Sheekada Maddie: Sidee qulubka iyo walaaca u qaabeeyaan khibradda dhawryo-toban-jirka

Sheekada Maddie: Sidee qulubka iyo walaaca u qaabeeyaan khibradda dhawryo-toban-jirka

Marka ugu horaysa ee aad aragto, Maddie waxay u muuqataa inay tahay gabadh dhawryo-toban-jir ah oo caadi ah. Waxay xammuurad marsataa ciddiyaheeda, waxay dhigataa dugsiga sare waxana ay wakhti la qaadataa saaxiibadeed. Waxa ay leedahay shakhsiyad weyn oo aad ku raaxaysan karto saacado waxana ay ku riyootaa in ay noqoto kalkaaliso caafimaad.

Laakiin markii ay da'deedu ahayd 8, waxa ay yeelatay kacdoonkeedii argagax ee ugu horeeyay.

Hadda oo ay noqotay 17, haddeed qariib kuma aha dunida kakan ee caqabadaha caafimaadka maskaxda. Waxay la tacaashaa qulub iyo walaac ba'an, oo uu weheliyo xanuunka culayska-nafsiyeed ee uurku-taallada-kadib. "Waan ogaa [markii aan ilmo yar ahaa] inaan la tacaalayay walaac iyo qulub ay keeneen wixii igu dhacay noloshayda. Waayitaanka hooyaday. Aabahay oo marna joogay marna maqnaa. waxyaabo badan oo ay ahayd inaanan mudan ka ilmo yar ahaan, ayaa kusoo noqnoqonayey maskaxdayda.

Maddie keli kuma ahan wajihitaanka caqabadaha caafimaadka maskaxda. Ku dhawaad 50% kamid ah dhalinyarada ku nool Maraykanka, ee da'doodu tahay 13-18, ayaa waxa ay qabaan cudur caafimaadka maskaxda ah; dhallinyaradu waxa ay sidoo kale wajahaan heerar cudurada caafimaadka maskaxda ee hal wakhti kulma oo ka sarreeya kuwa ay wajahaan dadka waaweyn. Walaaca, qulubka, culayska-nafsiyeed ee uurku-taallada-kadib iyo adeegsiga maandooriyaha ayaa caam u noqon kara dhawryo-toban-jirrada, taas oo u horseedi karta in jahawareer weyn noloshooda soo foodsaaro xilliyada korniinka ee muhiimka ah. Malaha caadi waxa loo baahan yahay in dib loo qeexo.

Walaaca iyo qulubka

Iyada oo da' yar, ayaa Maddie waxa ay bilowday inay weydo tiirar taageero oo laxaad leh, oo ay kamid yihiin ayeeydeed iyo hooyadeed. Inta badan waxa ay dareemi jirtay hadaf la'aan. Nolosheeda gurigu mar walba ma ahayn ammaan. Dhacdooyinkii tabnaa ee waaweynaa ayaa bilaabay in ay saameyn taban ku yeeshaan caafimaadkeeda maskaxda. Ugu dambayntii waxa ay u leexatay adeegsiga maandooriyaha si ay u yareyso dareenka waaya-aragnimadeeda taban.

Maddie, walaaca iyo qulubku waa u joogto, oo aan sina looga waayin ruutiinkeeda maalinlaha ah. Waa ay toostaa, telefoonkeeda ayaa ay hubisaa, waa ay is diyaarisaa oo u jihaysataa dugsiga-laakin waxa jira fikrado aanay ka saaari karin maskaxdeeda. "Waxa aan ka walwalsanahay waxa ay dadka kale ku fekerayaan. Waxa aan hubaa in qofkaasi i neceb yahay," ayay tiraahdaa, "marnaba kama guulaysan karo maskaxdayda."

Waxa ay bilaabi kartaa inay xanaaqdo ama ay dareento in ay hawluhu ka badbateen, gaar ahaan habeenkii. "Waxa ay iigu daran tahay marka aan keligay ahay. Kali ahaanshaha habeenkii runtii waa adag tahay," ayay tiri. Walaaca iyo qulubku badanaa waxa ay u eg yihiin ciyaar aanay guusheedu rejo lahayn. Inkasta oo ay ciyaarto ama dhabbo kasta oo ay doorato-waa kuwii uun ay marwalba wajahdo.

Walaacu waa mid aan kala joogsi lahayn, kaas oo baabi'inaya kalsoonideeda isla markaana isku dayaya in uu beeno ka faafiyo oo keliya iyada uun maqli karto. Soo noqnoqoshada fekradahaasi waxay sababaan maalmo jahawareer, shaki iyo daal ah. Muddo kadib tani waa ay burburisaa iyada waxa ayna u sahashaa qulubka in uu usoo duso. Waa arrin culayskeeda leh, oo uu ka buuxo dareen farxad-la'aan iyo hadaf-la'aan ahi. Marka qulubku noqdo mid aan la xammili karin, xaaladdu waxa ay bilawdaa inay si fiican uga buuxsato iyada- taas oo ka abuurta ciyaar cusub oo badbaado maskaxdeeda. Xattaa dhexgalka bulshada ama hawlaha yaryar, sida la hadalka faca ama ka qaybqaadashada fasal, ayaa noqon kara kuwo aan suuragal ahayn. Wareeggani waxa uu xasuusiyaa in ay la il daran tahay uurku-taallooyin iyo khasaare soo gaaray oo mararka qaarkood u eg kuwo ka weyn wax la wajihi karo.

Ujeedsashada maandooriyaha si ay ula tacaasho

Ka dib markii uu dhintay awoowgeed, adeegsiga maandooriyuhu waxa uu ahaa mid aad u shaacsan. "Wuxuu ahaa hoygayga markii la iga qaadayna, waxay arrintaasi igu ridday god weyn, taas oo bar-bilaw u ahayd balwadayda," ayey tiri. Waa ay ka war haysay in tani aysan ahayn waddada saxda ah ee ay tahay in lagu la tacaalo. "Waxaan noqon doonaa mid daacad ah-balwaddu waxba ima ay tarin. Kaliya waxay ahayd qaab la isaga indha-saabi karayey wixii socday.". Waxay adeegsan jirtay daroogooyinka maanka dooriya, khamriga iyo daawooyinka dhakhtaradu qoraan intii ay ku gudo jirtay wakhtigan. "Markii aan bilaabay adeegsiga, waxaan ku fekeray in aan ka bixi karo. Aabahay waxa uu ahaa qof balwad leh, mana jirin qof ogaaday. Laakiin kama aanan fikirin xaqiiqada ah in, waad ogtahay, [balwaddu] ay dishay hooyaday."

Waxay bilawday waddo ay ku noqotay qof ayan si fiican u aqoonsaneyn, inkasta oo digniinuhu ay si fiican ugu muuqdeen. "Maskaxdaydu qiil baa ay u sameyn karaysay waxa aan sameynayo. 'Anigu ma ihi qof balwad leh-balse iyaga ayaa dad balwad leh ahaa. Taasi ma aha aniga!'"

Laakin noloshu markiiba waa ay isbeddeshay. Dadka kale ayaa walaac sii kordhaya ka muujiyey badqabkeeda, taas oo keentay inay la hadasho xubin qoys.

Dib u dhiska bulshadeeda

Maddie waxa loo diray dhaqancelin. Tani waxa ay ahayd baraarujintii ay u baahnayd, waxana ay ku ridday dhabbaha wanaajinta nafteeda. Dhaqancelintii kadib, waxa ay adeegsatay daaweyn iyo daawo si ay gacan uga geysato kaalmaynta caafimaadkeeda maskaxda. Inkasta oo ay weli u aragto inay ku adag yihiin xaqiijinta kuwani, haddana waxa ay ku rajo weyn tahay in aysan mar walba sidaas ahaan doonin.

Maddie hadda waxa ay dhigataa Harmony Academy, oo ah dugsi sare oo loogu talagalay in lagu siiyo il waxbarasho oo ammaan ah, maandooriye-la'aan ah oo taageero leh dhalinyarada ku jira soo kabashada. Iyada oo raadinaysa ilo dheeraad ah, ayaa waxa ay heshay 4D Recovery, oo ah xarun dhallinyaro oo bixinaysa adeegyo soo kabasho oo ku salaysan faca, taageerada bulshada iyo qoyska, iyo nashaadaad ka baxsan dugsiga. Iyada oo ay helayso meelahaas saameynta-abadiga ah leh, Maddie waxa ay ka shaqayn kartaa caafimaadkeeda maskaxda iyada oo aan laheyn wax caqabad maandooriye ah. "Guri kama dul dhisi kartid sees jilicsan. Marka aad leedahay seeskaas uurku-taallada ah, kuma dul dhisi kartid oo kaliya waayo-aragnimooyin cusub," ayay tiri.

Maddie waxa ay weli ku hawlan tahay sidii ay u gaari lahayd xaqiiqadeeda mugga leh waxana ay soo jartay waddo dheer. Waxa ay ku madax adag tahay helitaanka qaabab ay uga gudbi karto arrimahaas oo dhan.

Marka laga yimaaddo daryeelka kiliinigeed, waxa ay leedahay farsamooyin la tacaalid oo badan iyo dad taageeraya oo ku jira nolosheeda: Waxay haysataa qoyskeeda iyo gacaliyaheeda waxayna ku raaxaysataa daawashada TV-ga, cunto-karinta iyo shaah sameynta si ay isugu-dejiso. Khayraadka iyo hagayaasha ka socda 4D Recovery iyo Harmony Academy ayaa waxa ay xusuusiyaan inaanay keli ku ahayn ahayn waaya-aragnimadeeda. Habeenkii, haddii kelinimo soo foodsaarto, waxay siisaa eygeeda cunto-fudud iyada oo kaga beddelanaysa laab-gelin ay aad ugu baahan tahay.  

Malaha waxa waxaas oo dhanba ka muhiimsan, in Maddie ay leedahay 'qofkeeda raaxada', oo ah qof ay u aragto mid aanay uga maarmi karin koritaankeeda. "Waa qof aan isku hallayn karo, waxana aan ka dhihi karaa sidaas qalbigeyga," ayay tiri iyada oo ka hadlaysa mid kamid ah asxaabteeda 4D Recovery. Taas ayaa ay ku tiirsan tahay iyada oo sii wadda dhisidda bulshadeeda. "Marwalba waxa aan garab u ahay saaxiibaday. Haddii aad wax u baahatid, mar walba waad ii imaan kartaa," ayey tiri, "caawimo way jirtaa, waxa aad u baahan tahay oo kaliya in aad hesho qofka munaasabka ah."

Maddie waxa ay ogaatay in dhawryo-toban-jirro kale oo xaaladaheeda oo kale ku sugani ay raadinayaan xiriir, faham iyo wadahadal ay ka helaan facooda-taas oo ah wax ay aaminsan tahay in uu yahay waxa ugu muhiimsan la tacaalidda caqabadaha caafimaadka maskaxda.

La talinta waalidka dhawryo-toban-jirrada

Maddie ayaa waxoogaa talooyin ah oo waadax ah u haysa waalidiinta ka caawinaya carruurtooda inay ka gudbaan caqabadaha: "Ha ugu qaylinina carruurtiina garasho-la'aantooda sida ay ula tacaali lahaayeen arrimaha awgeed. Ha u sheegina in aanay dhab ahayn. Tusa iyaga taageero laakiin ha ku qasbina daaweynta caafimaadka maskaxda-ma shaqayn doonto haddii aysan dooneyn," ayay tiri. Dhawryo-toban-jirrada la tacaalaya xaalado shucuureed oo kakan isla markaana aan taageero habboon ka helin waalidkooda ayaa halis ka badan ta dadka kale ugu jira caafimaad jidheed iyo mid maskaxeed oo liita.

Maddie waxa ay ogaatay in inkasta oo adeegsiga daroogadu uusan waxba ka tareynin hannaankan, in cadaadiska ama taageero la'aanta ka timaada waalidiinta iyana aysan wax tarin-oo ay ballaariso uun kala-fogaanshaha xiriirka. Marka ilmahaaga dhawryo-toban-jirka ahi uu kuula yimaaddo caqabadahan, iska ilaali inaad carooto badalkeedana diiradda saarto dhageysiga, ayay ku talisay. Waqti qaado aad ku qabowdo kahor inta aanad ka falcelin xaaladaha shucuureed ee aadka u sarreeya. Arrintaasi waxa ay noqon kartaa farqiga u dhexeeya isdhexgalka caafimaadka qaba iyo midka aan caafimaadka qabin ee lala yeesho ilme dhawryo-toban-jir ah-taas oo caawimo ka geysata in sees kii hore ka wanaagsan loo dhigo is aaminaad iyo isgaarsiin mustaqbalka.

Dib-u-soo-bandhigidda Maddie, ta rajada wanaagsan

Hadda iyada oo wax ka badan sanad ku jirta soo kabashada, Maddie waxa ay sameynaysaa horumarkii ay rajeyneysay waxayna dareentaa kalsooni ay ku qabto geedi-socodkeeda soo kabashada iyo kartideeda ay ku taageerayso caafimaadkeeda maskaxda. Waxa ay hubtaa oo ay u heellan tahay inay dadka kale la wadaagto safarkeeda. Waa ay qososhaa, saaxiibadeeda xiise gelisaa, si cajiib ahna gacmeheeda ayey ugu bixisaa ishaarooyin marka ay sheekaynayso. Marwalba ma ahan wax sahlan in ay ka shaqeyso caafimaadkeeda maskaxda maalinkasta, laakiin waxa ay heshay aragti mudan in la wadaago. "Weli waa aan dareemaa walaac iyo qulub, laakiin way iga sii khafiiftaa. Maanta waa maalin cusub. Berrito waxay noqon doontaa maalin cusub. Waxaan isku dayayaa inaan ku sugnaado wakhtigan la joogo." Dhawryo-toban-jirkan caadiga ah waxyaabo heersare ah baa ku sugaya mustaqbalka.

Uma baahnid inaad keligaa aaddo

CareOregon waa shuraako bulsheed oo muddo-dheer iyo taageere Xarunta Dhalinyarada Soo Kabashada 4D.

CareOregon si adag ayay u shaqeysaa si ay u hubiso in xubnahayaga iyo bulshadeena ay helaan khayraad tayo sare leh oo caafimaadka maskaxda ah.

Haddii adiga ama qof aad jeceshahay uu la dhibtoonayo caafimaadka maskaxda, ama aad ku jirto soo kabasho, naga soo booqo internetka si aad wax badan u ogaato khayraad badanna u hesho. Haddaad ka tahay xubin Qorshaha Caafimaad Oregon, adeegyo kala duwan ayaa la caymiyaa. Wax dheeraad ah ka baro boggeena Daaweynta Caafimaadka Maskaxda iyo Adeegsiga Maandooriyaha.




Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!