Tilmaamaha raadinta bixiyaha
Ogsoonoow: Si aad u hesho adeeg bixiyaha caafimaadka dhimirka ama daaweynta isticmaalka maandooriyaha, fadlan booqo boggeena Caafimaadka Dhimirka iyo Daaweynta Isticmaalka maandooriyaha.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada gaadiidka ee loo heli karo ballamaha caafimaadka jirka, ilkaha iyo dhimirka, fadlan booqo boggeena Gaadiidka.
Isticmaal foomka hoose si aad u hesho bixiye
Waxaad raadin kartaa magaalada, degmada, lambarka ZIP ama cinwaankaaga. Hawsha goob-heliddu waxay si sax ah u muujinaysaa halka uu adeeg bixiyaha ku bixiyo adeegyada.
Haddii aad wax su'aalo ah qabtid, ama aad rabto in laguu soo diro nuqul daabacan oo ah tusaha addeeg bixiyaha , fadlan ka wac Qolada Adeegga Macmiilka 503-416-4100, , lambarka lacag-la'aana 800-224-4840 ama TTY 711.
Ogow: PCP-kaaga ayaa qaban doona inta badan baahidaada daryeelka caafimaadka. Waxaa laga yaabaa in ay kuu tilmaamaan xeeldheere:
- Aragtida
- Daaweynta isticmaalka mukhaadaraadka
- Qorshaynta qoyska ama ballamaha dhalmada
Ma waxaad ka raadinaysaa farmasi ka qayb qaadanaya shabakadda CareOregon?
Isticmaal qalabkayaga raadinta bixiyaha ee hoose si aad u hesho farmasiyayaasha ka qaybqaadanaya waqtiga dhabta ah. Si aad u heshid farmasi ka tirsan shabakada adoo isticmaalaya aalada wax raadinta, isticmaal tilmaamahan:
- Sanduuqa Macluumaadka Adeeg Bixiyaha, ka dooro "pharmacy (farmasi)" nooca liiska Adeeg bixiyaha hoos u soconaya.
- Ka dooro Nooca Farmasiga, tusaale ahaan, "tafaariiqley" liiska.
- Sanduuqa goobta, dooro "mid kasta" ee liiska gobolka. Dooro badhanka "search (raadi)" Tani waxay ku siin doontaa liiska dhammaan farmasiyaasha ka qaybqaadanaya dalka oo dhan iyadoo lagu salaynayo nooca farmasiga ee aad dooratay.