Caafimaadkaaga dartii: Waxa la sameeyo jiilaalkan
Jiilaalkii waa inna hayaa! Maalmaha waa kuwo gaaban oo dhaxan leh-laakiin taasi micnaheedu maahan inaynaan diiradda saari karin siyaabo aan uga faa'iideysan karno caafimaadkeenna sida ugu badan xilligan.
Halkan waxaa ku qoran dhowr talooyin si ay kaaga caawiyaan in aad ku sii taagnaato waddada saxda ah:
- Hubi faa'iidooyinka caymiskaaga. Imminka waa wakhti fiican ood ku xaqiijin karto in aad fahamto waxa caymiskaagu bixiyo. Qorshahaaga waxaa laga yaabaa inuu cusboonaysiin karo waxyaabaha laga jaro mushaharka iyo kharash-wadaagta, iyo sidoo kale waxyaabo cusub oo lagu daray oo laga yaabo inay bixiyaan waxa aad u baahan tahay oo kaliya. Haddii aad tahay xubin CareOregon ah oo aad qabto su'aalo ku saabsan dheefahaaga, noogu soo dir fariin ammaan ah Boortalkeena Xubinta ama naga soo wac 503-416-4100, wicitaanka bilaashka ah 800-224-4840 ama TTY 711.
- Samee baaritaanadaada caafimaad ee sanadlaha ah. Ballan samayso sida ugu dhakhsaha badan ee aad awoodid inaad aragto dhakhtarka daryeelka aasaasiga ah (PCP) ama dhakhtarka qoyska ee adiga iyo qoyskaaga. Xusuuso inaad ballan ka qabsatid dhakhtarka ilkaha, dhakhtarka indhaha iyo takhasusyada kale ee aad u baahan tahay si aad u caafimaad qabtid. Waxaa laga yaabaa inay jiraan waqtiyo sugitaan, sidaas awgeed waxaa fiican in ballanta hore loo sii qabsado.
- Qaado tallaalada sanadlaha ah. Dhamaanteen waxaan wajahaynaa u baylah kordhay ee hargabka jiilaalka. Waana muhiim in la helo tallaalka ugu dambeeyay ee COVID-19, sidoo kale. Haddii aad qabto xaalado caafimaad oo gaar ah, hargab, COVID-19 iyo fayrasyo kale waxay keeni karaan dhibaatooyin halis ah.
Cimilo badan oo qabow iyo duufaan leh iyo fursado yar oo aynu guriga kaga soo bixi karno dartood, xilliga qaboobaha wuxuu in badan oo inaga mid ah u noqon karaa waqti go'doon, gaar ahaan kuwa la tacaalaya caqabado dheeraad ah oo xagga caafimaadka ama badqabka ah.
- Hareeraha iska mari bulshada. La hadalka iyo la macaamilka dadka kale ee bulshadaada-haddii ay tahay guriga, shaqada, jimicsiga, kiniisadda-waxay kaa caawin karta in aad dareento in aadan go'doon ku jirin. Haddii aad ku hawlan tahay ka soo kabashada daroogada ama khamrada-ama jiro qof ehelkaaga ah oo ku jiro xaaladdaas-bulshada ayaa kaa caawin karta bogsashada.
- U diyaargarow caqabadaha jiilaalka. Ku dadaal inaad diirsato, biyo cabto oo aad u dhig yeelato xilliga bilaha qabow. Xiro dhar culus, cab biyo badan oo iska ilaali meelaha lagu silbado ee waddada iyo meelaha la lugeeyo ama meel kasta oo aad joogtidba. Ogow ikhtiyaarada khayraadka ee deegaankaaga. Diyaarso xirmadda xaaladaha gurmadka ah; waa wax faa'ido badan wakhtiga loo baahan yahay.
- Jimicso. Roobka iyo barafka waa inaysan kaa horjoogsan inaad jimicsato. Samee socod ama tijaabi wax cusub sida yoga-da kursi ama qolkaaga fadhiga ood ku cayaartid qoob-ka-ciyaar. Xataa iskala bixin maalinle ah oo sahlan ayaa kaa caawin kara inaad kahortagto dhaawacyada oo aad dareento sida ugu fiican. Noqo mid jimicsada laakiin ha isku badin- joogtee inta aad karto ama uu kugula talinayo dhakhtarkaaga ama xirfadle kale oo caafimaad.
Ku raaxayso xilliga! Oo haddii jiilaalka uusan ahayn waqtiga aad jeceshahay ee sanadka, iska sug-gu'ga ayaa adigoon dareemin inna soo gali doona.