Dooro luuqad
Ra'yi-celinta websaytka
Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena
Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!
Maalinkasta, CareOregon wuxu ka caawiya in ka badan 500,000 oo reer Oregon ah helista daryeel caafimaad jidheed, ilkeed, iyo maskaxeed oo bilaash ah iyo daboolida caymiska dawooyinka la qoro iyada oo loo maraayo Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP). Gal qaybteena Xubnaha si aad u ogaato inaad u qalanto, u raadiso bixiyayaal, wax uga ogaato dheefaha CareOregon, iyo waxyaabo kale.
Shabakadeena daryeel bixiyayaasha daryeelka koowaad, dhakhaatiirta ilkaha, daryeel bixiyayaasha iyo khubarada caafimaad ee habdhaqanka ayaa waxa ay noo sahlaan inaanu ku caawino dad reer Oregon ah oo dheeraad ah inay helaan daryeel dhamaystiran, isku dubaridan, oo qiimo jaban. Gal qaybteena Bixiyayaasha si aad u hesho foomam, u gasho Bogga Bixiyayaasha, u eegto liiskeena dawooyinka, wax uga ogaato heshiisyada, iyo waxyoobo kale.
CareOregon waxa ay ku deeqday $20 milyan 10 kii sano ee lasoo dhaafay si ay gacan uga geysato kordhinta helitaanka cuntada, guriyeynta, waxbarashada iyo waxyaabo kale oo dheeraad ah. Helitaan iyo fursad intii hore ka badan oo la siiyo dad intii hore ka badan waxa ay inaga dhigtaa dhammaanteen kuwo intii hore ka awood badan. Waxa aad gashaa qaybteena Shuraakooyinka Bulsho si aad wax dheeraad ah uga ogaato isla markaana u codsato deeqaheena Barnaamijka Deeqda Bulsho.
Waxa aanu u adeegnaa xubno Qorshaha Caafimaadka Oregon ah oo ka badan inta ay u adeegaan qorshayaasha caymiska caafimaad ee kale - wax ka badan 500,000 oo dad ah. Waxa aanu kala shaqaynaa sharcidejinta hubinta in dadka reer Oregon ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh. Waxa aanu siinay wax ka badan $20 milyan 10 kii sano ee lasoo dhaafay ururo maxalli ah. Kaasi waa CareOregon Effect oo shaqaynaya. Qaybteena Waxa Nagu Saabsan, wax badan ka ogow oo ka hel warkii u dambeeyey ee CareOregon.