CareOregon waxay horseed u tahay bulshooyin caafimaad qaba

Ilaa 2020, CareOregon waxay ku maalgalisay $110 milyan xoojinta nidaamka goboleed ee lagu daaweeyo caafimaadka maskaxda iyo isticmaalka maandooriyaha.
Isku keenista dadka si loo keeno isbeddel
Soo kabashadu waxay ku bilaabantaa bulshada Taasi waa sababta Columbia Pacific CCO, oo ah qayb ka mid ah qoyska CareOregon ay u martigaliso Shirka Isticmaalka Maandooriyaha oo sanadle ah kaasi oo isku keena xirfadlayaal caafimaad, barayaal, saraakiil la doortay, shaqaalaha gurmadka, waalidiin iyo dad kale oo noloshooda uu taabtay isticmaalka maandooriyuhu. Ka-qaybgalayaashu waxay bartaan qaabab loo taageero saaxiibada iyo jeerka la rafaadaya balwadda.

Maalgalinta xeeldheerayaal caafimaadka maskaxda ah oo badan
Xeeldheerayaasha caafimaadka maskaxda iyo balwadaha waxay muhiim u yihiin xallinta dhibta caafimaadka maskaxda iyo maandooriyaha ee gobolka. Sidaasoo ay tahay Oregon waxay waajahaysaa shaqaale yaraan ka jirta aaggan. Mushaharku waa arrin muhiim ah oo taagan. Sidaas darteed, 2022, CareOregon waxay ku maalgalisay in ka badan $73 milyan oo gobolka oo dhan ah shabakaddeena caafimaadka habdhaqanka si loo horumariyo shaqaalaynta, haysashada shaqaalaha iyo ku qanacsanaanta shaqada.

Wax-ka-qabashada dhibta cunista daawo xad-dhaaf ah
Sare u kaca tirada isticmaalka daawada xad-dhaafka ah waa mid ka mid ah arrimaha caafimaadka ee ugu xanuunka badan. CareOregon waxay maalgalinaysaa mashaariic badan iyo agabyo si ay gacan uga gaysato dhibta isticmaalka daawada xad-dhaafka ah, oo ay ku jirto kooxda taageerada jawaabta Zero Overdose ee Central City Concern, iyo qaybinta baaxadda leh ee naloxone, taasi oo la dagaalanta isticmaalka daawada xad-dhaafka ah oo nololo badbaadisa.