Goorma ayuu isticmaalka maandooriyuhu yahay dhibaato?

Dad badan ayaa la halgamaya isticmaalka maandooriyaha iyo khamriga. Haddii aad u malayso inaad u baahan tahay caawin, kaligaa ma tihid.
"Xitaa haddii aadan hubin in isticmaalkaagu uu dhibaato noqday, waxaad ka yeelan kartaa wadahadal xilli walbo. Dad badan ayaan hubin," ayay tidhi Stacie Andoniadis, Maamulaha Barnaamijka Jirrada Isticmaalka Maandooriyaha ee CareOregon. "Haddii ay saameynayso noloshaada ama xidhiidhkaaga, waa caadi inaad caawin raadsato ama kaliya wadahadal ka yeelato.
Waxaad leedahay ikhtiyaaro
Waxaa jiro ikhtiyaaro badan oo wax badan lagaga ogaado daaweynta isticmaalka maandooriyaha, oo ay ku jiraan:
- Inaad la hadasho adeeg bixiyahaaga daryeelka aasaasiga ah (dhakhtar).
- Inaad si toos ah u wacdo daawo bixiye.
- Inaad khad qarsoodi ah kala sheekeysato qof xirfadle ah.
Wadahadalada aad la yeelanayso adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka ama daawo bixiyaha waa kuwa qarsoodi ah, umana baahnid in baaritaan rasmi ah laguugu sameeyo si aad caawin u heshid.
Mararka qaar waxaa jira calaamado iska cad oo isticmaalka daroogada ama khamriga ay u nqon karaan dhibaato. Kuwani waxaa kamid ah:
- Isticmaalka wax ka badan hal maandooriye markiiba.
- Inaan awoodi waydo inaad joojiso isticmaalka markaad u baahato.
- Inaad ka xumaato oo aad u aragto dembi isticmaalka maandooriyaha.
- Inaad dayacdo qoyska iyo dadka ehelka ah isticmaalka daroogada aawadeed.
- Inaad dareento calaamadaha ka-goi'taanka (inaad xanuunsato) markaad joojiso isticmaalka maandooriyaha.
Waxaa diyaar kuu ah caawimo
"Waxa ugu wanaagsan ay tahay dadku inay ogaadaan waa in la heli karo nidaam taageero oo diyaar ah," ayay tidhi Stacie. "Xitaa waxaynu ku caawin karnaa kahor inta aysan dhibaato kugu noqonin."
Xubnaha Qorsha Caymiska Caafimaadka ee Oregon (Oregon Health Plan, OHP) waxaa laga dabaraa daaweynta isticmaalka maandooriyaha iyo adeegyada soo kabashada. Xubnaha uma baahna in loo gudbiyo adeegyo fara badan. Xubnaha CareOregon waxay sidoo kale caawin u heli karaan raadinta adeegyada iyagoo ka wacaya Adeegga Macmiilka ee Xubinta lambarka 503-416-4100 or 800-224-4840.
Xigasho: Tijaabada Baaritaanka Isticmaalka Maandooriyaha (Drug abuse screening test - DAST-10)