Bisha Wacyigelinta Kansarka Mindhicirka Wayn iyo Malawadka: Sababta baaritaannada caadiga ah muhiim u yihiin
March is Colorectal Cancer Awareness Month, a time designed to raise awareness about the disease and encourage screening. Kansarka mindhicirka wayn iyo malawadku waa kansar ka bilaabma mid ahaan mindhicirka wayn ama malawadka. Sababtoo ah badanaa ma laha wax calaamado ah, dadka badankiis ma oga in ay qabaan haddii aan baaritaan lagu samayn.
"Kansarka Mindhicirka Wayn iyo Malawadku waa mid aad loo daaweyn karo hadii la helo marxaladaha hore, oo codadka (polyps) ama burooyinka ayaa la goyn karaa," ayay tiri Safina Koreishi, MD, MPH, Agaasimaha Sare ee Caafimaadka, Adeegyada Caafimaad, Careoregon. Markii xilli hore la qabto, heerka sii noolaanshaha 5-ta sano ee kansarka mindhicirka wayn ayaa ah 90 boqolkiiba.
Xaqiiqooyinka kansarka mindhicirka wayn iyo malawadka
Waa kuwan xaqiiqooyinka asaasiga ah ee la doonayo in laga ogaado noocan ah kansarka ah:
- Kansarka mindhicirka wayn iyo malawadku waa kansarka saddexaad ee ugu badan ee ku dhaca ragga iyo dumarkaba.
- Kansarka mindhicirka wayn iyo malawadku waa kansarka ugu badan ee ay u dhintaan ragga iyo dumarka marka la isku daro.
- Celceliska da'da cudurka la ogaadaa waa 68 sano jir.
- Inta badan kansarka mindhicirka wayn iyo malawadku ma keeno calaamado.
- Haddii dadka ay yeeshaan calaamado, waxa ugu caansan waa in saxarada dhiig la socdo.
Muhiimada uu leeyahay baaritaanka kansarka mindhicirka wayn iyo malawadka
Haddii aad ku jirto khatar yar, taas oo macneheedu yahay in aadan taariikh qoys ku laheyn cudurka, waxaa la isticmaali karaa baarista saxarada in lagu ogaado calaamadaha kansarka mindhicirka wayn iyo malawadka ee xilliga hore. Waxaa jira saddex nooc: Baaritaanka dhiigga saxarada waxa laga baadhaa xaddi yar oo dhiig ah inuu saxarada ku jiro (FOBT) , baaritaanka dhiigga saxarada ee qarsoon waxaa laga raadiyaa dhiigga saxarada ee qarsoon (FIT), iyo baaritaanka DNA-ga beddelmay ee saxarada. Kuwani waxay noqon karaan cadaymo hore oo ku saabsan cadadka (polyps) ama kansarka. Baaritaannada saxarada waxaa la sameeyaa 1-3 sano kasta, taas oo ku xiran baaritaanka gaarka ah. Kuwani waa fududahay in la isticmaalo waxayna leeyihiin khatar aad u hooseeya/khatar ma leh. Haddii ay sheegayaan jiritaan, kollay waxaad u baahan doontaa inaad marto colonoscopy.
Baaritaanka kansarka mindhicirka wayn waxaa badanaa lagu sameeyaa iyada oo la marayo colonoscopy, oo ah nidaam caafimaad oo lagu baaro dhammaan xiidmaha waaweyn-mindhicirka wayn-iyadoo la isticmaalayo tuubo dhuuban oo leh kamarad, lagu magacaabo colonoscope. Tani waa baaritaan fiican oo lagu baaro cadadka, kuwaas oo sidoo kale la goyn karo isla mar ahaantaana. Baaritaankani wuxuu u baahan yahay diyaargarow waqti ka hor, waxaana laga yaabaa inuu khatar kooban leeyahay. Tani waa baaritaanka ugu fiican haddii aad khatar sare ku jirto, ama laga yaabo inaad u doorataan in ay tahay habka ugu fiican adiga iyo dhakhtarkaaga.
Hababka kale ee lagu baaro waxaa ka mid ah sigmoidoscopy oo la mid ah colonoscopy: Dhakhtarku wuxuu isticmaalaa tuubo dhuubanoo kamarad leh oo lagu magacaabo sigmoidoscope, si uu u baaro mindhicirka wayn. Si kastaba ha ahaatee, sigmoidoscopy wuxuu baaraa kaliya malawadka iyo dhammaadka (sigmoid) mindhicirka wayn, 6-8 inji ee ugu danbeysa ee mindhicirka wayn, ee maaha mindhicirka wayn oo dhan.
Inta lagu guda jiro colonoscopy ama sigmoidoscopy, dhakhtar ku takhasusay mindhicirada ayaa raadin doona jiritaanka cadad, oo ah rucub yar oo unugyo ah oo ku samaysmi kara gidaarka mindhicirka wayn. Inkastoo cadadkaasi aysan waxyeello lahayn, muddo ka dib, qaar ka mid ah waxay noqon karaan kansarka mindhicirka wayn.
Goorma ayaan iska baarayaa kansarka mindhicirka wayn?
Maadaama halista kansarka mindhicirka wayn uu sii kordhayo, uuna dhacayo da'o xilli hore ah, "taladu waa in la iska baaro kansarka mindhicirka wayn iyo malawadka laga bilaabo 45 jir. Tani waa isbaddal ku yimid talooyinkii hore, kaas oo ka bilaabayay baaritaanka da'da 50," ayuu yiri Dr. Koreishi. Haddii aad leedahay taariikh qoys oo ah kansarka mindhicirka wayn, cadadka ama cudurka inflammatory bowel disease, dhakhtarkaagu waxay u badan tahay inuu kugula talin doono in baaritaanka xilli hore la bilaabo.
Laga bilaabo da'aha 45-75, talooyinka guud ee baaritaanka waa:
- Baaritaanka saxarada (FIT, FIT-DNA) ayaa la sameeyaa 1-3 sanad oo kasta iyadoo ku xiran baaritaanka
- Colonoscopy 10 sano oo kasta ama
- Sigmoidoscopy 5 sano oo kasta, iyada oo la baarayo saxarada 3 sano kasta.
Jadwalka baaritaankaaga ama la socodkaaga/ka warhayntaada shakhsi ahaaneed ayaa isbeddeli kara haddii dhakhtarkaaga helo cadadka inta lagu jiro baaritaan. "Haddii wax la helo oo la daaweeyo, markaa muddadii baadhitaanka waa uu isbeddelayaa, waana in aad raacdaa talooyinka dhakhtarkaaga," ayuu yiri Koreishi. Sidoo kale baaritaankaada shakhsiyeed waxaa saameeya taariikhda qoyskaaga.
Da'da 75 jirka ka dib, dhakhtarkaagu waxa laga yaabaa inuu soo jeediyo in aanu mar dambe kaa baarin kansarka mindhicirka wayn, taas oo ku xidhan caafimaadkaaga.
Sida loo baaro kansarka mindhicirka wayn
Haddii aad u baahan tahay baadhis ama baadhitaan, la xidhiidh bixiyaha daryeelkaaga aasaasiga ah (PCP). Ama wac Adeegga Macaamiisha Ee CareOregon 503-416-4100, 800-224-4840 lacag la'aan ah ama TTY 711, 8 g.h. ilaa 5 g.d. Isniinta ilaa Jimcaha. Waxaad sidoo kale noogu soo diri kartaa fariin ammaan ah boggeena xubinta ee careoregon.org/portal
Baaritaanka kansarka mindhicirka wayn wuxuu ku siin karaa degganaansho maskaxeed oo ah inaad caafimaad qabtid, ama haddii aad leedahay cadad, in aad qabanayso xilli hore markay ugu sahlan tahay in la daaweeyo. Baadhitaanka kansarka mindhicirka wayn ayaa badbaadin kara noloshaada!
Xigasho:
https://www.cancer.org/cancer/types/colon-rectal-cancer/about/key-statistics.html
https://www.uspreventiveservicestaskforce.org/uspstf/recommendation/colorectal-cancer-screening