Laga soo bilaabo diyaargarow ilaa bandhigid: CareSteppers waxay ku faafiyaan raynrayn tamar iyo rooxaaniyaddooda bulshada
Bannaanbaxyadu waa mid ka mid ah siyaabaha badan ee CareOregon ay isugu soo bandhigto bulshada dhexdeeda, annaga oo soo bandhigayna ka go'naanshaheenna ku aaddan kor u qaadista kuwa aan u adeegno iyo hirgelinta himiladeena. Tan iyo 2013 kii, waxaan ku raaxeysannay doonyaha mawduucyada ku xardhan iyo hadiyado aanu bixino kadibna waxa aanu bandhigeena kusoo kordhinay CareSteppers, oo ah kooxdeena qoob-ka-ciyaarka iyo gaardiga.
"Waxa aan ku biiray CareSteppers 2019 kii, waxana aan ka qaybqaadanayay Starlight kasta tan iyo xiligaas," ayaa ay tiri Alexa, oo ka tirsan kooxda CareSteppers ee CareOregon. "Marka aad dhex socoto waddooyinka Portland waxaa jira qoysas iyo caruur farabadan oo soo gacan-haadinaya- waa ay xamaasadaysan yihiin."
Sannad kasta, in ka badan 40 shaqaale oo CareOregon ah ayaa wakhtigooda si mutadawacnimo ah ugaga qaybqaata CareSteppers. Laga bilaabo Febraayo ilaa Maajo, kooxdu waxay u kulmaan si ay u sameeyaan tababaro isku dhafan, iyaga oo baranaya qorshe-ciyaareedka saddex heesood iyaga oo ay hagayso khabiiradda qorshe-ciyaareedka iyo qoob-ka-ciyaarka deegaanka ee Mariah.
"Waxaa jira dad reer Oregon ah, xitaa kuwo ka soo jeeda cidhifka kale ee gobolka, kuwaas oo u soo baxa si ay ugu raaxaystaan banaanbaxa," ayey tiri Meridith, oo ka tirsan kooxda CareSteppers ee CareOregon. "Haddii aan bulshada u keeni karno oo kaliya dhoollacadeyn, taas baa ah waxa aanu rajaynayno inaanu samayno."
Banaanbixii Starlight ee sanadkan sidaas uma qabsoomeen haddii aanay jirin bandhigga cajiibka ah ee kooxda CareSteppers. Tamartooda firfircoon iyo xamaasadooda dadka gaadhay ayaa cajab-gelisay dadkii markii ay la jaanqaadayeen heesaha caanka ah isla markaana ay soo bandhigayeen qoob-ka-ciyaarkoodii ay sida fiican ugu tababarteen oo ay ku dhex marayeen waddooyinka suuqa hoose ee Portland. Iyaga oo ka dhinac ciyaaraya nalal dhalaalaya, ayaa kooxda CareSteppers ay dareen midnimo iyo dabbaaldeg oo dhammaan dadkii goobjoogga ah taabatay horseedeen. Waxa ay ahayd galabnimo ay ka buuxdo qosol, muusig iyo ruux bulsho, taas oo ah mid lagu xusuusto farxadda ka timaadda isku imaanshaha si loo abuuro xusuuso lama illaabaan ah.