Wararka iyo Sheekooyinka

Search all news

All stories

Stories that highlight the people and programs making healthcare more accessible across Oregon.

Company highlights

The innovative programming and achievements that reflect our commitment to quality care.

CareOregon culture

A look inside the people and values that make CareOregon a compassionate workplace.

Community impact

Partnerships and programs that strengthen health and wellbeing across Oregon communities.

Health and wellness

Tips and insights to support physical and emotional wellbeing for our members.

CareOregon celebrates first year with CareOregon Boys & Girls Club at Rockwood

  • partnerships

Sanadkii la soo dhaafay, CareOregon waxaa lagu sharfay inay maalgelin muhiim ah oo 10-sano ah ku samayso Boys & Girls Club of Portland Metropolitan Area-taas oo keentay in Naadiga Rockwood ee ururka uu noqdo CareOregon Boys & Girls Club ee Rockwood. Tan iyo markaas, waxaan si wadajir ah uga wada shaqaynay sidii aan u caawin lahayn in la kobciyo mandaqad ka xoog badan marka la eego carruurta iyo qoysaska oo diiradda la saarayo in si ku-talogal leh loo hagaajinayo helitaanka adeegyada iyo taageerada Rockwood.

Iyadoo ku dhawaad kala bar dadka deggan Rockwood ay u qalmaan Qorshaha Caafimaadka Oregon-taasoo ka dhigaysa meesha tirada ugu badan ee xubnaha OHP deggan yihiin mandaqadda- iskaashigan ujeedadiisu waa in la hagaajiyo helitaanka daryeelka iyo caafimaadka bulsheed, iyadoo dhinaca kale la dhisayo bulshada.

"Waxaanu hadda ka hawlgalaynay lix sano gurigeena cusub ee Degmada East, joogitaankeenna bulshada dhexdeeduna wuxuu ahaa mid horumar keenay," ayuu yiri Agaasimaha Fulinta ee Boys & Girls Club, Terry Johnson. "La samaynta iskaashi istaraatiji ah CareOregon sanadkii la soo dhaafay ayaa xoojisay dadaaladeena hubinta in dhammaan dhalinyarada ay helaan khayraadka ay u baahan yihiin si ay u horumaraan waxbarasho ahaan iyo bulsho ahaanba."

Sanadkeenii ugu horreeyay, waxaanu si wadajir ah uga wada shaqeynay sidii aan u caawin lahayn abuurista iyo taageerada barnaamijyo iyo adeegyo si wax looga qabto baahida qoysaska Naadiga sida waxbarashada, iyo taageerada cuntada iyo nafaqada, oo ay ku jirto iskaashiga lala yeesho Mudbone Grown si loo kordhiyo helitaanka cuntooyinka caafimaadka leh.

Waxaanu ka shaqaynay sidii aan qoysas badan ugu xiri lahayn macluumaadka iyo taageerada iyada oo la marayo Qorshaha Caafimaadka Oregon si sifo wanaagsan looga caawiyo inay adeegsadaan nidaamka daryeelka caafimaadka.

Wadajir, waxaanu caawiyay abuuridda dareen midow bulsho oo xooggan anagoo doorkeena buuxinayna iskaashatada kambas ahaan. Waxaanu hurnay wakhtiga shaqaalaha, khayraad oo ku bixinay saacado iskaa wax u qabso ah nadiifinta kambaska iyo xaafadda ku xeeran, oo ay ku jiraan munaasabadda nadaafadda guga anagoo khaashanayna SOLVE.

"Markii aan bilaabnay iskaashigan aan la yeelanay Boys & Girls Club, waxaan ku talo jirnay in aan abuurno saamaynta laba jibbaaran - si dhab ah u xoojinta meelaha uu gaaro Boys & Girls Club iyo xoojinta bulshada Rockwood ee ku xeeran," ayuu yiri Eric C. Hunter, Madaxweynaha iyo Agaasimaha Fulinta CareOregon. "Waxaanu u aragnaa arrintan inay tahay iskaashi qoto dheer oo waara oo ay suurtagal tahay inuu keeno isbeddel qoto dheer oo waara."

Boys & Girls Club-ka CareOregon ee Rockwood waxay bixisaa barnaamijyo xoojin oo dugsiga kadib iyo xagaaga ah oo loogu talagalay ardayda ku sugan degmooyinka dugsiyada Reynolds iyo Centennial waxayna albaabbada u fureen si ay u noqdaan hoyga HOLLA Charter School, oo ah dugsi cahdi oo waxbarashadu bilaash tahay oo loogu talagalay in lagu taageero dhalinyarada madowga, bunniga ah iyo kuwa asalka ah. Waxay sidoo kale ku wadajiraan kambas ay ka mid yihiin iskaashatada aan macaash doonka ahayn ee isku ujeedada ah oo u ah qoysaska meel ay wax walba ka heli karaan waxyaabo ku xeeran adeegyada taageerada. Saaxiibada kale ee kambaska ka mid ah Network Latino, Open School East iyo New Avenues for Youth, oo dhammaan ka wada shaqaynaya dhisidda Rockwood xooggan.

Wixii dheeraad ah ee ku saabsan iskaashigan, ka sahami 2022 Warbixinta Sanadlaha ah ee CareOregon Boys & Girls Club ee Rockwood.

Web feedback

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!