In this story
Maangooni "Neurodivergence": Aqoonsiga awoodaha iyo saameynta

- Trending
Maangooni "Neurodiversity" waxaa loola jeedaa noocyada kala duwan ee dabiiciga ah ee shaqada maskaxda iyo habdhaqanka oo ay sababto kala duwanaanshaha dareen-wade, dhaqdhaqaaq, bulsho, muudh, garasho ama neerfeed. Qof kasta waxaa loo tixgelin karaa in uu ku jiro baaxadda kala duwanaanta neerfaha, laakiin khubaradu waxa ay u kala qaybin karaan shakhsiyaadka sida kuwa habdhiskooda neerfuhu aanu caadi ahayn "neurodivergent" vs kuwa habdhiskooda neerfuhu caadiga yahay "neurotypical". Qofka maangooniga ah "neurodivergence" waa uu ka baxsan yahay baaxadda caadiga ah ee kala duwanaanta maskaxda iyo habdhaqanka.
Boqolkiiba labaatan kamid ah dadweynaha Maraykanku waa kuwo habdhiskooda neerfuhu aanu caadi ahayn "neurodivergent", taas oo ay ku jiraan dadka laga helay inay leeyihiin xanuunka niyad-soojeedinta-liidata/firfircoonida xad-dhaafka ah (ADHD), otisamka, adkaanta akhriska, xanuunka waswaaska qahriga ah (OCD), xanuunka Tourette iyo kuwo kale oo badan.
Qaar ka mid ah qodobada bay'adeed, sida dhaawac maskaxeed ama uur-ku-taallo, ayaa keeni kara maangooni "neurodivergence", laakiin inta badan calaamadaha bilowga ah ee maangooniga "neurodiversity" ayaa marka hore soo baxa xilliga carruurnimada, maadaama xanuunada neerfaha iyo waxbarashada ay noqon karaan xanuuno hiddo-side. Caqabadaha hore ee la xidhiidha akhriska, qorista, habdhaqanka iyo muudhka ayaa noqon kara tilmaamayaasha sifooyinka habdhiska neerfaha ee aan caadiga ahayn "neurodivergent". Ka qof weyn ahaan, caqabadahani weli waxay noqon karaan caqabado waaweyn.
Kala-duwanaanshahaasi aad ayuu u badan yahay, laakiin waa la iska indho tiri karaa ama la "soocaa" bulshadeena dhexdeeda. ADHD, for example, shows up in approximately 7 million U.S. children ages 3-17 and typically co-occurs with another behavior or conduct, learning or mental health condition. Dad badan oo dhawryo-toban-jir ah, dugsigu badanaa waa meel inta badan la aqbalo maangooniga "neurodiversity" in ay ka mid tahay 'aqoonsiga' faca dhexdooda, laakin dugsiyada iyo goobaha shaqada inta badan loogu ma talogalin inay qaabilaan baahiyaha gaarka ah. Sidaas darteed, shakhsiyaadka waxaa laga yaabaa inay caqabado kala kulmaan dhinaca isgaadhsiinta, bulsho-dhexgalka ama kicinta deegaanka, taas oo horseedi karta culays-nafsiyeed, uurku-taallo ama dhaawacyada ama walaacyada caafimaadka maskaxda.
Laakiin bulshada habdhiskooda neerfuhu aanu caadi ahayn "neurodivergent" waxay leeyihiin hibo, hal-abuurnimo iyo aragti ballaadhan oo kala duwan. Ma jiro hab "caadi ah" oo lagu fekaro, wax lagu barto ama loo dhaqmo-aqbalitaanka aqoonsiga ama ogaanshaha habdhiska neerfaha ee aan caadiga ahayn "neurodivergent" ayaa taageeri kara badqabka shakhsiyeed.
Sidee loogu doodaa bulshada maangooniga "neurodiverse"
"Kala duwanaanshaha" ayaa ku jira magaca- waana lagama maarmaan in la aqoonsado in qof walba uu caqabadaha u wajaho si ka duwan dadka kale. Is-ixtiraamka iyo fahanka kala duwanaanshaha ayaa ah udub dhexaad.
Halkan waxa ah dhawr siyaabood oo aad ugu doodi karto:
- Aqoonso in maangooniga "neurodivergence" uu yahay baaxad kala duwan. Tilmaamaha caadiga ah ee laga yaabo in ay ka soo muuqdaan shakhsiyaadka qaba maangooniga "neurodivergence" waxa ka mid ah maqiiqnaanta, dareen-wadeyaasha ama shucuurta xad-dhaafka ah, is-go'doominta, taabasho jidheed la'aanta iyo ku-foogganaanta xad-dhaafka ah. Qoyska, saaxiibada iyo la-hawlgalayaasha waxay ku taageeri karaan shakhsiyaadka qaba kala duwanaanta neerfaha "neurodivergence" iyaga oo ilaalinaya wacyiga, dhageysiga si ahmiyadsiin leh iyo wax ka beddelka isgaarsiinta meesha loo baahdo.
- Ku dhiirigali shakhsiyaadka si ay u raadsadaan taageero xirfadeed. Qaar badan ayaan la baarin laakiin waxa laga yaabaa inay weli yeeshaan fikirro ama habdhaqanno keeni kara saameyn weyn. Qiraalka maangooniga "neurodiversity" waxa ay muhiim u tahay kahortagga khilaafyada, dhismaha khayraad muhiim ah iyo kor u qaadida xidhiidho caafimaad qaba.
- Iska ilaali matalaadda warbaahinta ee maangooniga "neurodiversity". Baraha bulshada, tusaale ahaan, waxa ay inta badan abuurtaa is-faham-la'aan ama fududeynta baadhista xanuunada, taas oo waxyeelladeedu ay ka badan karto waxtarkeeda.
- Wax ka beddel habraacyada meelaha loo baahdo. Wax ka qabashooyinka loogu talagalay shakhsiyaadka qaba maangooniga "neurodivergence" ma aha hal shay oo jaango'an. Hogaamiyeyaasha dugsiyada iyo goobaha shaqada waxay dadka ka taageeri karaan qaabilaadaha, oo ay ku jiraan meelaha aamusnaanta leh, qalabka gacmaha lagu dhaqdhaqaajiyo, ogeysiiska isbeddelka jadwalka, tilmaamaha afka iyo qoraalka ah, fadhiga dabacsan iyo waxyaabo kale. Qaabilaaduhu waxay muhiim u yihiin in la bixiyo goob shaqo oo sinnaan leh oo ka madhan ceebayn oo ugu dambeyntiina faa'iido u ah qof walba.
- Iska ilaali ceebeynta dhaqan ama eexashada. Caadooyinka bulsho, ama filashooyinku, waxay saameyn ku yeelan karaan sida shakhsiyaadku u muujiyaan astaamahaas iyo sida dadka kale ay uga jawaabaan. Ceebaynadu weli waa kuwo aad ugu badan bulshadeena iyo dhaqankeena, kuwanina waxa ay carqaladeeyaan helitaanka iyo kheyraadka, iyaga oo nolosheeda maalinlaha ah ka dhigaya mid adag.
- Adeegso luuqada qofka koowaad. Isku day inaad dhahdo "qof qaba otisam" ama "iyadu waxay shaacisay OCD-geedii." Iska ilaali "naafo ah" ama "faquuqan" si aad u sharaxdo kooxo, haddii aan la doorbidin.
Taageeridda shakhsiyaadka qaba maangooniga "neurodivergence" iyo kobcinta iskaashiga hab qadarin iyo diirnax leh ayaa si weyn u xoojin kara xidhiidhada. Dadka maangooniga "neurodivergence" ah waxa ay uga fekeraan oo u dareemaan dunida siyaabo gaar ah, oo bixiya aragtiyo cusub oo horseedi kara fikrado iyo xalal cusub. Kaalintoodu waxay ballaadhisaa fahamkeena wadajirka ah waxayna bixisaa habraacyo cusub oo wax looga qabanayo caqabadaha iyo fursadaha labadaba. Marka aynu si firfircoon ugu martiqaadno oo aan u qiimeyno fikradaha iyo aragtiyaha shakhsiyaadka qaba maangooniga "neurodivergence", waxaynu hodmin karnaa bulshadeena. Intaas waxa sii dheer, ku qalabaynta shakhsiyaadka leh habdhiska neerfeed ee caadiga ah "neurotypical" qalabka iyo taageerada saxda ah waxay kor u qaadaysaa awooddooda ah inay si wax ku ool ah ula qaybqaataan oo ula shaqeeyaan asxaabta habdhiskooda neerfuhu aanu caadiga ahayn "neurodivergent", arrintaas oo u abuuraysa jawi loo dhan yahay oo firfircoon qof walba.
Ma raadinaysaa kheyraadka caafimaadka maskaxda? Visit our website at careoregon.org/mental-health.
CareOregon waxa ay ku faanaysaa in ay tahay goob shaqo oo loo dhan yahay. Haddii aad jeclaan lahayd inaad ku soo biirto kooxdeena, waxa aad ka heli kartaa fursadihii shaqo ee ugu dambeeyay barta careoregon.org/careers.