OHP waxay caymisaa adeegyada caafimaadka maskaxda

Caafimaadka maskaxdu waa qayb muhiim ah oo ka tirsan caafimaadkaaga guud. Haddaad ka tahay xubin Qorshaha Caafimaad Oregon, adeegyo kala duwan ayaa la caymiyaa. Kuwan waxa ka mid ah daryeelka caafimaadka maskaxda, daawaynta isticmaalka maandooriyaha iyo taageerada soo kabashada.
Qaar badan oo adeegyadan ah, uma baahnid inaad hesho sii-gudbin. Wac daryeel bixiyaha si aad ballan u qabsato.
Haddaad ugu baahan tahay caawimo dhibta caafimaadka maskaxda, ha sugin. Wac khadka dhibta caafimaadka maskaxda degmadaada, ama wac ama farriin qoraal ah u dir 988 markaad doonto, maalin ama habeen.
Daryeelka caafimaadka maskaxda
Adeegyada caafimaadka maskaxda waxa ku jira la-talinta, maaraynta kiiska, daawooyinka iyo waxyaalo kale oo badan. Sida badan waxaad adeegyadan ku heli kartaa taleefan ama maqal iyo muuqaal (adeegyada caafimaadka masaafada).
Rugaha daryeelka aasaasiga ah qaar badani waxay leeyihiin xirfadle caafimaad oo qaabilsan caafimaadka habdhaqanka. Xirfadlahaaga daryeelka aasaasiga ah (PCP) ayaa kugu xiri kara daryeelkan.
Adeegyada caafimaadka maskaxda ee takhasuska ayaa sidoo kale la caymiyaa. Kuwan waxa ka mid ah la hadalka xeeldheere caafimaadka maskaxda ah, daryeelka hoyga lagu bixiyo ama adeegyada maanka. Qaar ka mid ah adeegyadani waxay u baahan karaan sii ansixin.
Daaweynta isticmaalka mukhaadaraadka
Xubnaha OHP sidoo kale waxa la caymiyaa daawaynta isticmaalka maandooriyaha. Tan mararka qaar waxa loo yaqaan daawaynta khamrada ama daroogada. Adeegyada daawaynta isticmaalka maandooriyaha waxa ka mid ah maaraynta tabidda (sidoo kale loo yaqaan jir ka bixidda), daawada, daawaynta hoyga lagu bixiyo iyo waxyaalo kale oo badan. Uma baahnid sii-gudbin si aad u hesho inta ugu badan adeegyadan, waxaanad si toos ah u wici kartaa daryeel bixiyaha. Sidoo kale waxaad la hadli kartaa daryeel bixiyahaaga aasaasiga ah ama adeegga macmiilka qorshahaaga caafimaadka si aad caawimo u hesho.
Adeegyada taageerada soo kabashada
Adeegyada taageerada soo kabashadu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daryeelka caafimaadka maskaxda. OHP waxay caymisaa daryeelka fool-ka-foolka ah, taageerada soo kabashada lodka iyo waxyaalo kale oo badan. Waxaanu la shaqyanaa kooxo caafimaad iyo bulsho oo fara badan si aanu u caawino taageerada soo kabashada.
Adeegga macmiilka ayaa heegan u ah inuu ku caawiyo
Haddaad jeclaan caawimo helitaanka daryeel bixiye, kooxda adeegga macmiilka CareOregon ayaa heegan kuu ah! Wac Isniin-Jimce, 8 g.h. - 5 g.d.
CareOregon: 503-416-4100 ama wicitaanka bilaashka ah 800-224-4840
Columbia Pacific CCO: 503-488-2822 ama wicitaanka bilaashka ah 855-722-8206
Jackson Care Connect: 541-500-0567 ama wicitaanka bilaashka ah 855-722-8208