DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Wararka iyo Sheekooyinka

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

CareOregon waxeey ku maalgelisaa $295,000 aagga metro ee aan faa'iido doonka ahayn si loo taageero caafimaadka maskaxda iyo baahiyaha kale ee caafimaadka bulshada

Noofembar 10, 2023, 01:30 Galinka Hore
Boodhka Dhaladka Jasiiradaha Baasifiga ee Aanan Soo Jiidin Lidka Jinsigooda & Doorbidayaasha Jinsiyadey Ku Dhasheen

CareOregon waxeey ku abaal-marisay $295,000 si deeq ahaan bulshada loogu talagalay 13 ururada aan faa'iido doonka ahayn ee guud ahaan ka jira gobolka ismaamulka Portland kuwaas oo buuxiya faraaqyada muhiimka ah ee caafimaadka bulshada, oo ay ku jiraan caafimaadka maskaxda, guriyeynta, marin u helka cuntada, cimilada iyo ka taageerida khadamaadka iyo wax kaloo badan.    

"Caafimaadka wanaagsan waa wax ku saabsan wax aad uga badan waxa ka dhacaya afarta darbi ee xafiiska dhakhtarka," ayuu yiri Shawn DeCarlo, Agaasimaha CareOregon ee Saamaynta Bulshada. "Waan ku faraxsanahay inaan la shaqayno hay'ado aan faa'iido doon ahayn oo cajiib ah oo ka shaqeynaya sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahiyaha bulsho ee bulshadeena. Iskaashiyadani waxay muhiim u yihiin ka caawinta xubnaheenna inay helaan oo ay ku sii nagaadaan waddada caafimaadka."

Deeqaha la bixiyo waxaa ka mid ah CareOregon oo ku maalgalineysa $25,000 gudaha Utopia PDX si ay u siiso taageero caafimaadka maskaxda ah oo dhaqan ahaana gaar ah dhalinyada dhaladka jasiiradaha baasifiga ee aanan soo Jiidanin lidka jinsigooda & doorbidayaasha jinsiyadey ku dhasheen.

UTOPIA Portland waa urur aan faa'iido doon ahayn oo ay maamusho dhaladka jasiiradaha baasifiga ee aanan soo Jiidanin lidka jinsigooda & doorbidayaasha jinsiyadey ku dhasheen (queer and trans Pacific Islanders, QTPIs) ee ka hawlgasha aagaga Portland iyo Vancouver. Waxay bixisaa abaabulka bulshada, isku xirka dhaqanka, barnaamijyeeynta dhalinyarada, macluumaadka caafimaadka maskaxda, iyo kuwo kale.

Deeqdu waxay gacan ka geysan doontaa horumarinta iyo hirgelinta Mashruuca Caafimaadka Maskaxda ee Dhallinyarada QTPI, oo ah barnaamij caafimaad maskaxeed oo dhammaystiran oo wax ka qabta baahiyaha ardayda QTPI ee dhigta dugsiyada Portland. Isku-duwaha barnaamijku wuxuu la shaqayn doonaa shaqaalaha dugsiga iyo ardayda si loo abuuro jawi-deegaaneed badbaado leh oo loo dhan yahay halkaas oo ardaydu ku dareemaan raaxo inay uga hadlaan walaacyada caafimaadka maskaxda. Isku-duwaha ayaa sidoo kale horumarin doona oo u fududayn doona kulamada tababarka shaqaalaha dugsiga si uu uga caawiyo inay aqoonsadaan baahiyaha caafimaadka maskaxda ee ardayda QTPI oo ayna si hufan uga jawaabaan.

Mashruuca Caafimaadka Maskaxda ee Dhallinyarada QTPI waa qayb ka mid ah barnaamijyeynta VOYAGES ee UTOPIA PDX ee loo aasaasay la-talinta dhalinyarada VOYAGES - Codka Hormarinta, Kobacinta, Awood-siinta, Adkeysashada, iyo Guul-gaarsiinta Dhalinyarada, waxeey hiigsaneysaa iney ku taageerto dhallinyarada Jasiiradaha Baasifigga ah si ay ugu dhex maxaan dhaqanka, caado-dhaqameedka, aqoonsiga iyo jahwareerka.

"Ku noolaanshaha qurbaha waxay caqabad ku tahay qaar badan oo naga mid ah, laakiin lakabka isgoysyada dadka aan soo jiidanin lidka jinsigooda, naafanimada, iyo marin u helitaan la'aanta - waxay ku dhowdahay wax aan macquul aheyn in dhalinyaradeena ah dhaladka Jasiiradaha Basaafiga ee aanan soo jiidaneynin lidka jinsigooda/kuwa doorbidiyay jinsiga ay ku dhasheen (Quer/trans Pacific Islander, QTPI) ay kobcaan," ayuu yiri Kame'o Kahawi, Agaasimaha Fulinta ee UTOPIA PDX.

“Waxaan u abuurnay barnaamijkan annagoo ka jawaabayna baahiyaha bulshada iyo codsiyada meelaha xurmada leh ee bogsiiya oo hagisna bixiya. Barnaamijkani waxa uu muhiim u yahay dhalinyaradeena QTPI maadaama ay jiraan agabyo iyo barnaamijyo aad u xadidan oo dhaqan ahaan salka ku haya Caado-dhaqameedka Pasifika, oo ay hogaaminayaan asxaabteena QTPI kuwaas oo leh khibrado nololeed oo la mid ah kuwaas oo abuura fursado isdhaafsi xagga wadaaggista ah, barashada ah, koritaanka iyo bogsashada ah."

Helayaasha deeqda waxaa ka mid ah:

Guriyeynta

  • Erevate Oregon ($25,000): Maalgalinta ayaa awood u siin doonta shaqaalaha ururka inay uga qaybiyaan Kaalmada Macmiilka ee Tooska ah kaalmada kiraynta ee ardayda.

  • Greater New Hope Charities ($25,000): Maalgalinta waxa lagu bixin doonaa dhinaca bixinta adeegyada taageerada dadka aan guryaha lahayn ama kuwa halista ugu jira guri la'aanta, iyo sidoo kale kaalmaynta helitaanka guri kharash ahaan la awoodi karo oo abid ah.

  • Hacienda CDC ($25,000): Deeqda waxaa loo isticmaali doonaa in lagu maalgeliyo qabanqaabiyaha bulshada ee wakhtiga nuska ah kaas oo ka dhisi doona iskaashiga adeegyada bulshada laba dhismo guri oo kharash ahaan la awoodi karo oo ku kala yaali doona Oregon City iyo Beaverton.

  • Operation Nightwatch - Portland ($10,000): Maalgalinta ayaa gacan ka geysan doonta in ay daboosho qayb ka mid ah kharashyada Barnaamijka Caafimaadka Maskaxda, kaas oo taageera xubnaha bulshada ee aan guryaha lahayn iyo kuwa nugul ee laga yaabo in aanay helin adeegyada caafimaadka maskaxda haddii kale.

Helitaanka Cuntada

  • Our Streets PDX ($30,000): Maalgelinta waxay taageeri doontaa helitaanka cuntada iyada oo loo marayo barnaamijkooda cuntada. Our Streets waxeey ku socotaa wadadii ay ku diyaarin lahayd in ka badan 1,000 cunto maalintii.

  • Bulshada sida Wanaagsan U Duqoobeysa (The Community for Positive Aging, CfPA) ($25,000): Maalgelinta ayaa caawin doonta dadka waayeelka ah ee dakhligoodu hooseeyo iyo dadka da'da ah ee ku nool Degmada Multnomah iyada oo loo sii marayo Bakhaarka Cuntada Aasiyaanka ee ururuka, barnaamijyada haqab-beelka cuntada iyo shaqada caafimaadka bulshada.

  • Ururka Midawga Bulshada Koongo ($20,000): Maalgelintu waxay taageeri doontaa helitaanka bulshada Kongo cunnooyin dhaqameed gaar ah oo caafimaad qaba iyada oo loo marayo barnaamijka kaalmada cuntada.

Cimilada iyo Ka Taageerida Khadamaadka

Taageerooyinka Bulsho ee Kale

  • We Belong PDX ($20,000): Maalgelintu waxay gacan ka geysan doontaa in la maalgeliyo goob cusub (Xarunta Rajada 'Hope Center') si loo ballaariyo oo loo qoto dheereeyo xeeladaha barnaamijka si kor loogu qaado fayoobida maskaxeed si loogala dagaallamo dhalinyarada niyad-jabka iyo walaaca.

  • UTOPIA Portland ($25,000): Maalgelinta waxay gacan ka geysan doontaa siinta taageero dhaqan ahaan gaar ah oo ku aadan caafimaadka maskaxda dhalinyarada u dhashay Jasiirada Basafiga ee aanan soo jiidanin lidka jinsigooda iyo kuwa beddelay jinsiga ay ku dhasheen (queer and trans Pacific Islander, QTPI) iyada oo loo marayo Mashruuca Caafimaadka Maskaxda ee Dhallinyarada QTPI.

  • Boost Oregon ($10,000): Maalgelinta ayaa loo isticmaali doonaa in lagu bixiyo kharashka qayb ka mid ah mushaharka shaqaalaha iyo faa'iidooyinka ku aadan fulinta Tababarka THW ee Wareysiga Dhiirigelinta ah si loo kordhiyo mashruuca Kalsoonida Tallaalka, iyo sidoo kale alaabada xafiisyada, daabacaadda, safarka, kharashyada kulamada iyo dhoofinta loogu baahan yahay tababarka THWs iyo siinta agabyada si ay ugu isticmaalaan macaamiisha.