'Tis the season: Qulubka iyo walaaca fasaxa

'Tis the season: Qulubka iyo walaaca fasaxa

Waxaa loogu talagalay in fasaxyada ay noqdaan waqti nasasho oo lala qaato qoyska iyo asxaabta, la bixiyo oo la helo hadiyado, oo lagu raaxeysto cunto iyo cabitaan. Laakiin dad badan, xilligu waxa uu sidoo kale ku keeni karaa diiqad, niyadjab iyo daal taas oo ka dhigaysa wakhti muhiim ah oo ay dareemaan calaamado qulub iyo walaac.

Ra'yi ururin ay sameeyeen 2021 American Psychiatric Association ayaa lagu ogaaday in dadka Maraykanku ay shan jeer u badan tahay in ay sheegaan in heerkooda diiqaddu uu kor u kacay halkii uu hoos u dhici lahaa inta lagu jiro fasaxyada.

Sababta ay fasaxyadu u noqon karaan kuwo adag dareen ahaan

Sannadaha qaar ayaa laga yaabaa in fasaxydu ay ka diiqad badan yihiin kuwa kale, taas oo ku xiran hadba xaaladda noloshaadu ku jirto. Waxyaalahan waxaa ka mid noqon kara:

  • Dhaqdhaqaaqa qoyska: Muranada ka dhex aloosan qoysaska waxaa dhici kara in ay adkaato in laga gudbo oo ay sababaan diiqad iyo walaac weyn.
  • Kala-tagga: Haddii aadan awoodin inaad la joogto kuwa aad jeceshahay dhaqaale ama duruufo kale awgood, tani waxay noqon kartaa xaalad go'doon ah.
  • Cidlo: Haddii aad wayday ehel ama aadan lahayn qoys aad la dabbaaldegto, go'doonku waxa kaluu horseedi karaa cidlo, walbahaar iyo qulub, maadaama inta lagu guda jiro xilliga fasaxa aad xoogga saarto la joogista dadka kale.
  • Dhibaatooyinka dhaqaale: Xilliga fasaxa waa waqti dadka qaar ay si aad ah lacag ugu bixiyaan hadiyadaha, qurxinta, safarka iyo madadaalada. Qaar kale oo badan, lacagtu waxay ku tahay welwel joogto ah sanadka oo dhan, taas oo fasaxyada xaaladdu ku sii ballaarato: Marka la eego Xafiiska Tirakoobka ee Maraykanka, 2023, ku dhowaad 40% dadka Maraykanka ah waxay sheegeen inay la tacaalayaan inay kharashyada iska bixiyaan bil kasta. Waxaana jira caddeymo cilmiyeed oo soo kordhaya oo muujinaya in culayska dhaqaaluhu uu qayb weyn ka qaato caafimaadka maskaxda, isagoo uga sii dara qulubka iyo walaaca.
  • Walaaca bulsheed: Dadka qaar, ka agdhawaanshaha dadka kale dhab ahaantii maahan waxa ay rabaan-khaas ahaan haddii kulamada fasaxa ay ku keenaan walaac bulsheed, nooc walaac ah oo sababa cabsi aad u daran xaaladaha bulsheed. La kulanka dad cusub ama joogista kulamada waawayn, ee waqtiyada fasaxyada aadka u badan, waxay noqon karaan wax adag. Waxaa laga yaabaa in wax lagugu sheego, lagu bahdilo, ama aad calaamado kala kulanto xaaladaha bulsho sida in wejigu kab ku noqdo, dhidido, gariirto ama geed oo kale noqoto.
  • Jug hore: Haddii ay dhibaatooyin kugu dhaceen xilliyada fasaxa sida in aad weydo qof aad jeceshahay ama aad la kulanto tacaddi gudaha ah ama xaalad caafimaad oo degdeg ah-waxaa laga yaabaa inaad la kulanto xanuunka walaaca jugta ka dambeeya (PTSD) inta xilliga lagu jiro, taasoo ah nooc walaac ah oo dhici kara jugta kadib. Waxaa laga yaabaa in ciiduhu ay kuu keenaan dib-u-dhacyo ama xusuus soo noqnoqda, haddii kale waxaa laga yaabaa in aad dooneyso in aad ka fogaato meelo ama dadyow kugu xasuusiya wixii aad soo martay.
  • Qulubka Xilliyeed: Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaannada waqooyiga sida Oregon ayaa laga yaabaa in ay la kulmaan Qulub Xilliyeed) oo ah nooc ka mid ah qulubka dhaca xilliga dayrta iyo jiilaalka marka maalmuhu gaaban yihiin oo uu yaraado iftiinka qorraxdu.

Khayraadka qulubka iyo walaaca

Taageerada dhibaatada

Booqo Khadka Is-dilka & Dhibta, wac ama qoraal u dir 988, ama kula sheekeyso internetka.

Baaritaano lacag la'aan/jaban

La xiriir bixiyahaaga daryeelka caafimaadka, xafiiska caafimaadka maskaxda ee deegaanka, ama ururka daryeelka isku xiran (CCO).

Taageerada Lod-ka, kooxaha iyo fasalada

Booqo NAMI Oregon, cutubka Oregon ee National Alliance on Mental Illness (NAMI).

Xubnaha CareOregon loogu talogalay

Dib u eeg khayraadka caafimaadka maskaxda CareOregon, oo ay ku jiraan la-talin, dabiib, daawaynta isticmaalka maandooriyaha, iyo daawooyin.

Sida loola tacaalo qulubka iyo walaaca xilliga fasaxa

Haddii xilligani kugu adagyahay, ogow keligaa ma tihid. Ka fikir waxa ku dhiba ee ku saabsan fasaxyada iyo sida aad arrintaas wax uga qaban karto. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inaad hesho hab aad ku maamuusto qof aad jeceshahay oo geeriyooday, ama waxaa laga yaabaa inaad doorato inaad fasaxa la qaadato "qoys aad dooratay" oo asxaabtaada ah haddii qoyska aad ka dhalatay isfahmi waydaan. Ka qaybqaadashada hawlaha samafalku waxay kaa caawin kartaa fududeynta cidlada, sidoo kalena waxay nolosha dadka kale ka dhigtaa mid wanaagsan.

Intaas waxaa dheer, ha ka waaban inaad taageero raadsato. La hadal xubin qoyska ka tirsan, saaxiib ama dhakhtar. Waxaa jira khayraad fara badan oo kaa caawinaya in aad ka gudubto xilligan sanadka.




Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!