10 shay oo aad samayn karto 2020 si ay kaaga caawiyaan xakamaynta cadaadiska dhiiggaaga
Waxaa laga yaabaa in lagaa heley dhiigkar. Ama laga yaabee inaad isku dayeyso inaad hubiso in aadan qaadin. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira waxyaabo badan oo aad samayn karto si ay kaaga caawiyaan xakamaynta dhiigkarkaaga - iyo ku noolaanshaha nolol caafimaad leh.
Intaa waxaa dheer, haddii aad waxyaalahan sameyso, waxaa dhici karta inaad iska ilaaliso inaad qaadato daawo dhiigkar. Haddii aad horay u qaadaneysay daawo, daryeel bixiyahaaga aasaasiga ah (PCP) ayaa laga yaabaa inuu kuu sheego inaad u baahantahay wax ka yar intaas hore.
Balse horta aan ka hadalno sababta ay muhiim u tahay in la xakameeyo dhiigkarkaaga. Dhiigkarka wuxuu dhibaato u keeni karaa jirka oo dhan. Waxa uu kaa dhigayaa inaad noqoto mid ay aad u badan tahay inuu qaado dhibaatooyinka wadnaha. Waxay keeni kartaa inuu yeesho faalig ama xasuus-beel. Waxuu dhaawac u gaysan karaa indhahaaga. Waxayna keeni kartaa kelyaha oo talaxgaba. Kuwani waa uun in yar oo ka mid ah waxyaabaha waxyeellada leh iyo laga yaabee dilaaga ah ee dhiigkarku keeni karo. Waxa fiicani waxa weeye, dhiigkarka waa la maamuli karaa. Halkan waxaa ku qoran 10 waxyaabood oo aad billaabi kartid inaad hadda sameyso si ay gacan uga geysataan hoos u dhigista dhiigkarkaaga iyo meel hoose ku haynta:
- Jooji sigaarka
Hore ayaad u maqashay - cabista sigaarku adiga ayuu kuu xun yahay! Laakiin waa run, gaar ahaan haddii aad qabto dhiigkar. Haddii aad joojiso, waxaad ka caawin kartaa dhiigkarkaaga inuu caadi ahaado. Ka sii wanaagsane, dadka joojiya sigaar cabidda waxaa laga yaabaa inay noolaadaan muddo dheer marka loo eego dadka aan joojin. Nasiib wanaag, waxaa jira nooc kasta oo khayraad ah oo kaa caawinayo inaad joojiso.
- Jimicsi badan samee
Waxaynu wada ognahay in jimicsigu inoo fiican yahay. Laakiin haddii aad qabto dhiigkar, waa ka sii muhiimsan yahay. Waxa wacani waa, meel walba waad ka heli kartaa jimicsiga. Socodka, fuulidda baaskiil, qoob-ka-ciyaarka - dhammaantood waa qaabab xariifnimo (iyo madadaalo!) leh oo aad u caawin karto hagaajinta dhiigkarkaaga. Ma hubo sida loo bilaabo? Dhib malahan. Kala hadal PCP-kaaga dejinta barnaamij jimicsi oo adiga kugu habboon.
- Samee doorasho cunto oo caafimaad leh
Markasta inaad si fiican wax u cunto ma ahan wax sahlan, gaar ahaan markaad mashquul tahay. Laakiin hadii aad sameyn kartid waxyaabo sida inaad inta badan guriga wax ku cunto, ama aad qaadan kartid cunto fudud oo caafimaad leh marka aad dibadda joogto, waxaad isbeddel ku sameyn kartaa dhiigkarkaaga. CareOregon wuxuu halkan kuugu joogaa inuu kaa caawiyo inaad sameyso doorashooyin xariifnimo leh isagoo adeegsanaya barnaamijkeena 'Food Rx'. Hubi oo arag sida ay u fududahay in la cuno cunto caafimaad leh.
- Cun cusbo yar
Inaad cusbada cuntadaada yarayso waxay kugu samayn kartaa isbeddel dhab ah haddii aad qabto dhiigkar. Waxana laga yaabaa inaad la yaabto inta hab ee aad taasi ku samayn karto. Waxaad ka bilowdaa inaad cuntaada ku cuntid xawaashyo iyo dhir udgoon, meeshii cusbada aad isticmaali lahayd. Ka dibna isku day inaad cuntid cunno oo la soo farsameeyay oo sidii hore ka yar, maxaa yeelay in badan oo ka mid ah waxay leeyihiin cusbo lagu daray. Haddii ay jiraana wax aad uga baahantahay dukaanka cuntada oo ku yimaada "cusbo yar", isku day.
- Cab khamri yar
Inay marmar cabbaan waa caadi dadka intooda badan. Laakiin haddii aad cabto khamriga xaddi ka badan dhexdhexaadka, dhab ahaantii waxaad sare u qaadi kartaa dhiigkarkaaga. Haddii aad qaadanaysid daawada dhiigkarka, waxa laga yaabaa in aysan u shaqayn karin sidii la rabay haddii aad cabtid. Haddii ay dhibaato kaa haysato yaraynta khamriga ama inaad joojiso khamriga, ha ka baqin inaad caawimaad weydiisato. La hadal PCP-kaaga ama wax badan ka baro adeegyada isticmaalka daroogada ee bilaashka ah ee aad heli karto.
- Kala hadal PCP-gaaga daawooyinka iyo kabka
Daawooyinka qaar waxay sare u qaadi karaan dhiigkarkaaga. Taasi waxaa ka mid ah daawooyinka la qoro iyo daawooyinka aan qorista u baahnayn. Xaraaro-biiyayaasha (sida Ritalin), kabka dhirta ah, iyo daroogada sharci darrada ah, waxay sare u qaadi karaan dhiigkarkaaga, sidoo kale. Dhakhtarkaaga kala hadal wax kasta oo aad qaadanaysid. Haddii aad ka walwalsan tahay isticmaalkaaga daroogada, waxaa jira adeegyada isticmaalka daroogada oo waxtar leh oo ay heli karaan xubnaha CareOregon. Waxay badbaadin karaan naftaada.
- Isku day inaad hoos u dhigto heerka diiqaddaada
Qof kastaa wuu dareemaa diiqad hadda iyo hadhaw. Waxayna noqon kartaa mid ka mid ah waxyaabaha ugu adag ee aad xakamayn karto noloshaada. Ku bilow waqti dheeraad ah inaad u samayso waxyaabaha aad ku raaxaysato. Isku day inaad hurdo badan hesho. Jimicsiga ayaa sidoo kale ku caawinaya. Haddii diiqaddu ay aad u badato, hubi inaad PCP-kaaga kala hadasho Faa'iidooyinka iyo adeegyada caafimaadka maskaxda ee aad ka hesho CareOregon.
- La soco dhiigkarkaaga oo arag PCP-gaaga
Inaad guriga kula socoto dhiigkarkaaga waa hab muhiim ah oo lagu caawin karo maarayntiisa. Kala hadal PCP-kaaga sida aad u sameyn karto taas. Kala hadlidda PCP-gaaga, iyo booqashooyinka caadiga ah ee aad ugu tagto ayaa kaa caawin kara inaad hubiso inaad sameynayso wax walba oo aad awoodid si dhiigkarkaaga loo xakameeyo. Ma hubtid ka PCP-gaagu yahay? Fiiri Kaarkaaga Aqoonsiga Xubinta Health Share of Oregon.
- Lumi dhowr rodol oo dheeraad ah
Ma ogtahay in markii miisaankaagu kordhaba uu dhiigkarkaagu siyaado, sidoo kale? Luminta miisaanka waa mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan ee lagu yareyn karo dhiigkarka. Luminta xitaa dhawr rodol waxay yeelan doontaa isbeddel wayn. Ma rabtaa in aad caawimo hesho? Ku bilow PCP-kaaga. Waxa uu kaa caawin karaa inaad abuurto qorshe miisaan lumin oo ah mid caafimaad leh waxtarna leh. Waxaad sidoo kale ka heli kartaa talooyin waxtar leh halkaan.
- Caawin ka hel qoyska iyo asxaabta
Qaar ka mid ah taageerada ugu fiican ee aad heli karto marka aad la nooshahay dhiigkarka waa ta ka timaad qoyskaaga iyo saaxiibadaada. Dadka ku daryeelaya waxa ay rabaan inaad cimri dherer iyo caafimaad ku noolaato. (Runtii, daraasadaha qaarkood waxay muujinayaan in xitaa xiriir fudud oo lala yeesho dadka kale uu keeni karo cimri dherer.) Markaa, hubi inaad u sheegto sida uu kuu caawin karo. Haddii ay tahay inaad guriga uga wada baxdaan si aad jimicsi u sameysaan, inuu kaa caawiyo inaad si fiican wax u cuntid, ama ay kaa qosliyaan adigoo diiqadaysan, asxaabta iyo qoysku waxay noqon karaan mid ka mid ah agabyada aadka ugu fiican ee caafimaadka wanaagsan leh.
Macluumaad dheeraad ah oo waxtar leh
Ku hubinta dhiigkarkaaga guriga
Kaga adkaanshaha dhiigkarka cunto
Waa maxay faa'iidooyinka caafimaadka Health Share-kayga?