Wax dheeri ah ka baro: Isbeddelada muhiimka ah ee bixiyeyaasha caafimaadka habdhaqanka ee aan heshiiska lala galin.

Dooro luuqad

Baraarujin: Heerkulku sare ayuu u kacayaa. Khayraadkayaga Kulaylka Xad-dhaafka ah ayaa ku caawin kara.

Barnaamijka nafaqada Foodsmart

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Barnaamijka nafaqada Foodsmart

Samaynta xulasho cunto caafimaad leh waxay noqon kartaa mid dahsoon. Taasi waa sababta aan ula shaqayno Foodsmart si aan u siino xubnaheena barnaamij bilaash ah oo kaa caawinaya in aad wax u cunto si caafimaad leh.

Waa maxay Foodsmart?

Health Share/CareOregon waxay la shaqaynaysaa Foodsmart si ay uga caawiso xubnaha u qalma dheefaha Baahiyaha Bulshada ee La Xiriira Caafimaadka (HRSN) inay helaan cunto fiican oo kharash jaban iyo in ay bartaan sida caafimaad qab loogu noolaado.

Barnaamijku wuxuu ku siinayaa wicitaano ama booqashooyin fiidyow ahaan ah oo bilaash ah oo aad kula kulanto hage nafaqo oo ka tirsan Foodsmart.

Isbeddelo muhiim ah oo ku imaanaya Foodsmart

Laga bilaabo Oktoobar 1, 2025, xubnaha qaar ka mid ah oo keliya ayaa awoodi doona inay sii isticmaalaan Foodsmart. Waxa waajib ah in loo ansixiyo dheefaha nafaqada ee Baahiyaha Bulshada ee La Xiriira Caafimaadka (HRSN).

Isbeddelkan wuxuu naga caawinayaa inaanu taageero siino dadka aadka ugu baahida badan.

Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato

  • Haddii aad hadda isticmaashid Foodsmart, waad sii isticmaali kartaa ilaa Sibtambar 30, 2025.
  • Ma ugu baahan tahay caawimo dheeraad ah cunista cunto caafimaad leh? La hadal daryeelka bixiyahaaga aasaasiga ah (PCP) ama ka fiiri Tusaha Bixiyaha CareOregon.
    • Si aad u hesho khabiir cunto, raadi: 
      • Nooca Bixiyaha: Bixiye Takhasusa
      • Takhasus:Dhakhtar Cunto oo Diiwaangashan

Kadib Oktoobar 1, 2025, keliya xubnaha leh dheefaha nafaqada HRSN ayaa isticmaali kara Foodsmart.

Wax badan ka baro oo arag inaad adigu u qalanto dheeftaas.

Ma u baahan tahay caawin?

Suʼaalaha ku saabsan dheefahaaga: Wac Adeegga Macmiilka CareOregon (503) 416-4100

Wixii su'aalo ah ee ku saabsan ballamahaaga Foodsmart: Ka wac Foodsmart (971) 315-9771