DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Hayso daboolida caymiska ee Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP)

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Intii lagu jiray xaaladda degdega caafimaadka dadweynaha ee COVID-19, sharciyada ku saabsan Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) ayaa isbeddelay. Saddexdaas sano, xubnaha OHP badankoodu waxay sii haysan karaan caymiskooda xitaa haddii dakhligoodu kor u kaco ama ay u qalmaan Medicare.

Sida aad ogtahay, xaaladda degdega ee caafimaadka dadweynaha ee COVID-19 way dhammaatay. Taas macnaheedu waxa weeye Oregon waxa uu ku soo celinaysaa siyaasadii hore OHP. Gobolku wuxuu bilaabay hubinta haddii xubnaha Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP) ee hadda jira ay wali u qalmaan Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP) ama dheefaha kale ee gobolka. Habkan waxaa mararka qaarkood loo yaqaan "dib u go'aamin.

Inta u dhaxaysa hadda iyo horraanta 2024, gobolka ayaa dib u eegi doona kiiskaaga si uu u eego haddii aad u qalanto Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP). Waa kuwan saddex shay oo aad samayn karto si aad hawsha uga dhigto mid fudud:

  1. Cusbooneysii ciwaankaaga OHA adiga oo galaya akoonkaaga ONE ama wacaya 800-699-9075.
  2. Kasoo jawaab codsiyada ay boostada kuugu soo dirtay OHA. Hubi inaad sida ugu dhakhsaha badan u dhammaystirto tillaabooyinka lagu sheegay ogeysiiska. Waxaad heli doontaa 90 maalmood oo aad kaga jawaabto.
  3. La xidhiidh dad degaanka joogay inay kaa caawiyaan waraaqaha.

Haddii OHA ay go'aamiso inaadan u qalmin dheefaha, waxaad heli doontaa 60 maalmood ka hor inta uusan dhammaanin caymiskaaga Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP). Inta lagu jiro wakhtigaas, OHA waxay kaa caawin kartaa inaad ogaato fursadahaaga kale. 

Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo Maamulka Caafimaadka Oregon.

Waxaan cusbooneysiin doonaa boggan markaan helno faahfaahin dheeraad ah.