DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax dheeraad ah ogow: Hel tallaaladaada xoojinta ee hargabka iyo COVID ka hadda

Wararka iyo Sheekooyinka

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Xilliga Shukriga: Sida inaad shurkido uu u caawiyo caafimaadkaaga

Noofambar 5, 2024, 22:03 GD

Ciiduhu waa shukrin, inaynu ku shukrino waxaynu haysano iyo inaynu caawino kuwa dhibaataysan.

Laakiin dhaqanka shukrinto kaliya ma caawiyo dadka kale-wuxuu sidoo kale aad faa'ido ugu leeyahay qofka shukriyeya.

Xaqiiqdii, inaad shukrido waxay noqon kartaa waxyaalaha ugu fiican ee aad u qaban karto caafimaadkaaga muddada fog, ma aha kaliya xilliyada ciidaha laakiin sanadka oo dhan. Daraasad ayaa lagu ogaaday in dhaqan ka dhigashada shukrinta 15 daqiiqo maalintii, shan maalmood toddobaadkii, ugu yaraan muddo lix toddobaad ah ay horumarin karto caafimaadkaaga maskaxda, taasi oo dhinaca kale wanaajin karta caafimaadkaaga jireed.

Faa'idooyinka caafimaad ee shukrinta

Inaad si joogto ah shukrin u samayso waxa ku xiran faa'idooyin caafimaad oo badan, sida:

  • Yaraynta qulubka: Daraasado ayaa lagu ogaaday xiriir ka dhexeeya shurkinta badan iyo qulubka hooseeya. Cilmibaarayaashu waxay u malaynayaan in shurkigu uu yareeyo qulubka, taasi oo ka caawisa dadka inay helaan dareen badan oo togan.
  • Yaraynta warwarka: Inaad shurkido waxay kugu ilaalisaa inaad shiishka saarto wakhtiga jooga halkii aad ku mashquuli lahayd wixii tagay ama ka walaaci lahayd mustaqbalka. Hal daraasad, ka-qaybqaatayaasha dareemay shurkin waxay yeesheen heerar hoose oo cortisol ah, hoormoonka diiqadda. Sidoo kale adkaysi badan ayey u lahaayeen dhibaatooyinka shucuureed iyo mahadhooyinka taban.
  • Taageeridda caafimaadka wadnaha: Dib u eegis cilmibaaris waxa lagu ogaaday in ka-qaybqaatayaasha samaystay xusuus-qor shurkin ay yeesheen hoos u dhac wayn oo cadaadiska dhiigga diastolic-ga ah, taasi oo ka caawisay inay isdejiyaan oo xukumaan neefsigooda.
  • Horumarinta hurdada: Inaad shukrido waxay xiriir la leedahay inaad u seexato si fiican muddo dheerna huruddo, iyo waliba inay wakhti yar kugu qaadato inaad lulooto.

Habab sahlan oo loo sameeyo shurkinta

Haddii inaad shukrin samayso ay u egtahay sidii ay culays tahay oo ay tahay inaad liiska waxyaalaha ciidaha aad samaynayso aad ku darsato, waxaad ogaataa inaysan wakhti badan kaa qaadayn inaad faa'idooyinkaas hesho.

Waa kuwan habab fudud oo aad isku-dayi karto:

  1. Samayso xusuus-qor shukrin. Qor saddex shay oo aad ku shukriyeyso subaxa hore ama intaadan seexan habeenkii.
  2. U qor qoraal mahadsanid ah cid. U qor oo u dir qoraal khaas ah cid aad ku shukrido ood abaal u hayso. Taas beddelkeeda, si fool ka fool ah ayaad ugu sheegi kartaa.
  3. Dhaqan ka dhigo khalaawada shurkinta. Samee khalaawo shan daqiiqo ah oo ku aaddan cid ama shay aad ku shukrinayso. Sidoo kale waxaad isku-dayi kartaa khalaawo shurkin oo nidaamsan adigoo adeegsanaya abka khalaawada.