DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Wararka iyo Sheekooyinka

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Kiisaskii jadeeco ee ugu badnaa muddo soddon sano ayaa laga soo sheegay Oregon: Waxay tahay inaad ogaato

Seb 11, 2024, 20:53 GD

Kiisaska jadeecada ayaa sii kordhayey Maraykanka oo dhan-Oregon-na, hadda cudurku dadkii ugu badnaa ayuu ku dhacay ilaa 1991, siday sheegayso xog laga helay Maamulka Caafimaadka Oregon (OHA).

Jadeecada waxa markii koowaad laga soo sheegay Oregon bartamihii Juun wixii intaa ka dambeeyeyna kiisasku waa sii kordhayeen. Laga bilaabo Sibtambar 6, OHA waxay ka soo sheegtay 31 kiis oo jadeeco gobolka, dhammaantoodna waxay yihiin qaar aan la tallaalin, waxaana isbitaal la dhigay laba qof. Kiisaska intooda badan waa carruur iyo kuray. Marka degmooyinka la eego, 21 kiis ayaa laga soo sheegay Marion, iyo sagaal kiis oo laga soo sheegay Clackamas iyo hal kiis oo laga soo sheegay Multnomah.

Jadeecadu waa cudur aad loo kala qaado, sida kaliya ee la ogyahay in looga hortagona waa qaadashada tallaalka MMR (jadeecada, qaamoqashiirka, hablobaasta). Dadka intooda badan waxay tallaalka ku helaan da'da 1 iyo 4 .

Saraakiisha caafimaadka dadwaynuhu waxay ku tilmaameen tirada sii yaraanaysa ee carruurta helaysa tallaalka MMR inay tahay sababta cudurka hadda dillaacay.

Waa Maxay Jadeecadu?

Fayraska jadeecadu wuxuu ka gudbi karaa qofka qaba wuxuuna ugu gudbin karaa qof kale qufaca ama hindhisada. Fayrasku wuxuu hawada ku jiri karaa ilaa laba saacadood.

Jadeecadu waxay sababi kartaa astaamaha soo socda:

  • Xummad sare (waxa laga yaabaa inay gaarto in ka badan 104°F)
  • Qufac
  • Duuf
  • Indho guduudan oo ilmaynaya
  • Finan soo baxa saddex ilaa shan maalmood kadib markay astaamuhu bilaabmaan

Jadeecadu Waxay Noqon Kartaa Khatar

Siday sheegayaan Xarumaha Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurada (CDC):

  • Qiyaastii 1 5-kii qof ee jadeecada qaada isbitaal ayaa la dhigaa.
  • 1 1,000-kii qof ee jadeecadu ku dhacdaa wuxuu yeeshaa barar maskaxda ah oo uu keeno caabuqu, oo la dhaho encephalitis, taasi oo horseedi karta dhaawac maskaxda ah.
  • 1 ilaa 3 [#2]},000-kii qof ee jadeecadu ku dhacdaa waa dhiman doonaa, xataa haddii la siiyo daryeelka ugu fiican.

Maxay Tahay Inaan Sameeyo?

Warka wanaagsani waa in tallaalka jadeecadu yahay ammaan iyo wax-ku-ool.

Hubi in adiga iyo carruurtaadu aad qaadateen tallaalada loo baahan yahay, oo uu tallaalka MMR ku jiro. CareOregon waxay dabooshaa kharashka inta badan tallaalada carruurta iyo dadka waaweyn. Si aad u ogaato tallaalada la qaadanayo iyadoo la eegayo da'da, tixraac jadwalada tallaalka lagu taliyey ee carruurta iyo dadka waawayn.

Halkan waxa ah PDF ay ku qoran yihiin macluumaad faa'ido leh oo dheeraad ah oo ku saabsan jadeecada.

Haddaad qaaddo jadeecada, ku dadaal inaad la xiriirto maamulka caafimaadka dadwaynaha deegaankaaga si ay u raadraacaan hadday jirto cid kale oo u baylahday.

Macluumaad dheeraad ah, booqo:

Xarumaha Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurada

Maamulka Caafimaadka Oregon