Faa'iidooyinka cuntada ee SNAP ayaa dib loo dhigay
Dad badan ayaa ka walaacsan sida xiritaanka dowladda federaalka ay saameyn ugu yeelan karto faa'iidooyinkooda SNAP (cuntada). Haddii xiritaanka dowladda federaalka uu sii socdo illaa Nofeembar, dadka hela faa'iidooyinka cuntada ee SNAP ee Oregon waxaa laga yaabaa inaysan helin faa'iidooyinkooda cuntada ee Nofeembar waqtigii loogu talagalay. Ma jiri doonaan wax faa'iido ah oo cusub oo joogto ah oo SNAP ah oo la soo saari karo illaa iyo inta dawladda federaalku ay dib u furayso.
Waxa aanu fahansanahay in warkani uu keeni karo walaac. Faa'iidooyinka cuntadu waa muhiim dib u dhacyaduna waa kadeed. Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Oregon (ODHS) waxay ka shaqayneysaa sidii ay dadka u siin lahayd warbixin joogto ah waxayna soo dhigi doontaa macluumaadka kolba ugu dambeeya websaydkeeda (iyaga oo ah Ingiriisi iyo Isbaanish), baraheeda bulshada ee rasmiga ah, waxana ay sidoo kale soo dhex marin doontaa hay'adaha ay iskaashiga la leedahay iyo warbaahinta.
Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Oregon waxay ku dhiirrigelineysaa kaqaybgalayaasha SNAP inaad:
- Si joogto ah u hubiso hadhaaga kaarkaaga EBT ga.
- Joogtayso raacitaanka xeerarka SNAP iyo shuruudaha warbixinta.
- Ahaato xog-ogaal adiga oo follow gareynaya ama rukumanaya kanaalada isgaarsiinta ODHS.
- Iska diiwaangeliso akownka ONE Online oo ka soo dejisato abka Oregon ONE Mobile barta benefits.oregon.gov si aad u hesho ogeysiisyo ku saabsan faa'iidooyinkaaga SNAP. (Tani waa habka ugu dhakhsaha badan ee lagu heli karo ogeysiisyada ku saabsan faa'iidooyinka SNAP. ODHS ma diri doonto ogeysiisyada boostada maxaa yeelay xeerarku way kala duwan yihiin inta lagu jiro xiritaanka.)
Raadi khayraadka cuntada xaaladda degdegga ah ee bulshadaada:
- Booqo websaydka Khayraadka Cuntada ee Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Oregon si aad u hesho barnaamijyada maxalliga ah iyo taageero dhanka cuntada ah.
- Booqo websaydka Oregon Food Bank Food Finder.
- La xiriir 211info adoo garaacaya 2-1-1, farriin ugu diraya lambarkaaga ZIP ka 898-211, ama booqanaya www.211info.org.
- Dadka waayeelka ah iyo dadka naafada ah waxay la xiriiri karaan Iskuxirka Khayraadka Gabowga iyo Naafada ee Oregon (ADRC) si looga caawiyo helitaanka khayraadka dawladda iyo bulshada. Wac 1-855-673-2372 ama booqo www.adrcoforegon.org.
Haddii aad awoodo, waxaan kugu dhiirigelinaynaa inaad nagu soo biirto tabarucaadka aanu ugu deeqno hay'ad bixisa gargaar cunto si ay gacan uga geysato daboolida baahiyaha xubnaha bulshada ee ay saameeyeen hakinta faa'iidada SNAP. Hoos waxaa ku qoran liiska qaar ka mid ah hay'adaha aanu iskaashiga la leenahay ee ka hawlgala aagga Portland Metro: