Digtooni: Baraf ayaa ka jira dibadda. Fiiri boggayaga Khayraadka Cimilada Jiilkaalka.

Dooro luuqad

Ma raadinaysaa macluumaadka Medicare? Booqo websaytkeena CareOregon Advantage.

Wararka iyo Sheekooyinka

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

CareOregon iyo Virginia Garcia waxay ugu dabaaldegayaan caafimaadka bulshada iyo dhaqanka Starlight Parade ka 2025

Abriil 18, 2025, 16:09 GD

CareOregon waxa ay ku faantaa in ay markale noqoto kafaale-qaadaha Starlight Parade!  Caadada la jecel yahay ee Portland tan iyo 1976, ee Starlight Parade waxa ay bixisaa meel la isugu yimaado oo loogu dabaaldego saameynta wanaagsan ee bulshooyinka isku xiran. 

Sanadkan, CareOregon waxay iftiimin doontaa waddooyinka suuqa-hoose ee Portland Sabtida, Maajo 31, iyada oo wadata doonteena midabada leh, "Dabbaaldegga Dhaqammada, Dhisidda Sinnaanta Caafimaadka." Doonta ayaa soo bandhigi doonta xayawaanka alebrijes Ilama oo gacanta lagu dhisay, ka weyn xajmigiisa caadiga ah, oo midabo furan leh oo dhalaalaya si loogu dabaaldego dhaxalka iyo dhaqanka Laatiin Ameerika.  

Alebrijes waa farshaxan-gacmeed cajiib ah oo male-awaal ah oo lagu dabaaldegayo Mexico oo dhan iyo dibaddaba. Asal ahaan waxa male-awaaley farshaxanyahanka caanka ah ee kasoo jeeda dadka dhulka loogu yimid ee reer Mexico ee Pedro Linares (1906-1992), maanta, farshaxanka alebrijes ayaa sii wada in ay ku sii tadawurto dabbaaldegyada iyo munaasabadaha dhaqan ee sida Dia de los Muertos. llama waa xayawaan caan ka ah dhaqamada Laatin Ameerika sidoo kalena ah xubin aasaasi ah oo ka tirsan aagga Portland, taas oo ka dhigaysa alebrijes llama astaanta ugu fiican ee loogu talagalay bandhigga sanadkan. Doonteena nololeed waxay ka tarjumeysaa midabada bulshadeena kala duwan, taas oo aan ku faanaynay in aan taageerno in ka badan 30 sano

Dabaaldegga dhaqanka oo ay weheliso Virginia Garcia Memorial Health Center & Foundation 

Sanadkan, waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqno in Virginia Garcia Memorial Health Center & Foundation (Virginia Garcia) ay noqon doonto lammaanaheena bulshada ee Starlight Parade.  

"Waxa aanu ku faraxsanahay in aan iskaashi la yeelano hay'addaas heerka sare ah Starlight Parade ka sanadkan," ayuu yiri Eric C. Hunter, oo ah Madaxa iyo Agaasimaha Guud ee CareOregon. "Shaqada Virginia Garcia waxa ay na xasuusinaysaa in daryeelka caafimaadku uu noqdo mid qof walba uu heli karo - iyada oo aan loo eegin dakhliga, arrimaha bulshada, qowmiyadda, luqadda ama xaaladda soo-galootinimada. Ma jiro shuraako ka wanaagsan oo naga caawin lahaa inaan Portland isugu keeno Starlight Parade." 

Virginia Garcia ayaa hadda u dabaaldegeysa 50 sano oo ay bixineyso daryeel caafimaad oo tayo sare leh dhaqan ahaanna haboon iyada oo xoogga la saarayo shaqaale-beereedka soogalootiga ah ee xilliyeed. Marka laga yimaaddo bixinta adeegyada daryeelka caafimaadka ee isku dhafan, sida daryeelka aasaasiga ah, caafimaadka ilkaha, farmashiyaha iyo adeegyada caafimaadka habdhaqanka, Virginia Garcia sidoo kale waxay tusaale ahaan u tahay daryeel wax ku ool ah oo ku salaysan bulshada. Hayʼaddu waxay maamushaa laba xarumo caafimaad oo guurguura kuwaas oo si toos ah daryeelka ugu keena bulshooyinka ku nool degmooyinka Washington iyo Yamhill-- iyaga oo ugu adeegaya dadka halka ay ku nool yihiin, shaqeeyaan isuguna yimaadaan. Xarumahan guurguura waxa ay gacan ka geystaan in ay meesha ka saaraan caqabadaha hor taagan helitaanka daryeel iyaga oo kula kulma dadka meesha ay joogaan isla markaana siiya agab caafimaad, cunto iyo waxyaabaha daruuriga ah dadka u baahan. 

Iskaashigeena bandhiggu waxa uu ku dul dhisan yahay in ka badan 20 sano oo xiriir ah. Virginia Garcia waxay daryeel siisaa xubno badan oo ka tirsan CareOregon iyo kuwo kale oo ku jira Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP), iyo sidoo kale kuwo aan caymis lahayn. Muddo ka dib, iskaashigaasi waxa uu isku beddelay dhawr barnaamij iyo hindise oo socda sida Sanduuqa Maalgelinta Daryeelka Aasaasiga ah (PCIF) iyo Hannaanka Xisaabtanka Wadaagga ah (SAM)

"Waxa aanu nahay xarun caafimaad oo bulsho - laakiin waanu ka ballaadhanahay kaliya bixinta daryeel caafimaad," ayey tiri Stefanny Caballero, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Virginia Garcia Memorial Foundation. "Waxa aanu martigalinaa munaasabadaha bulshada, fasallo badqab sida Zumba iyo yoga da dhammaan awoodaha, bandhigitaano cunto-karin oo lagu qabto jikooyinkeena tijaabooyinka goobta, iyo kuwo kale. Waxa aanu sidoo kale bukaanada ka taageernaa helitaanka khayraadka sida barnaamijka Copay ga iyo Kharash-kaalmaynta Farmashiyaha, bixinta daawada, iyo Sanduuqa Adeegsiga-badan ee Taageerada Bukaanka "Patient Support Flex Fund". Waxa aan aaminsannahay in caafimaadku ka ballaadhan yahay darbiyada qolka baaritaanka." 

Doonta Virginia Garcia waxaa ka muuqan doona balanbaalis alebrijes ah, taas oo u taagan shaqaalaha beeraha ee soo-galootiga ah iyo ballanbaalisaha Monarch kuwaas oo wadaaga habab xilliyeed isku mid ah. Marka laga yimaaddo ka qaybgalka bandhigga Starlight, hay'adda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay bandhig gaar ah oo ka qabsoomay Oregon Historical Society si loo muujiyo 50-kii sano ee adeeggooda, laga bilaabo Maajo 2 - Agoosto 3. 

Munaasabad loogu talagalay dadka oo dhan 

2022-kii, CareOregon waxa ay si sharaf leh u noqotay kafaale-qaadaha horyaalka ah ee Starlight Parade, taas oo noo sahlaysa inaan la xiriirno bulshadeena oo aan u dabaal-degno hay'adaha kala duwan ee ka dhigaya Portland mid gaar ah. Starlight Parade waxa uu sanad kasta soo jiitaa in ka badan 300,000 oo daawadayaal ah, taas oo ka dhigaysa mid kamid ah munaasabadaha loogu sugitaanka badan yahay magaalada. 

"Munaasabadaha sida 'Starlight Parade' waa fursad cajiib ah oo aanu kula xidhiidhi karno xubnaheena, una dabaaldegi karno dhaqanada kala duwan ee ka dhex jira bulshadeena dhexdeeda isla markaana aynu ku muujin karno dedaalka aynu ugu jirno sinnaanta caafimaadka," ayuu yiri Jeremiah Rigsby, oo ah Madaxa Shaqaalaha CareOregon. "Waxa aanu ku faraxsanahay in aan taageerno bandhiggan kala duwan ee hal abuurka leh ee isu keenaya dadka reer Oregon ee ka kala yimid dhammaan qaybaha kala duwan ee nolosha si ay isugu la wada dabaal degaan midba midka kale iyo Portland." 

Nagu soo biir Parade Starlight 

Starlight Parade ku waxa uu sii wadaa caadada xafladda muddo dheer laga soo bilaabo 1900-nadii, markii doonyaha iftiima ee laga dul dhisay gaadiid waddo-tareenka korontada ku shaqeeya ay dhex mareen magaalada iyaga oo dul maraya waddooyinka tareenada yaryar. Maanta, ka qaybgalayaashu waxay iftiimiyaan habeenkii ku dhowaad 100 irrid laga soo galo oo iftiin ah, oo ay ku jiraan doonyaha widhwidhaya, kooxo tababareyaal ah iyo guutooyin muusigeed, taas oo u abuuraysa waayo-aragnimo cajiib ah da'aha oo dhan. 

CareOregon CareSteppers, kooxdeena qoob-ka-ciyaarka bandhigga guriga-dhexdiisa, waxay ku ciyaari doonaan heeso caan ah waxana ay soo bandhigi doonaan qoob-ka-ciyaarkii ay sida wanaagsan ugu tababarteen. Iyaga oo ay la socdaan careSteppers-keenna, waxaa nagu soo biiri doona xafladaha koox-muusigeedka socodka ee Dugsiga Sare ee Hillsboro. 

Ha seegin madadaallada dhacaysa Sabtida, Maajo 31! Si wada jir ah, waxa aan ka dhigi karnaa daryeelka caafimaadka mid u shaqeeya para todos (qof walba)!