Dabaaldeg Maalinta Maqalka Adduunka: Siyaabaha fudud ee loo ilaaliyo maqalkaaga iyo caafimaadkaaga
Maarso 3 waa Maalinta Maqalka Aduunka, oo ah munaasabad sanadle ah oo ururka Caafimaadka Aduunka ay u qoondaysay in sare loo qaado wacyigelinta maqalka la'aanta isla markaana kor loogu qaado daryeelka maqalka. Halkudhegga 2025 waa "Beddelidda fikirka laga haysto: Naftaada awood u sii inaad daryeelka dhegta iyo maqalka uga dhigto inuu yahay wax jira!"
Dadka intooda badani kama fekeraan maqalkooda ilaa ay bilaabaan inay lumiyaan. Maqal beelista waxaa sabab u noqon kara sababo kala duwan oo ay ka mid yihiin in uu gaaro buuq sarreeya, cudurro, hiddo-side iyo gabow. Dalka Maraykanka, qiyaas ahaan 1dii qof 8 qof oo 12 sano ama ka weyn ah ayaa maqalka la'aan qaba.
Inkastoo maqalka la'aanta ay saameyn karto dadka da'aha oo dhan, waxay ku badan tahay dadka sii waaweyn. Qiyaastii 1dii qof ee waawayn 3 ka mid ah kuwaasoo da'doodu u dhaxayso 65 ilaa 74-jir ayaa waxay qabaan maqalka la'aanta, tiraduna waa sii badataa dadka ka waaweyn 75 sano.
Sababta caafimaadka maqalku muhiim u yahay
Inkastoo dad badan aysan uba haysan in maqal la'aantu wax wayn tahay, haddana run ahaantii waxay saameyn qoto dheer ku leedahay nolosha qofka. Maqal la'aanta waxay adkayn kartaa fahamka hadalka, gaar ahaan marka lagu jiro xaalado buuq badan. Taasi macnaheedu waa in dadka maqal la'aantu hayso ay xaaladaha bulshada gooni-socod ka ahaadaan, ay dhibaato ku qabi karaan ka qaybgalka shaqada, oo ay u dareemaan go'doon iyo qulub.
Dadka maqal la'aanta la nool waxay la kulmi karaan ceebayn, fikrado khaldan oo ay dadka kale ka qabaan, sida dadka oo aan u jawaabin, saaxiibtinimo la'aan, ama iyagoo u arka dadka maqalka la' inay yihiin kuwo aan caqli badan lahayn taasoo sii kordhisa dhibaatooyinka qofka maqalka la' gaara.
Sidoo kale dadka maqal la'aantu hayso waxay halis weyn ugu jiraan in ay dhacaan, iyo in ay yeeshaan xusuus-beelid. Mar kasta oo maqal la'aantu sii waynaato, halista ayaa sii kororta. Hase yeeshee, xataa kuwa maqal la'aanta fudud hayso waxay u leeyihiin khatar laba jibaar ah xusuus-beelka marka la barbardhigo kuwa maqalkoodu caadiga yahay.
Siyaabaha aad u ilaalinayso maqalkaaga
Waa muhiim inaad ilaaliso maqalka aad leedahay iyo inaad caawimaad raadsato haddii aad u malayso in aad qabto in maqal la'aan.
- Dhegahaaga ilaali marka aad ku sugan tahay meelo cod dheer ka jiro. Sida aad u xiratid muraayadaha si aad indhahaaga uga ilaaliso qorraxda, waxaa muhiim ah inaad dhegahaaga ka ilaaliso buuqa xad-dhaafka ah. Sii qaado dhego-juf haddaad riwaayad ama meel kale oo cod dheer ka jiro aadeysid oo ka dheerow sameecadaha. Haddii aad in muddo ah joogaysid halkaas, dhegahaaga nasi adigoo aadayo meelo deggan oo aan buuq lahayn. Haddii aad isku aragto dhegahaaga inay samaynayaan shanqar, waxay tani tilmaan u tahay in waxyeelo soo gaartay maqalkaaga uu durba dhacay. Calaamadahan si dhab ah u qaado oo dhegahaaga si dhab ah u sii waqti ay ku soo kabtaan.
- Fiiro gaar ah sii marka aad isticmaasho sameecadaha dhegaha. Dhageysiga muusikada ama xataa hadalka sameecadaha dhegaha ee sarreeya waxay waxyeeleyn kartaa maqalkaaga daqiiqado gudahood. Dooro inaad ku dhagaysato cod hoose. Dhaqaatiirta maqalka waxay ku talinayaan in heerarka maqalka lagu hayo ama ka hooseeyo boqolkiiba 60 ee heerka ugu badan. Inta u dhaxaysa 65-85 decibels waxaa loo tixgeliyaa inay yihiin heer ammaan ah; tani waxay u dhigantaa heerka hadalka caadiga ah ee dadka marka la eego dhanka hoose iyo gaadiidka magaalada mashquulka badan marka la eego dhanka sare.
- La soco heerarka codka: Haddii aad joogtid dhacdo aad xakamayn kartid heerka codka, sida xaflad ama ciyaaryahan muusik oo shakhsi ahaaneed, heerka codka ku ilaali heer ammaan ah. Sida sameecadaha dhagaha ee shakhsi ahaaneed, sida wanaagsani waa inaad ku ilaaliso 60 boqolkiiba heerka codka ugu badan. Waxaa jira apps badan oo jabaqda lagu cabbiro oo lagu shuban karo taleefanada casriga ah, oo ay ku jiraan NIOSH Sound Meter App.
- Haddii fahamkaaga hadalka uu ka adag yahay sidii uu ahaan jiray, dhakhtarkaaga la hadal. Maqal la'aantu marmarka qaar si kadis ah ayuu u dhacaa, laakiin inta badan si tartiib tartiib ah ayuu u dhacaa. Haddii ay kugu adagtahay inaad fahamto waxa ay dadka kale yidhaahdaan, siiba marka aad xaalado buuq badan ku jirto, la hadal dhakhtarkaaga. Waxa uu meesha ka saari karaa waxyaabaha ay ka midka yihiin dhukayga dhagaha ama caabuqa sinus-ka wuxuuna kuu gudbin karaa dhakhtarka maqalka si uu kuugu sameeyo baaritaanka maqalka. Haddii aad maqal la'aan qabto, qalabka maqalku wuxuu kaa caawinayaa inaad si wanaagsan u fahamto hadalka.
Maqalkaagu wuxuu muhiim u yahay caafimaadkaaga guud ee maskaxda, caadifadeed iyo caafimaadka jidhka. Daryeel maanta iyo maalin kasta!