Sideen u taageeri karaa cid ku jirta xaaladda soo kabashada?

Taageeridda qof ehelka ah oo ku sugan daawaynta isticmaalka maandooriyaha, ama ku sugan soo kabashada, waxay u noqon kartaa wakhti hubanti la'aan ah. Nasiib wanaag, waxa jira khayraad ku caawinaya.
Waydii sidaad ku caawin karto
Sida badan, dadku waxay dareemaan sidii oo aysan garanayn waxay u samayn karaan qof raadinaya daawayn. Cabsidaas darteed, waxba ma sheegaan haba yaraatee ama xataa waxay ka fogaadaan dadka ehelka ah. Hase yeeshee, qaar badan oo ku jira soo kabashada, waxa muhiim ah inay ogaadaan inay heli karaan taageerada dadka iyaga daryeela.
Isku-day waydiinta sida aad caawin u samayn karto. Tusaale ahaan, waxaad ku deeqi kartaa inaad gaadiidka ballanta gaynaya ka caawiso ama inaad kala hadasho soo kabashadooda. Ku dadaal inaad xushmayso rabitaankooda.
"Soo kabashadu waxay qaadan kartaa muddo dheer, oo wadata dhib iyo dheefba. Waxayna ugu muuqan kartaa qof kasta si gaar ah," ayay dhahday Stacie Andoniadis, Maamulaha Barnaamijka Isticmaalka Maandooriyaha ee CareOregon. "Ma aha hannaan toosan, waxayna noqon kartaa arrintaas mid cabsi leh, marka la eego qofka soo kabashada ku jira iyo dadka isaga taageeraya."
Stacie waxay sheegtay inay caadi tahay in soo kabashadu qaadato isku-dayo badan, mararka qaarna ay sanado badan qaadato. "Yoolku waa u dabbaaldegga horumarka iyo noqoshada qof taageero fidinaya, sida fiican ee aynu karno," ayay dhahday.
Wax ka baro khayraadka
Waxay caawisaa inaad wax badan ka barato isticmaalka maandooriyaha iyo soo kabashada. Hay'adda Qaranka ee Isticmaalka Daroogada waxay leedahay hage faa'ido badan oo la dhaho Words Matter. Bartani waxay sharraxdaa tibaaxyo iyo erayo faa'ido leh si looga fogaado.
Stacie sidoo kale waxay ku talisay inay dadku bartaan naloxone, oo ah daawo liddi ku ah isticmaalka daawada xad-dhaafka ah ee xanuun-biiyaha. In gacanta lagu haysto naloxone waxay caawin kartaa qofku inuu ka badbaado daawo xad-dhaaf ah oo uu isticmaalay inay halis galiso muddada uu ku jiro soo kabashada. Naloxone waxa qora dhakhtar, waxaana laga heli karaa farmasi kasta ama waaxda caafimaadka dadwaynaha degmadaada.
Naftaa ilaali
Ugu dambayn, waxa muhiim ah inaad fayo-qabkaaga ilaaliso. La hadal dhakhtarkaaga haddii aad ka walaacsan tahay caafimaadkaaga jireed ama isku-day inaad hesho taageero caafimaadka maskaxda ah. Waxa sidoo kale jira kooxo taageero oo diyaar ah oo loogu talogalay dadka ay saameeyeen isticmaalka maandooriyuhu ee xubinta qoyska ama ehelka, sida Al-Anon ama Smart Recovery Family & Friends.