DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax dheeraad ah ogow: Hel tallaaladaada xoojinta ee hargabka iyo COVID ka hadda

Wararka iyo Sheekooyinka

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Bisha Wacyigalinta Kansarka Naasaha: Waxa ay tahay in la ogaado

Oktoobar 16, 2024, 20:46 GD

Oktoobar waa Bisha Wacyigalinta Kansarka Naasaha, CareOregon-na waxay ku han wayn tahay inay wacyigalin ka samayso cudurkan.

Guud ahaan, haweenaydu waxay haysataa fursad ah 1 ka 8 inuu ku dhaco kansarka naasuhu inta ay nooshahay-ragguna waa qaadi karaan cudurkan, sidoo kale. Hase yeeshee, marka la ogaado xilli hore, inuu qofku ka badbaado kansarka naasuhu waa boqolkiiba 99. Marka lagu daro marxaladaha kale ee kansarka naasaha, inuu qofku sii naado muddo 5 sano ah waa boqolkiiba 91.

Waa maxay kansarka naasuhu?

Kansarka naasuhu waa kansarka ugu badan haweenka Ameerikaanka, marka laga reebo kansarka maqaarka. Waa cudur unugyada kansarka ah ay ku samaysmaan nudaha naaska. Sanad kasta, qiyaastii 42,250 haween ah ayaa u dhinta kansarka naasaha. Laakiin qaar badan ayaa ka badbaada, gaar ahaan marka xilli hore la ogaado.

Maxaa kordhiya halista aan ugu jiro kansarka naasaha?

Waxyaalaha qaar ayaa kordhiya halista aad ugu jirto kansarka naasaha, sida:

  • Qoyskiina oo taariikh u leh kansarka naasaha (hidde)
  • Inaad cayilan tahay (aad u buuran tahay)
  • Inaad cabto khamro aad u badan
  • Isticmaalka tubaakada (cabbista sigaarka)
  • Inaad da' tahay
  • Inaad jimicsan waydo
  • Inaad leedahay nudaha naasaha oo cufan

Hase yeeshee, kansarka naasuhu wali waa ku dhici karaa haweenka aan arrimahan wax ka mid ah lahayn. Inaad arrimahan leedahayna kama dhigna inaad kansarka naasaha qaadayso.

Waxyaalaha ugu mudan ee aad samayn karto si aad uga hortagto kansarka naasaha waa inaad ku noolaato nolol caafimaad leh oo aad marto baaritaanka kansarka naasaha ee caadiga ah. 

Kansarka naasaha iyo haweenka Madow

In kastoo haweenka Madow ay 4% ka hooseeyaan haweenka caddaanka inay qaadaan kansarka naasaha, haddana waxay ka sarreeyaan 40% inay u dhintaan. Arrintan waxa qayb ka ah haweenka Madow oo aad ugu dhaw in kansarka naasaha laga helo marxlad dambe oo ay adag tahay in laga daaweeyo. Laakiin sidoo kale waxa ugu wacan inay dhici karto inaysan awoodin inay hesho daawayn kansar oo tayadiisu sarrayso, iyo inay waajihi karto caqabado kale, sida takoor nidaamsan gudaha nidaamka daryeelka caafimaadka.

CareOregon waxay xoog saartaa ahmiyadda baaritaanka kansarka naasaha ee dhammaan xubnaha bulshada, oo ay ku jiraan haweenka Madow.

Calaamadaha iyo astaamaha kansarka naasaha

Sidoo kale waxa fiican ogaanshaha calaamdaha kansarka naasaha haddiiba ay dhacdo inaad dareento mammogram-yada wakhtiga u dhexeeya, ama kahor inta aadan bilaabin inaad marto:

  • Buro cusub oo bilaa xanuun ah oo naaska kaa soo baxda
  • Qanjaha oo xanuuna ama barara (kilkisha hoostooda)
  • Xanuun ama barar naasaha ah
  • Xanuun ka jira meel uun naaska ah
  • Isbeddel ku dhaca xajmiga ama qaabka naaskaaga
  • Ibta oo dheecaan yeelata (oon ahayn caanaha naaska haddii aad nuujiso ilme), oo uu dhiig ku jiro
  • Maqaarka oo guduuta ama toxob ka kacdo aagga ibta ama naaska
  • Giigsanaan ka jira ibta ama xanuun ka jira aagga ibta

Burooyinka naasaha dhammaantood kansar ma keenaan, laakiin qaar ayaa keena. Haddaad leedahay wax ka mid ah astaamahan, ama u malaynayso inaad yeelan karto, ballan ka qabso dhakhtarkaaga isla markiiba.

Haweenka qaar waxay leeyihiin waxa loo yaqaan nudda naasaha ee cufan. Waxay ka dhigan tahay in nudaha baruurta ah ay ku yar yihiin naasahaaga. Waxba kuma jabna, laakiin nudaha cufan waxay kordhin karaan halista aad ugu jirto kansarka naasaha. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi kara haddaad leedahay nudaha naasaha ee cufan oo xisaabta ku darsan doona inuu kuu qabto ballan lagaaga baarayo kansarka naasaha.

Adigu inaad naasahaaga baaritaan ku samayso

In qofku naasihiisa isagu baaro waxay u saamaxaysaa inuu dareemo wixii caadi ah naasihiisa, si markaa aad u ogaan karo wixii isbeddelo ah. Hadday wax isbeddelaan, waxaad la hadli kartaa dhakhtarkaaga.

Dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan in qofku naasihiisa isagu baaro bil kasta si uu uga hubiyo burooyin. Waxa fiican inaad tan samayso kadib marka wakhtiga caadada aad ka baxdo, maadaama naasahaagu barari karaan muddadaas. Dooro wakhti isku mid ah bil kasta inaad sidaas yeesho.

Halkan waxa ah fiidyow ku saabsan sida qofku isagu naasihiisa u baari karo.

Sidee kansarka naasaha loo ogaadaa loona daaweeyaa?

Kansarka naasaha waxa lagu ogaadaa tijaabooyin xiriir ah, oo ay sida badan ku jiraan:

  • Mammogram
  • Ultrasound-ka naasaha
  • Biopsy
  • MRI-ga naasaha

Tijaabooyinkan ayaa sidoo kale ka caawiya dhakhaatiirta inay ogaadaan marxaladda kansarkaagu marayo (I, II, III, ama IV). Marxladda kansarka naasaha ayaa go'aamiya daawaynta ugu fiican.

Ikhiyaarada daawaynta ee kansarka naasaha waxa ku jiri kara:

  • Lumpectomy
  • Mastectomy
  • Daawaynta shucaaca
  • Immunotherapy (biologic therapy)
  • Chemotherapy
  • Daawaynta hoormooneed (Hormonal therapy)

Maxaan sameeyaa Bisha Wacyigalinta Kansarka Naasaha?

Haddaad tahay haweenay, bilaw inaad naasahaaga adigu baarto bil kasta. Qabso ballantaada xigta ee mammogram-ka ama la hadal dhakhtarkaaga haddii wali aan lagugu samayn.

Haddaad tahay xubin CareOregon ah oo aad su'aalo ka qabto dheefahaaga, nooga soo dir farriin ammaan Boortalka Xubinta ama naga soo wac 503-416-4100, wicitaanka bilaashka ah 800-224-4840 ama TTY 711.

Waxa jira in ka badan 4 milyan oo qof oo kansarka naasaha ka badbaaday Maraykanka, markaa ugu yaraan qof ayaad garanaysaa uu ku dhacay. U dabbaaldeg dadka ka badbaaday kansarka naasaha ee ehelkaaga ah!

Hadday jirto cid ehelkaaga ah oo laga daawaynayo kansarka naasaha, u kaalay oo u muuji inaad qalbiga ku hayso.

Diyaar ma u tahay inaad tijaabiso aqoontaada kansarka naasaha? Gal Kediska Wacyigalinta Kansarka Naasaha CareOregon!

Khayraad dheeraad ah: