SOO WARGELIYAY IN WAXYEELADAASI DHICI DOONTO. HADDII SHURUUCDA QAAR AANAY OGOLAYN DIIDISTA AMA XADDIDISTA MASUULIYADA WAXYEELOOYINKA SHILKA AH AMA SABAB KA DHASHAY, QAANTA NAGA SOO RAACAYSA SHURUUCDAAS WAXAY KU KOOBNAAN DOONTAA ILLAA HEERKA SHARCIGU OGOL YAHAY. MARNABA MA DHICI KARTO IN WAX-U-SHEEGASHADA CAREOREGON AY KA BADNAAN DOONTO QADARKA LA BIXIYAY SI LOO HELO WEBSAYDKAYAGA.
Eed ka Dhaafis
Waxaad qiratay inaad ka difaacayso, oo ka kaafiyayso ama u qabsanayn CareOregon iyo xubnaheeda, shaqaalaheeda, saraakiisheeda, agaasimayaasheeda, wakiiladeda, qandaraaslayasha iyo shatibixiyayaasheeda qaan, sheegasho, iyo kharash kasta, oo ay ka mid yihiin khidmadaha qareemada, ee ka dhasha isticmaalkaaga websaydkan ama wixii ku jira, oo ay ku jiraan iyada oo aanay ku xaddidnayn, ku xadgudubkaaga Shuruudaha Isticmaalka. Waxaanu xaq u leenahay in, annaga kharashkeena la baxayna, aanu difaac noo gaar ah sameyno oo maaraysano xaalad ay ahayd inaad naga kaafido difaaceeda adigu, oo waad aqbashay inaad nagala shaqayso meelmarinta difaaca aan wadno.
Isticmaalka Caalamiga ah
Marka aad doorato inaad websaydkan ka soo gasho meel aan ahayn Maraykanka, waxaad aqbashay inaad qaadayso masuuliyadda buuxda ee u hogaansanka sharciyada maxalliga ah ee ku dabbaqmaya boggana ama xogtiisa. CareOregon ma dammaanad qaadayso in agabyada ku jira websaydkan ay ku habboon yihiin ama la heli karo in lagu isticmaalo meelo ka baxsan Mareykanka, iyo in laga helo dhulalka ay kontantku yihiin sharci darro ay mamnuuc tahay.
Sharci Xulasho
Heshiiskan, dhammaan ujeeddooyinka gudaha iyo kuwa caalamiga ah, waa in lagu maamulaa, fasiraa, cabbiraa oo fuliyaa si gaar ah iyadoo la raacayo shuruucda Gobolka Oregon, Mareykanka, iyada oo aan loo eegin khilaafaadka qodobada sharciga. Waxaad si cad u raacsan tahay in awooda gaarka ah ee sheegasho kasta ama ficil kasta oo ka dhasha ama la xiriira Shuruudahan Isticmaalka ama isticmaalkaaga websaydkan lagu xareyn doono oo keliya maxkamadaha gobolka ama federaalka ee ku yaal Gobolka Oregon, waxaadna sidoo kale oggolaatay oo aad adeecsan tahay adeegsiga awooda shakhsi ahaaneed ee maxkamadaha noocaas ah iyadoo ujeedadu tahay sharci ka dhigista sheegashada ama falka noocaas ah.
Isdhexgalka iyo Kala-reebista
Shuruudahan Isticmaalku waa heshiiska keliya ee isku dhan oo u dhexeeya adiga iyo CareOregon marka websaydka laga hadlayo waxayna burinayaa dhammaan xiriiradii iyo soo jeedinihii hore ee khuseeyay boggan. Haddii wax qodob ah oo ku jira Shuruudahan Isticmaalka la go'aamiyo inaanu ansax ahayn ama aan la dhaqan gelin karayn, dhammaan qodobada kale waa kuwo si buuxda u dhaqangalasan.
Isticmaalka aan la Ogolayn iyo Joojinta
Waxaad aqbashay inaad websaydkan u isticmaalayso keliya hawlaha la ogol yahay ee sharicga ah. Isticmaalka aan la oggolayn ee websaytkan waxaa ka mid ah isku xirka aan la oggolayn ama qaabeynta ee barta iyada oo aan la helin oggolaanshaha qoraalka ah ee CareOregon. Waxaad sidoo kale oggolaatay inaadan "toos ugu xirin" wax ka mid ah bogagga internetka ee gudaha ee barta ujeedo kasta, haddii aanay si gaar ah kuugu oggolaan CareOregon inaad sidaas sameyso. Isticmaal kasta oo aan lagu ogolayn oo loo adeegsado bogga waxa ka dhalan karan dacwad madani iyo/ama ciqaabeed. CareOregon waxay xaq u leedahay, go'aankeeda gaarka ah, inay joojiso marin u helkaaga dhammaan ama qayb ka mid ah barta, ogeysiis ama ogeysiis la'aan, iyo sabab kasta ha noqotee.
Nala Soo Xidhiidhista
Haddii aad qabtid wax su'aalo ah ama walaac ah oo ku saabsan bayaanka Shuruudaha Isticmaalka CareOregon , fadlan iimeyl noogu soo dir customerservice@careoregon.org. Fadlan fariimahaaga u waadixi oo kala qaadqaad sida ugu fiican ee aad awooddo, annana waxaan isku dayi doonaa inaan si dhaqso ah uga soo jawaabno walaacyadaada.