Yaa lala xiriiri karaa muddadda ay jirto dhibaatada caafimaadka maskaxda

Yaa lala xiriiri karaa muddadda ay jirto dhibaatada caafimaadka maskaxda

Haddii adiga ama qof aad taqaanno ay la dhibtoonayaan dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda, ogow in ay jiraan khayraad lacag la'aan ah oo ay ku jiraan la taliyayaal loo tababaray oo ku caawin kara.

Yaan wacayaa xilliga dhibaatada?

Waxaad caawimaad heli kartaa 24/7 adigoo:

  • Wacaya 988
  • Farriin qoraal u diraya 988 ama 
  • Kagala sheekaysanaya onlayn 988lifeline.org .

988 waxaa lagaga heli karaa Luuqadda Dhegoolaha Maraykanka onlayn.

Personas que hablan español ahora pueden conectarse directamente con consejeros para crisis de habla hispana:

Maxaa loo tiriyaa inay tahay dhibaato xagga caafimaadka maskaxda ah?

Khadka 988 ee Isdilka & Dhibaatada waxaa loogu talagalay dadka qaba nooc kasta oo ah dhibaatooyinka caafimaadka habdhaqanka, sida:

  • Dhibaato caafimaadka maskaxda la xiriirta,
  • Fikradaha isdilka ama is-dhaawicidda, ama
  • Dhibaatooyinka isticmaalka maandooriyaha.

Ka waran haduu qof aan jeclahay uu dhibaato ku jiro?

Haddii qof aad jeceshahay uu ku jiro xaalad dhibaato, waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa Khadka 988 ee Isdilka & Dhibaatada adigoo:

Yaa ka jawaabaya marka aan la xiriiro khadka dhibaatada?

Iyadoon loo eegin haddii aad wacdid, farriin qoraal ah u dirtid, ama la sheekaysato, markaad wacdo Khadka 988 ee Isdilka & Dhibaatada, la-taliye tababaran ayaa ku siinaya taageero kulana wadaagayo ilo, haddii loo baahdo. Haddii xarunta dhibaatada deegaankaagu aysan jawaabi karin, waxa si otomaatig ah laguugu xiriirinayaa xarunta dhibaatada ee qaranka. Macaamil kasta waa mid qarsoodi ah.

Yaa maamula Khadka 988 ee Is-dilka & Dhibaatada?

Khadka 988 ee Is-dilka & Dhibaatada waxaa maamula Substance Abuse and Mental Health Services Administration (SAMHSA), oo ah laan ka mid ah dawladda federaalka ah ee Maraykanka oo xafiisyo ku leh gobol kasta.

Xigasho:

  1. https://www.oregon.gov/oha/hsd/amh/pages/988.aspx
  2. https://www.samhsa.gov/find-help/988/faqs



Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!