DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Sebtembar 4-6. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Jadeecada ka jirta Oregon

Wararka iyo Sheekooyinka

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!

Xiritaanka Farmasiga Tillamook Su'aalaha Inta badan La isweydiiyo

Agoosto 31, 2023, 22:12 GD

Maxaa dhacaya?

Waxaa lagu dhawaaqay in Farmasiga Tillamook ee Tillamook ay xidhi doonaan albaabadooda oo ay joojin doonaan buuxinta daawooyinka bisha Sebtembar.6, 2023. Dhammaan daawooyinka waxa lagu wareejin doonaa, iyago tira badan, Farmasiga Fred Meyer ee maxalliga ah, kaas oo qabo heshiiska dhanka caymiska ah. Waxaan qiyaasnay ku dhawaad 1, 000 oo xubnood inuu carqaladeeyo isbeddelkan.

Goorma ayay dhacaysaa?

Farmasiga Tillamook ayaa ku dhawaaqday Agoosto 22, 2023. Maalintooda ugu dambeysa ee ganacsigoodu waxay ahaan doontaa Sebtembar 6, 2023, ilaa 5 G.D.

Tani ma saamaynaysaa kaliya Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP)(Medicaid)?

Maya, waxay saamaysaa labadaba Qorshaha Caymiska Caafimaadka Oregon (OHP) iyo xubnaha CareOregon Advantage (Medicare). Dhammaan bukaannada (ay ku jiraan kuwa ka baxsan CareOregon iyo CareOregon Advantage) ayaa sidoo kale saameyntu soo gaaraysaa maadaama tani ay tahay xiritaanka farmasiga (ma ahan arrin qandaraaska dhankooda heshiiska caymiska ka ah).

Fred Meyer ma yahay farmasi dhanka heshiiska caymiska ku jira?

Haa. Waxaan fahamsanahay, sida caadiga ah, dhammaan dawooyinka waxaa loo wareejin doonaa Farmasiga Fred Meyer ee maxalliga ah Sebtembar 7, 2023. Natiijada mugga cusub ee degdega ah ee daawoyinka, Fred Meyer waxay u badan tahay in aay aad mashquuli doonta. Fadlan u ogolow wakhti dheeri ah oo aad ku wareejin karto iyo aad ku buuxsato daawooyinkaaga.

Ma inaan ka buuxiyaa farmasiga Fred Meyer?

Maya, farmasiga kasta oo dhanka heshiiska caymiska ku jira waa la isticmaali karaa. Si kastaba ha ahaatee, waxay u baahan kartaa tallaabooyin dheeraad ah in la qaado. Waxaad dooran kartaa mid:
  • iin aad ka codsatid bixiyehaaga warqad daawo oo cusub oona u dirtid farmasiga aad dooratay. AMA
  • Inaad weydiisid farmasiga aad dooratay inuu wareejiyo daawadaada:
    • Sebtembar ama ka hor Sebtembar 6: La xidhiidh Farmasiga Tillamook si aad u codsato wareejinta daawada (503-842-4181)
    • Sebtembar 7 ama ka dib: La xidhiidh Fred Meyer si aad u codsato wareejinta daawada (503-815-1433)

Sideen ku heli karaa farmasi kale oo hesiiska dhanka caymiska kujira?

Halkan waa liiska farmasiyada kale ee kuu dhow. Sidoo kale, websaytkeena waxa uu leeyahay qalabka raadinta kaas oo loo isticmaali karo in lagu helo farmasi ka qaybqaata. Ka dooro "faramasi" nooca bixiyaha oo ku raadi ZIP code.

Koobaad ee ugu dhowLabaad ee ugu dhowSaddexaad ee ugu dhow
SAFEWAY PHARMACY 1815 4TH STREET
TILLAMOOK, OR 97141
503-842-5934
FRED MEYER PHARMACY 2500 N MAIN AVE TILLAMOOK, OR 97141
503-815-1433
NEHALEM BAY HEALTH CENTER PHARMACY 230 ROWE STREET
WHEELER, OR 97147
844-715-2299

Ma jiraan ikhtiyaarada dalbashada dhanka boostada?

Haa, farmasiga dalabka boostada Optum waa la heli karaa. Waxaad ka wici kartaa 800-356-3477 Ikhtiyaarada dalbashada boostada maxalliga ah, waxaad u baahan doontaa inaad la xidhiidho farmasiga xaafaddaada oo aad waydiiso inay bixiyaan doorashadan.