Qorshaynta kulaylka ba'an: waxa lagu ogaado
Maadaama uu heerkulku sare u kacayo Oregon, isla markaana uu kulku noqdo mid xad dhaaf ah, qof kasta waa inuu leeyahay qorshe ku saabsan waxa uu sameynayo si uu u sii qaboobaado.
"Kul xad-dhaafka ah" waa xilli ay jiraan kul badan iyo huur badan oo ka sarreeyo 90 digrii ugu yaraan laba ilaa saddex maalin oo xiriir ah. Kulka xad-dhaafka ah jirkaagu aad buu u shaqeeyaa si uu u joogteeyo heerkul caadi ah. Haddii jirkaagu uu horay u dhibtoonayay diiqad, ka shaqaynta dibadda, duri aad qabto ama xanuun daba-dheeraada dartii, waxay sababi kartaa xaalado caafimaad oo aad khatar u ah, oo ay ku jirto dhimasho.
Qorshe sameynta
Qaabka ugu habboon ee looga guuleysto kulku waa in qorshe la sameeyo oo loo diyaargaroobo xilliga uu imaanayo. Waxad doonaysaa inaad jirkaaga qaboojiso, gurigaagana qaboojiso, ama aad meel qabow hesho. Halkan waxaa ku qoran waxyaabo ay tahay in aad ku darto qorshahaaga si loo hubiyo in aad diyaar u tahay:
- Baro inaad aqoonsato calaamadaha jirrada kulka.
- Marawaxaduhu waxay ku dareensiin karaan nafis, laakiin ma yareeyaan heerkulka jirkaaga ama kama hortagaan jirrada la xiriirta kulka waana in aan lagu tiirsanayn sidii oo ay tahay qalabkaaga qaboojinta aasaasiga ah. Haddii aadan haysan hawo qaboojiye raac qaar ka mid ah tallaabooyinka hoose si aad u hesho meelo ku qaboojiyo.
- Aqoonso meelo bulshadaada ka mid ah oo aad aadi kartid si aad u hesho qabow, tusaale ahaan maktabadaha iyo dukaamada moolasha ah ama la xiriir waaxda caafimaadka ee deegaankaaga si aad xarun qaboojin ah uga hesho aaggaaga. (Ka eeg qaybta hoose ee xarumaha qaboojinta si aad uga hesho qaar degmadaada)
- Ku dabool daaqadaha daahyo.
- Daaqadaha iyo albaabada gufee ama lingax.
- Isticmaal ilays-celiyayaasha daaqadda ee sida gaarka ah loogu talagalay inay kulka dibadda u celiyaan.
- Ku dar dahaar si aad kulka dibadda ugu ilaaliso.
- Ku rakib qaboojiyeyaasha daaqada oo dahaar dhinacyadooda.
- Haddii aadan awoodin inaad bixiso kharashkaaga qaboojinta, maamulidda cimiladaada, ama dayactirka guriga ee la xidhiidha tamarta, la xiriir Barnaamijka Kaalmada Tamarta Guriga Saboolka (LIHEAP) si aad u hesho caawimo.
xarumaha qaboojinta
Haddii aadan hawo qaboojiye ku lahayn gurigaada ama aadan lahayn hab aad kaga baxdo kulka, raadso xarun qaboojin. 211 waxay haysaa liis ay ku qoran tahay tirada degmo kasta. Guji linkiga hoose oo raadi meesha ugu dhaw ee aad tagi karto.
Web: https://www.211info.org/coolingcenters#columbia
Ama, waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah/caawimaad 211 adigoo u marayo hababkan kale:
Wac: 211 ama 1-866-698-6155
Farriin ahaan ugu dir: ZIP code-kaaga 898211 (TXT211), Isniin-Jimco 9gh-5gd
Iimeyl ugu dir: help@211info.org, Isniin-Jimco 9gh-5gd
Taleefanka: 24 saacadood maalintii/7 maalmood toddobaadkii
Helitaanka macluumaad cimilada
Waxaa jira goobo badan oo aad ka heli karto macluumaad ku saabsan cimilada xilliga hirarka kulka aadka u darani ay socdaan. Waa kuwan liisaska maxalliga iyo kuwa qaranba, iyo sidoo kale habab iyo jawiyo kala duwan.
Cimilada Oregon
Macluumaadka cimilada ee deegaanka waxaad ka heli kartaa idaacadaha wararka deegaanka ee ku yaalla aagga. Raadi websaytkooda ama ka raadi Twitter ama Facebook. Waxay hayn doonaan dhammaan macluumaadka aad u baahan tahay.
Aagga magaalada Portland:
https://www.wunderground.com/forecast/us/or/portland
Twitter: @NWSPortland iyo @Multco waa ilo wanaagsan in lala socdo sidoo kale
Cimilada Qaranka
https://www.weather.gov/safety/heat Bartani waa meesha ugu badan ee idaacadaha maxalliga ah ay ka helaan macluumaadkooda. Macluumaad badan ayaa laga helaa waxaana loo isticmaali karaa in laga hubiyo xaaladaha cimilada meel kasta. Waxaad sidoo kale ka heli kartaa bogga Twitter-ka ee @NWS
Ku helitaanka baraarujinaha xaaladda gurmadka ah taleefankaaga casriga ah
Ogeysiisyada degdegga hadday dhacaan xaaladaha gurmadka ah ee cimilada ayaad heleysaa. Si aad ugu hesho baraarujinaha xaaladda gurmadka ah taleefankaaga casriga ah, raac tallaabooyinkaan:
Wixii iPhone ah
- Tag Bud-dhigyada (Settings) > Xiriirada (Connections) > Bud-dhgiyada Xiriiro Badan (More Connection Settings) > Baraarujinaha Xaaladda Gurmadka Bilaa-xarigga (Wireless Emergency Alerts).
- Ka dibna, guji saddexda dhibcood ee geeska midigta sare oo dooro Bud-dhigyada.
- Halkaas ayaad ka dooran kartaa noocyada Baraarujinaha Xaaladda Gurmadka ah ee aad dooneyso in aad ku hesho.
Wixii Android ah
- Taabo "Bud-dhigyada" ka dibna "Wargelinaha."
- U jiid dhanka "Baraarujinaha Xukuumadda" oo ku yaala qaybta hoose ee shaashada.
- Hubi in "Baraarujinaha Xaaladda Gurmadka ah" iyo "Baraarujinaha Badbaadada Dadwaynaha" ay shaqaynayaan. Goobada cagaaran waxay tilmaamaysaa in baraarujinuhu ay shaqaynayaan.