Maalgalinta nidaamka caafimaadka maskaxda ee gobolkeena

Dad aad u fara badan oo reer Oregon ah, safarka ay ku tagayaan daryeelka caafimaadka maskaxdu wuxuu ka bilawdaa jidgooyooyin. Ceebaysiga ayaa weli ah arrin awood badan oo hortaagan, taas oo ka niyad-jabisa shakhsiyaadka inay caawimaad raadsadaan iyagoo qaba cabsi, khajilaad ama fikrado dhaqan oo khaldan. Caqabado nidaamsan -sida waqtiyada dheer ee sugidda, in ay ku adagtahay inay maraan nidaamka daryeelka caafimaadka, ama la'aanta dhaqan ahaan bixiyayaal gaar ah - ayaa badanaa dadka u diida inay helaan daryeelka ay u baahan yihiin.
Intaas waxaa dheer, caqabadaha caafimaadka maskaxdu kalidood ma aha; waxa inta badan raaca xanuuno kale oo saameeya caafimaadka jirka.
Xogta hadda jirta ayaa muujinaysa in Oregon ay kaalinta 48-aad kaga jirto ee ka mid ah 51 marka la eego natiijooyinka caafimaadka maskaxda ee 50-ka gobol iyo Degmada Columbia; iyo kaalinta 30 ka mid ah 51-ka mid ah si ay u helaan daryeel. 439,000 qof oo ka mid ah dadka qaangaarka ah ee ka warbixiyay baahida caafimaadka ,maskaxda, ku dhawaad 55% ma aysan helin daaweyn.
Si wax looga qabto farqigaan, CareOregon waxay soo saartay qaab dhammaystiran, kaasoo maalgalinaya ururada, barnaamijyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha taas oo saameyn yeelaneysa. Tan iyo 2020, waxaanu ku maalgelinay in ka badan $110 malyan si aan u dhisno nidaam caafimaad habdhaqan oo waxtar badan. Caafimaadka habdhaqanka, kaas oo ka kooban caafimaadka maskaxda iyo dhibaatooyinka isticmaalka maandooriyaha labadaba, waxay door muhiim ah ka ciyaaraan guud ahaan fayoqabka.
"Daryeelka caafimaadka maskaxdu waa lagama maarmaan, CareOregon-na waxaa ka go'an inay dhisto nidaam dadka oo dhan u shaqeeya," sidaa waxaa yiri Cassi Sturtz, oo ah Maareeyaha Barnaamijka Caafimaadka Habdhaqanka ee CareOregon. "Marka la eegaayo ceebaysiga, kordhinta helitaanka iyo maalgalinta barnaamijyo cusub, waxaanu qaabaynaynaa mustaqbal meesha daryeelka caafimaadka maskaxdu uu yahay mid la heli karo, loo wada dhan yahay oo isbeddel leh."
Maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha
Helitaanka ayaa wali ah mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee daryeelka caafimaadka maskaxda ee dad badan oo reer Oregon ah la kulmaan. Iyadoo taas ka jawaabaysa, CareOregon waxay dib u maalgelisay ururada ka shaqeeya ballaarinta helitaanka adeegyada caafimaadka maskaxda, naqshadeynta habab cusub oo lagu daryeelayo oo lagu taageerayo horumarinta shaqaalaha. Tani waxaa sidoo kale ka mid ah bixinta meelo kala duwan oo laga helo, laga bilaabo telehealth-ka illaa bixiyeyaasha dhaqan ahaan gaar ah. Sanadihii la soo dhaafay, waxaan:
- Ka shaqeynay si loo ballaariyo loona kala duwo shabakada bixiyahayaga anagoo maalgelinaya barnaamijka Deeqaha Waxbarashada Kala Duwanaanta La-talinta ee Mukhaadaraadka ee xubnaha bulshada BIPOC ee doonaya shahaadada la-talinta mukhaadaraadka ee Portland Community College.
- Ku maalgalinay $ 4 milyan si aanu u dayactirno qaybta Unity Center for Behavioral Health's Psychiatric Emergency Services, taas oo labanlaabtay awoodda, kuna dartay sagaal sariirood oo abuurtay goobo xogogaal u ahaansho oo loogu talagalay shaqaalaha iyo bukaanada.
- Maalgelinay kirada goobta Morrison Clackamas, taasoo lagu hubinayo daryeelka joogtada ah ee xubnaha u baahan taageerada caafimaadka habdhaqanka ee Degmada Clackamas ka dib markii booskii hore ee ururka ee bilaashka ahaa la joojiyey.
- Bilownay qorshaha SHIFT, kaasoo ka caawiya bixiyeyaasha bukaan-socodka ah inay u gudbaan qaababka daryeelka kooxda ku salaysan. Barnaamijkani wuxuu bixiyeyaasha ku qalabeeyaa qalabka iyo khayraadka ay u baahan yihiin si ay si waxtar leh oo hufan u taageeraan dadweynaha aan si ku filan loogu adeegin.
Wax kaga qabashada ceebaysiga iyada oo loo marayo tababaridda bixiyaha iyo taageerada bulshada/lodka
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee caafimaadka maskaxda ayaa ah ceebaysiga taasi oo niyad-jabisa shakhsiyaad badan inay caawimaad raadsadaan. Yaraynta ceebaysiga waxay u baahan tahay waxbarasho caam ah iyo isbeddelo ku dhaca nidaamka daryeelka laftarkiisa.
- Barnaamijyada sida CareOregon's MedsEd wuxuu ku tababaraa bixiyayaasha in ay isticmaalaan luuqad naxariiso leh oo guud oo kobcinaya kalsoonida oo yaraynaysa caqabadaha la xiriira ceebaysiga.
- Qorshayaasha ay horkacayaan lodka ayaa sidoo kale muhiim u ah baabiinta ceebaysiga. CareOregon waxay ku maalgelisay $1 milyan MHAAO Peer Resource Center oo ku taal Bariga Portland. Ururku wuxuu bixiyaa adeegyada keenista iyo gabbaadka oo ay dhamaanba maamulaan lod, taas oo abuureysa deegaan nabdoon, oo aan ceebaysi lahayn.
- Intaa waxaa dheer, 4D LGBTQ Recovery Community Center -tii ugu horraysay ee nooceeda ah ee ku taalaa Oregon-waxay bixisaa goobo wax ku ool ah halkaasoo shakhsiyaadka LGBTQ + ay heli karaan taageero loogu talagalay baahiyahooda gaarka ah.
La shaqaynta ururada
Caqabadaha caafimaadka maskaxda badanaa waxa weheliya isticmaalka maandooriyaha, xaalado caafimaad oo jir ahaaneed, xasilooni-darrada guryeyn iyo arrimo kale oo caafimaadka bulshada ah. Qaabka CareOregon ee wax ka qabashada caqabadahan waa iyada oo ay la shaqeeyaan hay'adaha ku salaysan bulshada, kuwaas oo wax ka qabta dhinac kasta baahiyaha qofka.
Hal tusaale waxaa ka mid ah Rose Haven, oo ah hoy maalinle ah iyo xarun bulsho oo ku taalla Portland oo siisa adeegyo shakhsiyaadka la kulma guri la'aanta iyo jugta. Siday qabaan qaar badan oo ka mid ah macaamiisha Rose Haven, caqabadaha caafimaadka maskaxda waxaa sii xumeeya xasillooni-darrada guryeynta.
"Siddeetan boqolkiiba martideena waxay la kulmaan hoy la'aan, in badanna waxay maraan caqabado daran oo caafimaadka maskaxda ah oo ay u weheliso jugi," ayay tiri Elizabeth Starke, oo ah Agaasimaha Horumarinta Rose Haven. "Jugta barakicidda-oo ay weheliso dhibaato hore-waa arrin ba'an. Xoogga ma saari kartid mustaqbalka marka aad isku dayeyso inaad maanta sii noolaato."
Waxa kale oo dheer kaalmada guryeynta, Rose Haven waxay sidoo kale bixisaa adeegyo caafimaadka maskaxda ah. Barnaamijka caafimaadka maskaxda waxa uu fidiyaa taageero nafsiyan ah, xasilinta dhibaatada iyo helitaanka daryeel caafimaad oo loogu talogalay xubnaha la kulmaya jug. Dadka u dooda caafimaadka maskaxdu waxay sameeyaan qiimayn, sameeyaan qorsheyaal badbaado, waxayna martida ku xiraan daryeelka muddada dheer, iyagoo ka shaqeeya awdista galdaloolooyinka oo ay meesha ka saaraan caqabadaha hor taagan helitaanka adeegyada daryeelka caafimaadka.
- Degmada Washington, CareOregon waxay taageertay xerada xaaladda isticmaalka maandooriyaha ee horumarka CODA, oo ay ku jiraan sariiro, maaraynta iska daynta balwadda, daryeelka guriga iyo guryeynta taageero. Iyadoo la maalgelinayo dib-u-qaabaynta urureed ee CODA, CareOregon waxay awood u siisay bixiyaha inuu laba jibaaro awooddiisa oo uu dardar-geliyo adeegyadiisa.
- Maalgalin kale, $ 700,000 ee lagu dayactiray guryeynta ku-meel-gaarka ah ee River Haven, waxay ku dartaa adeegyada wax looga qabto dhibaatooyinka maandooriyaha iyo guryeynta, iyadoo la siinayo taageero muhiim ah oo loogu talagalay shaqsiyaadka BIPOC ee la kulma hoy la'aanta.
CareOregon waxay qaadday qaab ballaaran oo ku aadan daryeelka caafimaadka maskaxda, iyadoo diiradda saartay maalgalilnta ururada, barnaamijyada iyo kaabayaasha si loo hagaajiyo helitaanka iyo abuurista nidaam taageera shakhsiyaadka si isku mid ah.
"Marka laga hadlayo CareOregon, waxaanu fahamsanahay in caafimaadka maskaxdu uu aasaas u yahay guud ahaan fayoqabka," ayey tiri Sturtz. "Maalgelin walba oo aan sameyno waxay salka ku heysaa aaminsanaanta ah in gabi ahaanba qof kastaaba uu mudanyahay in uu dareemo ammaan iyo taageero. Marka xubnaha ay dareemaan daryeelid iyo taageero; Marka ceebaynsiga aanay mar dambe caqabad noqon; iyo markii ay si sahlan ku heli karaan daryeel, guud ahaanba caafimaadkooda wuu hagaagayaa. Marka aynu wax u tarno dadka xaaladda caafimaadka maskaxda qaba, waxaynu wax ka tarnay noloshooda oo dhan."